OGOOW SABABTA: Qaar ka Mida Ciidan-ka Ilaalada Madaxtoyada Oo Shaqa Joojin Lagu Sameeyay.
Warar-ka Ayaa Sheegaya In Qaar Kamida Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Ee Loo Yaqaan Koofi Casta Shaqo Joojin Lagu Sameeyay Maanta.
Ciidankaan Shaqo Joojinta Lagu Sameeyay Ayaa Lagu Eedeeyay In Aay Qeeyb Ka Ahaayeen Ciidankii Uu Gudoomiye Jawaari Shalay La Galay Xarunta Golaha Shacabka.
Kuwaasi Oo Si Xoog Ah Uga Soo Saaray Xildhibaanadii Mooshinka Ka Waday Jawaari.
Ciidanka Haatan Shaqo Joojinta Lagu Sameeyay Ayaa Lagu Sheegay 25 Askari, Oo Ka Kala Tirsan Ilaalada Villa Hargeysa Iyo Villa Somalia.
Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari Ayaa Waxaa Amaankiisa La Wareegay Ciidanka Amisom, Sidoo Kale Waxeey La Wareegeen Amaanka Xarunta Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Arintaan Ayaa Ku Soo Aadeeysa Ayadoo Uu Horay U Sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka In Sharciga Lagu Qaadi Doono Ciidankii Uu Jawaari La Tagay Xarunta Golaha Shacabka.