Nala Baro Mid Kamid Ah Halyeeyada Islaam-ka (Cumar Ibnul Khaddab) RC.
Waa
Abu Xafs Cumar Ibunl khaddab Al-Qurashi, waxa lagu naanaysi jiray Al-Faaruuq oo
macnaheedu yahay kii xaqqa iyo baadilka kala saafay. Waa khaliifkii labaad
afarta khulafo ee hanuunsan, waxa uu kamid ahaa asaxaabta rasuulka SCW kuwooga
ugu sarreeya waxaanuu ku jiray 10ka qof ee iyaga oo dunida dul jooga jannada
loogu bushaareeyay.
Cumar waxa uu
kamid ahaa Asaxaabta rasuulka SCW kuwooga ugu cil,miga badan, uguna suhdiga
badan, waxa uu muslimiinta u khaliif noqday bishii Jumadil 6aad ee sannadkii 13
Hijriga oo u dhiganta 634 taariikhda dhalashada Nabi Ciise NKH kadib
markuu geeriyooday Abu-bakar Al Sidiiq Allah ha ka raalli noqdo labadoodabae.
Cumar Bin
Alkhaddab waxa uu caan ku ahaa cadaalada iyo daryeelka dadka, muslim iyo gaal
kay doonaanba ha ahaadeene waana sababta loogu naanaysay magaca AlFaaruuq.
Xilligii uu
talada Muslimiinta hayay Cumar waxa ay diintu gaadhay heer aad u sareeya, waxa
faafay wanaaga iyo naxariista Islaamka, waxa lagu guulaystay in Ciraaq, Masar,
Liibiya, Faaris, Wadammada Asia, iyo waliba Qudus oo markii koowaad ee Islaamku
qabsaday ay ahayd xilligiisii.
Cumar waxa uu
aad ugu horeeyay uguna maskax badnaa dhinaca abaabulka ciidamada iyo awooda
Muslimiinta, waxaana ka marqaati ah siduu u dulleeyay dabcaabudkii Furus
(Persia) oo uu muddo 2 sanno ka yar ku burburiyay boqortooyadoodii, waana
sababta Illaa hadda Cumar bin Al Khaddaab uu u yahay qofka loogu necebyahay
dhulkaa ay maamuli jireen dab caabudku, iyaga oo iska leh ciid ay ku nacdalaan
fasax na laga dhigo dhamaan wadanka oo dhan.
Cumar bin
Al-Khaddab taariikhdiisa kuma soo koobi karno hal maqaal balse insha Allah inta
kale waxaad ka raacan doontaa kutubta siirada oo afaf badan lagu turjumay, kana
mid yahay afkeena hodonkaa ee Somaligu.
Fadlan hadii uu
ku cajabiyay maqaalku la wadaag cidda aad jeceshahay,
Share – Sii Faafi
Ka Faaidaysi Wacan |Soo Dhawaada.
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO
ISTICMAALAYA
FACEBOOK
COMMENTS