War Deg Deg:

Akhriso Erayo Iyo Xikmado Dhiiri Galin Ah. | Olad Ahmed Mohamed | Xigmado

Like Saar

Kusoo Biir Telegram-keena 
Kala Soco Qormooyin Iyo Buugtaagta Cilmiga
Personal Blog   |   Journalist   |   Graphic Design
WhatsApp: 0615980809

Qormadaan Gaaban Waxaa Akhristayaasha Kula Wadaagayaa Erayo Iyo Xikmado Dhiiri Galin Ah Oo  Kasoo Aruuriyay Ilo Kala Duwan.
Caruurta Quluubtoodu Waa Nadiif Laakiin Dharkooda Ayaa Wasakh Ah, Dadka Waaweyna Dharkooda Ayaa Nadiif Ah, Laakiin Qalbiyadoodu Waa Wasakh, Kuwo Allah (SWT) Ka Badbaadiyay Mooyee,.
Shimbir Geed Dul Fadhida Marnaba Kama Cabsato In Laanta Ay Saaran Tahay La Jabto, Sababtoo Ah Kalsoonideedu Ma Aha Laanta Balse Waa Baalasheeda. Had & Jeer Ku Kalsoonow Naftaada.
Qorrax-Dhaca Halkan Waxay Qorrax Soo Bax U Tahay Dhinac Kale Oo Aduunka Ka Mid Ah. Ha Quusan Sababtoo Ah Wax U Muuqda Dhamaad Ayaa Xaqiiqdii Ah Bilow Cusub.
Muhim Maaha Inaad Ka Xanaaqdo Wax Dhabarkaaga Laga Yiri Waayo Hortaada Lagama Odhan Karo.
Ha Ku Dadaalin Inaad Dhisato Guri Weyn Oo Aad Ku Noolaato, Laakiin Ku Dadaal Inaad Dhisato Guri Aad Ku Noolaato Oo Xasiloon Oo Ay Ka Dhex Iftiimayso Akhlaaq Wanaagsan Iyo Allah Ka Cabsi.
Awood Uma Lihid  Inaad Bedesho  Muuqaalkaaga Si Aad U Noqoto Kan Dadka Ugu Quruxda Badan, Laakiin Waxaad Awood U Leedahay Inaad Bedesho Dhaqankaaga Si Aad U Noqoto Kan Dadka Ugu Akhlaaqda Wanaagsan.
Noloshu Waxay Macno Badan Yeelataa Marki Aad Garowsato Xaqiiqda Fudud Ee Ah In Fursad Isku Mid Ah Aysan Laba Jeer Ku Soo Mareyn. Ka Faa’iideyso Fursad Kasta.
Tartanka U Dhaxeeya Libaax & Deero, Marar Badan Waxaa Guuleystay Deerada Sababtoo Ah Libaaxa Wuxuu U Ordayay Oo Keliya Cunto, Deeraduna Waxay U Ordeysay Nolol. Xusuuso: Ujeedo (Hadaf) Ayaa Aad Uga Muhiimsan Baahida. Ha Noqon Qof Cunto Keliya U Orda
Ha Isku Mashquulin Hana Ka Fekirin Gefkii Shalayto, Waayo Berri Waa Fursad Kale Oo Aad Ku Sixi Kartid Intii Shalay Qabyada Kaa Ahayd.
Kusoo Biir Telegram-keena 
Kala Soco Qormooyin Iyo Buugtaagta Cilmiga
Personal Blog   |   Journalist   |   Graphic Design
WhatsApp: 0615980809