Axmed Fiqi’’ Jidadka ciidan waa lagu xiri karaa balse sharciga iyo dastuurka lama xiri karo’’
”Jidadka ciidan waa lagu xiri karaa wax kastaba haloola jeedee, balse sharciga iyo dastuurka lama xiri karo, xoog waa la isku dayi karaa balse xeerku waa midka loo soo noqonayo oo saxda ah.
Dalku wuxuu waajahayaa xaalad adag, garaadkii wax xallin lahaana meesha kama muuqdo, waxaanse yaqiin ahaan u aaminsanahay in miyirku soo noqonayo marka u danbaysa.
Ciidamadu qaranka iyo dastuurka ayay difaac u yihiin, golaha barlamaankuna waa hey’adda mar kasta xuquuqdooda u dooda, qof madax ahi waa yimaadaa waana baxaa waxaan u soo jeedinayaa in aysan siyaasadda iyo isjiidjiidka jira ku milmin, oo shaqadooda ah amniga ay ku ekaadaan.
Xildhibaanada badbaadada barlamaanku waxey u taagan yihiin difaaca dastuurka iyo in hey’adda barlamaanku ay sii shaqeyso ayadoo ka madax banaan faragalin iyo saamayn dibadda ah ama in ay hey’adda fulintu ay qabsato.”