War Deg Deg:

Madaxweeyne Farmaajo “Dhalinyarada Dalka Wax Ku Baratay Marna Lama Xaqiri Karo”

Like Saar
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka wax-ku baratay iyo Macalimiinta tan iyo bur burkii dalka waqtigooda u hurey in aay dhalinyaradaas wax baraan.

Doorka waxbarashada dalka marna lama xaqiri karo, Macalimiinta iyo aqoonyahanada dalka joogay tan iyo burburkii, waxay soo saareen dhalinyaro farabadan oo aqoonyahano ah “.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan sheegay xilli Maanta iskuul bolisiyo uu kula kulmay xoogaga dhalinyaro loogu Magac daray xoogga Wadaniyiinta, kuwaas oo laamaha amniga kala Shaqeynaya dhinaca diriseynta.
Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xilli Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya xilkii laga qaaday, balse xilka qaadista ka hor Wareeysi uu bixiyey ku sheegay in Wasaaradda waxbarashada  aaysan aqoonsaneeyn Jaamacadaha dalka ka jira.
Olad Ahmed Mohamed (kadarshe)
Igala Soo Xiriir: +252615980809

No comments