Siyaabaha Leeys-Kaga Ilaalin Karo Niyad Jabka Iyo Rajo Beelka.
Qofku Noloshiisa Waxa
Uu Maraa Duruufo Iyo Waayo Ku Abuura Shucuur Kala Duwan, Sida Jacayl, Nacayb,
Uurkutaallo, Niyadwanaag, Rajo, Cafisk, Qiiro, Wacadfur,Liidnimo, Awood,
Khiyaamo, Daacadnimo, Fikir Dheer, Kaadsiimo, Degdegsiimo Iyo Tobannaan Kale Oo
Aynaan Soo Kooni Karin Oo Mid Kastaa Ka Dhasho Duruufaha Iyo Xaaladaha Ku
Xeeran Qofka. Dareennadan Oo Dadka Qaar Ku Guulaystaan In Ay Maamulaan Kana
Guulaystaan, Ayaa Dadka Qaar Ku Keento Raad Taban Oo Noloshooda Iyo Nolosha
Dadka Ku Xeeran Oo Dhan Gaadha, Waana Dareenkaas Dambe Dareenka Ay Culimada
Cilminafsigu Ku Magacaabaan Waxa Afka Qalaad Lagu Yidhaahdo ‘Negative Energy’ Oo
Aynu Ku Macnayn Karno, ‘Tamarta Taban’, Gaar Ahaan Marka Uu Qofku Xaaladaha
Aynu Soo Xusnay U Gudbinayo Dadka Ku Xeeran.
Waxa Ay Khubarada
Cilminafsigu Aaminsan Yihiin In Marka Uu Qofku Ku Jiro Xaaladda ‘Tamarta Taban’
Aanay Ka Khatar Yarayn Xaaladaha Caafimaadkaa Jidheed Ee Kale, Waxyaabaha Ay
Qofka Ku Keentana Ay Ka Mid Tahay In Qofku Uu Si Taban U Fkiro, Niyadjab Aanu
Danihiisa Ku Foofi Karin, Niyadxumo Aanu Arkayn Ama Aaminayn In Ay Jiraan Wax
Wanaagsan Oo Uu Heli Karo Ama Guul Uu Gaadhi Karaa, Iyo In Uu Go’aamo Qaldan
Nolosha Ka Qaato Isaga Oo Mar Kasta Sheegaya Cudurdaarro Uu Ugu Marmarsoonayo
Fikir Iyo Go’aanka Uu Qaatay. Waxa Ka Sii Khatar Badan In Dadka Xaaladdan Ku
Jiraa Ay Awood U Leeyihiin In Ay U Gudbiyaan Dadka Ku Xeeran, Haddaba Si Aad
Uga Dheeraato In Ay Ku Niyadjabiyaan Ama Tamarta Taban Ku Qaadsiiyaan Dadka
Xaaladahaas Ku Jiraa Waxa Ay Khubarada Cilminafsigu Ku Siinayaan Talooyinka Soo
Socda Oo Aynu Ka Soo Xiganay Shabakadda Alcarabiya.
1. Iska
Jir In Rayiga Dadka Kale Raad Kugu Yeesho: In Aad Raalligeliso
Dadka Ku Kugu Xeeran Oo Dhami Waa Arrin Aan Suurtagal Ahayn, Sidaa Awgeed Ha
Isku Mashquulin Aragtiyahooda Taban Ee Ay Kaa Aaminayaan, Ee Keliya Ku Dadaal
In Aad Adigu Raalli Ka Tahay Naftaada Iyo Ficillada Aad Ku Kacayso Adiga Oo Aan
Dadaal Gelinayn Raalligelinta Dadka Kale.
2. Iska
Jir In Aad Aan Xakamaysnayn Ula Qiirooto Dhibaatooyinka Dadka Kale: Waa Ay Fiicantahay In
Qofku Uu Mar Kasta Lahaado Dareen Bani’aadamnimo Oo La Xanuunsada Dhibta
Haysata Dadka Ku Xeeran, Laakiin Waa In Aanu Ka Tegin Taxaddarka, Gacantiisana
Aanay Ka Bixin Xakamaynta Qiiradiisa, Si Aanay Isagana Ugu Dhicin ‘Tamarta Taban’
Oo Dhibtaas Aanu Waxba Ka Qaban Karayn Aanay Sabab U Noqon In Uu Isaguna Galo
Xaalad Kale Oo Nafsiya Oo Caqabad Ku Ah Habsami U Socodka Noloshiisa. La Qiiraado
Dhibaatada Dadka Laakiin Xaaladdooda Dusha Ha U Ridan.
3. Xakamaha
Ogow: Ku Dadaal In Aad Iska Xakamayso Xidhiidhka Dadka Mar Kasta
Aragtida Quusta Ah Qaba, Si Aanay Noloshaadu Isugu Beddelin Tooda Oo Kale. Mar Kasta
Oo Aad Badiso La Macaamilka Dadka Quusta Iyo Niyadjabka Ku Nool, Waxa Aad Ku
Dhowaanaysaa In Aad Xaaladdooda Isku Beddelo. Ogoow In Aanad Ku Qasbanayn In
Aad Joogto U Dhegeysato Baasaysiga, Quusta, Hiifka Iyo Niyadjabka Uu Qofka Kale
Ku Nool Yahay.
4. Waqtigaaga
Qaado: Waa Muhiim In Aad Naftaada U Samayso Waqti U Gaar Ah Oo Aad Cid
Kale Oo Kasta Ka Dheeraato, Waayo Waxa Aad Heli Doontaa Nafis Iyo Nasasho
Badan, Isla Markaana Fursad Aad Si Deggen Arrimahaaga Gaarka Ah Uga Fikirto
Ayaa Ay Kuu Noqonaysaa. Maxaa Ka Fiican In Aad Maalmaha Qaar Adiga Oo Kelidaa Ah
Barandaha Gurigaaga Fadhiisato Oo Aad Halkaas Bunkaaga Ku Cabto, Wa Hab Aad
Naftaada Iyo Maskaxdaadaba Firfircooni Ku Abuurayso, Kana Helayso Tamar Togan
Iyo In Aad Dunida Dhinaca Fiican Ka Eegi Karto.
5. Xakamee
Shucuurtaada: Qofka Nafsad Ahaan Xasilooni Waxa Uu Awood U Leeyahay In Uu
Shucuurtiisa Xakameeyo, Oo Uu Ka Adkaado Naftiisa Si Aanay Iyadu Uga Adkaan,
Ogow Oo Tamarta Tabani Mar Kasta Cid Kale Kaaga Imanayso Ee Mararka Qaarkood
Ayaa Ay Naftaada Lafteedu Kugu Keenaysaa, In Aad Shucuurtaada Ka Adkaataana
Waah Ab Aad Iskaga Caabbin Karto.
Share - Sii faafi
Ka Faaidaysi Wacan | Soo Dhawaada.
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS
FACEBOOK COMMENTS