War Deg Deg:

Diyaarad Siday Lacag Oo Lagu Qabtay Garoonka Muqdisho Ee Aden Cadde +Sawirro

Like Saar

Muqdisho(KADARSHE NEWS)-Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Boorsooyin ay lacag ka buuxdo, sida ay warbaahinta ay u sheegeen ilo ku dhow garoonka.
Boorsooyinkaan ayaa ku socday Safaaradda dowladda isutagga imaaraadka Carabta ee Magaalada Muqdisho,waxaana cadadka lacagta lagu sheegay 13-Million oo dollar.
Ciidamada ammaanka ee garoonka ayaa ka war helay in lacag sido diyaaradaan, iyagoo ku amray in la baaro boorsooyinka, taasoo uu ka dhashay muran,kadib markii ay diideen baaritaanka Howlwadeenka Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Magaaladda Muqdisho.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qeyb kamid ah lacagta loo wado Puntland, taasoo mushaar ahaan loogu tala galay Ciidamada Puntland ee loo yaqaano PMBF ee ay tababareen Imaaraadka Carabta, halka qeybta kalena u socoto Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.
Dhanka kale waxaa Garoonka Magaaladda Muqdisho ku wajahan Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaliya si ay arintaan u xaliyaan.
Baaritaanka Qalabka iyo shaqaalaha Diblomasiyadda ayaa Qaanuunku siinayaa adduunka oo dhan muhiimad gaar ah balse Waddan walba waxa uu leeyahay hab-raac u gaar ah oo xeeriya Dhaqanka Diblomaasiyiinta iyo Safaaradahaba.



No comments