Qiso Dhex Martay Xajaaj Bin Yuusuf Iyo Wiil Yar Oo Alle SWT Xigmad Siiyay.
Qisadii Xajaaj Binu
Yuusuf
Taariikh: Qiso Dhex Martay
Xajaaj Bin Yusuf Oo Ahaa Amiirkii Ciraaq Iyo Shaam
Iyo Wiil-Yar Oo Ilaahay Xikmad Iyo Cilmi Ku Manaystay Oo Ka Dhashay Qabiilka Reerbanu Haashim.
Iyo Wiil-Yar Oo Ilaahay Xikmad Iyo Cilmi Ku Manaystay Oo Ka Dhashay Qabiilka Reerbanu Haashim.
Qaybta |1aad
Qisadani
Waxay Dhax Martay Xajaj Binu Yuusuf Al-Saqafi Oo Aad Wada Garanysaan Oo Amiir
Ka Ahaa Dhulka Ciraaq Dawladii Umaawiyiinta Xiligeedii Iyo Will Yar Oo Ka
Dhashay Reer Binu Haashi, Xajaaj Waxaa Abtiyaal U Ahaa Reer Binu Umaya Oo
Mucaawiye Ka Dhashay, Wiilkuna Waxaa Uu Isir Ahaan Ka Soo Jeeday Binu Haashi Oo
Cali Binu Abuu Daalib Ka Soo Jeedo Dagaalna Uu Ka Dhaxeeyay Labdan Qolo Ee Reer
Binu Haashim Iyo Reer Binu Umaya.
Qisadu
Waxay Ku Bilaabmaysaa In Maalin Maalmaha Ka Mida Ah Uu Xajaaj Binu Yusuf
Alsaqafi Oo Amiir Ka Ahaa Wadanka Ciraaq Uu Maalin U Baxay Ugaadhisi Si Uu
Ugaadhsi U Soo Samaysto,Xajaaj Markii Uu Banaanka Magaalda Uu Maraayo Ayaa Waxa
Uu La Kulmay Wiil Yar Oo Gacanta Ku Haya Xadhig Ay Sagaal Ey Ku Xidhan Yihiin,
Xajaaj Waxa Uu Soo Dul Istaagay Wiilkii Yaraa Waxaana Uu Waydiiyay Suaal, Waxa
Uu Yidhi Wiilyahow Yari Maxaad Samaynaysaa.
Wiilkii
Yaraa Inta Uu Kor U Eegay Buu Waxa Uu Yidhi Waxaad Ii Sidaa War Aanan Ku
Farxin,Waxaad Igu Eegatay Idho Dadka Lagu Liido,Waxaad Igula Hadashay Hadal
Islawayni Ku Jirto,Hadalkaagu Ruux Isla Wayn Buu U Eg Yahay, Caqligaaguguna
Caqli Dameer Buu U Eg Yahay, Xajaaj Waxa Uu Yidhi Ima Garanaysid Miyaa? Wiilkii
Yaraa Waxa Uu Yidhi Wajigaaga Madawgiisa Ayaan Kugu Gartay Markaad Hadal Igu
Bilawday Adigoo I Salaamin, Xajaaj Waxa Uu Yidhi Waar Hooge Soow Ma Ogadi Inaan
Xajaaj Binu Yuusuf Ahay? Wiilkii Yaraa Waxa Uu Yidhi Illahay Gurigaaga Ma Soo
Dhaweeyo, Martidaadana Kuuma Sooro, Hadal Badnidaa Oo Karaamo Darnidaa.
Markii
Xajaaj Iyo Wiilkii Yaraa Ay Intaas Is Waydaarasadeen, Xajaajna Aanuu Wali
Hadalkii Dhamayn Ayaa Waxa U Yimi Askartii Ilaalada U Ahayd Xajaaj, Waxana Ay
Yidhaadee Taliye Hadal Waan Ku Maqlaynaaye Na Amar Waan Samaynaynaaye, Xajaaj
Waxa Uu Yidhi Wiilkan Yar Ii Qaada Oo Meel Qasrigayga Ka Mida Iigu Xidha
Hadalkiisii Aad Buu Ii Xanuujiyaye,
Xajaaj
Ugaadhigiisii Buu Iska Soo Dhamaysatay, Markii Uu Qasrigii Ku Soo Laabatay Ayuu
Yidhi Ha Lay Keeno Wiilkii Yaraa, Wiilkii Baa La Keenay Qasarigii Xajaaj Uu
Fadhiyay Ee Uu Ka Talinayay Iyadoo Ay La Fadhiyaay Qolo Masuuliyiintiisii Ka
Mid Ah, Markii Uu Wiilkii Soo Istaagay Goobtii Xajaaj Joogay Ayuu Wiilkii Yaraa
Salaamay Oo Yidhi Asalamu Calaykum Lakiin Waxa Salaantii Ka Qaada Ma Uusan
Helin Markaas Ayuu Inta Uu Hareeraha Eegay Wiilkii Yaraa Akhriyay Sadexdan
Ayadoo Ee Ka Aha( Meel Kasta Waxaa Aad Ka Dhisaysaan Calaamo( Waxa Uu Aad Ula
Yaabay Quruxda Guriga Uu Xajaaj Dagan Yahay), Warshado Ayaad Dhisnaysaan Sida
Inidkoo Aduunka Ku Waaraya Oo Dhimanayn, Hadaad Ruux Qabataan Si Aad U
Xukuntaan Waxaad Qabanaysaan Idinkoo Xad-Gudbay Oo Jabaariin Madax Adag Ah).
Qeybta | 2aad
Xajaaj
Oo Dhabarka U Jiifay Ayaa Soo Fadhiistay, Dadkii Xajaaj Ka Ag Dhawaa Ayaa
Wiilkii Yaraa Ku Yidhi Wax Edab Ah Ma Lihid Ma Garanaysaa Qof Aad Sidan Ula
Hadlayso, Markii Aad Soo Gashayna Ma Aanad Salaamin Salaam U Qalananta Saw Ma
Ogid Inaad Ku Jirto Guriga Amiirkii Ciraaq.
Wiilkii
Yaraa Waxa Uu Yidhi Waxaad Tihiin Digada Dameerka Oo Kale Inaan Salaanta
Noocaas Ah Ku Salaamo Xajaaj Waxaa Ii Diiday Waan Daalay Waayo Waxaad Isoo
Mariseen Wado Dheer Iyo Jarjarooyin Badan Markaan Guriga Soo Galayay, Salaanta
Aad Doonaysaan Inaan Xaajaj Ku Salaamo Waxaa Ku Salaami Lahaa Amiirkii
Muslimiinta (Cali Ibn Abi Taalib) Iyo Asxaabtiisa.
Xajaaj
Waxa Uu Yidhi Wiilyahow Maanta Waxaa Soo Dhamaatay Rajadaadii Ahayad Inaad Sii
Noolaato Oo Waxaa Soo Dhaawatay Geeridaadii Waayo Waxaa Tahay Wiil Da’yar,
Wiilkii Yaraa Waxa Uu Yidhi Xajaajoow Haday Geeridaydu Gacantaada Ku Jirto Ma
Dhibsanyo Waxaad I Tidhaahdo, Intaas Markii Ay Dhacay Ayaa Waxaa Hadal Ku
Bilaabay Dadkii Xajaaj Ku Dhawaa Oo Leh Wiil Xun Baad Tahay Oon Edab Lahay
Markaad Sida Wiilasha Facaaga Ah Ula Hadlayso Amiirka, Miyaad Ogayan Inaad
Lahadlayso Amiirkii Ciraaq Iyo Shaam.
Xajaaj
Ayaa Bilaabay Inuu Suaalo Waydiiyo Wiilkii Yaraa Waxana Uu Yidhi Wiilyahow
Markii Dhawayd Ee Aad Lahayd Salaanta Gaar Ka Ha Yaad Ula Ula Jeeday Salaantaas
Gaarka Ah? Wiilkii Yaraabaa Yidhi Waxaa Ula Jeeday Amiiral Muumin Cali Binu Abu
Daalib Iyo Asxaabtiisi Baan Ka Waday Oon Ula Jeeday, Adigana Xajaajow Hadii
Lagu Dhihi Lahaa Qof Salaan Yaad Salaami Lahayd?
Xajaaj: Waxaan Salaami Lahaa Cabdimalik Binu Marwaan
(Cabdimalik Ibn Marwaan Waa Reer Binu Umayaha Waana Boqorka Wakhitigaas
Talinaya Ee Xajaaj Uu Ka Amar Qaato)
Wiilkii Yaraa: Ma Cabdimalikga Faajirka Ah Baad Salaami
Lahay, Dadkii Goobta Fadhiyay Ee Xilka Xajaaj Waxa Ka Yahay Baa Xajaaj Ku Yidhi
Xajaajow Wiilkan Yar Dil Waayo Waxa Uu Ka Baxay Daacadii Amiirka Iyo In
Jamaacada Lagu Dhex Jiro Oon Laga Dhex Bixinba Dabada Ayuu Ka Yahay Cabdimakil
Binu Marwaana Waa Aflagaadeeyay In La Dil Ayaan Ku Xukunay Ee Dil,
Wiilkii
Yaraabaa Waxa Uu Xajaaj Ku Yidhi Dadkan Edab U Yeel Waxaan Ahay Ma Fahmayaane,
Xajaaj Baa Dadkii Ku Yidhi Ka Aamusa Idinku Oo Ii Daaya Aniga,
Intaas
Ka Dib Waxa Xajaaj Uu Waydiiyay Suaal Tiro Badan Wiilkii Yaraa Waan Ta Xajaaj
Iyo Wiilkii Yaraa Qisadii Cajiibka Badan Ee Dhex Martay.
Xajaaj: Ma Garnaysaa Walalkagay? (Waxaa Xajaaj
Walal La Ahaa Mid Dhib Badan Oo Yeman Masuul Ka Ah)
Wiilkii Yaraa: Haa Waan Garanayaa Walalkaa Oo Waa
Fircoon Oo Markii Uu Nabi Muuse Iyo Haruun Oo Wada Socdaa U Yimaadeen Fircoon
Dadkii La Fadhiyay Buu La Tashaday Adigana Fircoon Baa Walal Kula Ahoo Dadka
Kula Fadhiya Ayaad La Tashanaysaa.
Xajaaj: Waxaa Uu Dadkii La Fadhiyay Ku Yidhi Qoorta
Ka Gooya Mar Hadiiba Uu Fircoon Soo Qaaday,
Cuqaashi
Nin La Yidhaahdo Oo Ahaa Dadkii Goobta Fadhiyay Ayaa Waxogaa Intuu Wiilkii
Yaraa U Naxay Yidhi Xajaajow Alle Ha Kuu Gargaaree Isku Day In Aanad Dilin
Wiilkan Oo Aniga Isii Anigaa Akhlaaqda U Hagaajinaye Oo Barbaarniye,
Xajaaj: Kasaxayso Waa Kaase Alle Kuuma Barkeeyo’e
Wiilkii Yaraa: U Mahad Celina Maayo Kii I Bixiyay Oo
Ah Xajaaj (Mahad Ma Mudna ) Iyo Cuqaashi Oo La I Siiyay Midna Mahad Ma Mudan
Inay Dil Iga Bad-Badiyeen.
Cuqaashi: Waryaa Sidee U Hadalaysaa Inaan Geeri
Kaa Bad-Baadiyaan Doonayaya Adiguna Waxaa Leedahay Mahad Iguma Laha Oo Hadalkan
Maad Igla Hadalaysaa Buu Yidhi Inta Uu Xajaaj Eegay Oo Yidhi Ma Rabo Amiiroow
Inan Ka Xayasto’e Ee Waxaa Rabto Ku Samee Waa Wiil Edab Darane.
Intaas
Ka Dib Ayuu Xajaaj Bilaabay Inuu Waraysato Wiilku Xaga Uu Ka Yimid Iyo Deegaanka
Uu Ka Soo Jeedo Isir Ahaan, Wiilkii Yaraa Isagoo Eegay Fikrada Uu Ka Qabo
Xajaaj Dhulka Badan Ayuu Kolba Sheegtay Maagalo Isagoo Xajaaj Tijaabinaya Waxa
Uu Ka Aaminsan Yahay Dhulalkaas Kale Duwan, Waxaan Uu Yidhi Xaajaaj.
Xajaaj: Wiilyahow I Dhagso Wadan Keed Ka Timid?
Wiilkii: Waxaan Ka Imid Wadanka Masar
Xajaaj: Waxaad Ka Timid Magaaladii Faasiqiinta,
Waayo Waxaa Ku Nool Dumar Heesaha Ciyaara Oo Meelahaas Ka Bood-Booda,
Biyaheedana Waxaa Lagu Cabaa Weelal Dahab Ah, Wabiga Niil Waa Wabi Cajiiba Oo
Dadku Ay La Yaabaan, Dadka Ku Noolina Wabiga Agtiisa Carabna Maaha Cajabna
Maaha.
Wiilkii Yaraa: Anigu Habada Magaaladaas Kaam Iman La Soco,
Waxaan Ka Imid Ahlu Khuraasaan (Dhulkii Ay Ka Soo Baxeen Bukhaari Iyo Muslim
Waa Wadamada Iran Iyo Afgaanistaan)
Xajaaj: Meel Ka Sii Shar Badan Baad Ka Timid,
Diintuna Ay Ku Yar Tahay Waayo Waa Dad Cajaba Ah Oon Carab Ahayn Waa Sida
Xoolaha Adiga , Geela Iyo Lo’da Oo Kale, Hadalkood Waa Culus Yahay Oo Lama
Karo, Midkooda Qaniga Ah Oo Hantida Lehina Waa Bakhayl.
Willkii: Hadaba Anigu Magaaladaas Kama Aanan
Imin, Waxaan Ka Imi Dhulka Shaam La Yidhaahdo.
Xajaaj: Waxaad Ka Timid Dhul Fiican (Waa
Dhulkii Mucaawiye Looga Gar-Garaaya Markii Ay Cali Is Hayeen) Lakiin, Waa Dhul
Aan Anigu Necebahay Waa Meel Dadka Ka Yimaada Uu Jidhkoodu Uu Adag Yahay.
Wiilkii: Anigu Hadaba Dhulkaas Kama Aanan Imin,
Waxaan Ka Imid Dhulka Yeman.
Xajaaj: Waxaa Ka Timid Magaalo Aysan Dadkeed
Garanayn Hadii Ixsaan, Wanaag Iyo Samo Fal Loo Sameeyo Erayga Ah (Waad Mahadsan
Tahay) Waayo Cadkoodu Wuu Mac Yahay, Hadalkooduna Waa Uu Jilicsan Yahay,
Midkooda Caqliga Badani Waxa Uu Isticmaalaa Muusiga Iyo Heesaha, Kooda Jaahil
Ka Ahi Khamiriga Ayuu Cabaa.
Wiilkii: Hadaba Aniga Kama Mid Ahi Kuwaas Kamana
Aanan Dhalan, Waxaan Ka Imid Dhulkii Barkaysanaa Ee Maka Oo Reer Makaan Ahay.
Xajaaj: Waxaad Ka Timid Kuwo Shar Badan Oo
Jaahiliina Ah Dhul Ay Ku Nool Yihiin Waayo Qolo Uu Illahay Nabi Wanaagsan Ka
Soo Dhex Saaray, Nabigii Bay Eryeen Oo Caydiyeen Qol Ayuun Illahay Ku
Bad-Baadiyay Oo Uu Kusoo Dhaweeyay Kuwaas Oo Jeclaaday Oo Karaameeayay (Reer
Madiina).
Wiilkii: Hadaba Aniga Dhulkaas Ka Imin?
Xajaaj: Wiilyahow Jawaabahaagu Way Igu Badteen
Qalibgayguna Waxa Uu Ii Sheegayaa Inaan Ku Dilo.
Wiilkii: Xajaajow Hadii Geeridaydu Gacantaad Ku
Jirto Adigaaban Ku Caabudi Lahaa Ee Xajaajow Waxaad Ogaataa Inaan Ka Imid
Magaaladii Rasuulka (Nnkha) Ee Madiina.
Xajaaj: Waxaad Ka Timid Magaalo Wanaagsan Dadka
Dagani Waa Ehulu Iimaan, Waa Dad Wanaag Jecel, Ee Qaliibkee Baad Ka Dhalatay?
Wiilkii: Waxaan Ka Dhashay Qaliib La Yidhaa Binu
Qaalib Oo Isir Ahaana Uu Ka Dhashay Cali Binu Abuu Dhalib Nasabkayganu Waligii
Ma Baaba’aayo Oo Waligii Waan Jiraynaa.
Xajaaj
Intuu Aad U Cadhooday Ayuu Yidhi;
Xajaaj: Wiilkan Madaxa Ka Gooya. Dadkii Meesha
Fadhiyay Oo Caadifada Nabigu Yara Qaaday Baa Yidhi Xajaaj Waa Wiil Yare Ee Maad
Iska Daysid Ma Mudan In La Dilo E’
Xajaaj: Maya Waa In La Dilaa Xataa Hadii Mid
Samada Ka Dhawaaqo Uu Yidhaa Ha La Daayo
Wiilkii: Nabi Ma Tihide Yaa Samada Kaaga
Dhawaaqaya?
Xajaaj: Oo Inaan Ku Dilo Oo Nafta Ku Dhaafiyo
Yaa Iga Kaa Hor Taagan?
Wiilkii: Waxa Iga Kaa Hor Taagan Oo Inaad I Dhisho Kuu
Diidaya Allaha Kala Dhex Gala Qofka Iyo Qalbigiisa
Xajaaj: Illaahaga Aad Sheegayso Isagaa Igu
Kaalmayna Inaan Ku Dilo
Wiilkii: Illaahay Kuguma Kaalmayna Ee
Shaydaankaaga Ayaa Kugu Kaalmayna Inaad I Dhisho Ee Illaahay Baan Ka Magan
Galay Adiga Iyo Shaydaankaba.
Xajaaj: Wiilyahow Waxaan Arkaa In Jaawabahaagu
Igu Bateen Ee Waxaad Ii Sheegtaa Waxa Ruuxu Alle Ugu Dhawaado?
Wiilkii: Waxa Uu Ruuxu Alle Ugu Dhawaado Waa
Soonka, Salaada, Sakada Iyo Xajka
Xajaaj: Anigu Waxaan Illahay Ugu Dhawaanayaa
Dhiigaaga Waayo Waxaad I Tidhi Waxaan Ahay Ilmihii Faracii Xasan Iyo Xuseen.
Xajaaj Oo Raadinay Waxaa Uun Uu Ku Daayo Wiilkan Yar Ayaa Waydiiyay
Xajaaj: Ii Sheeg Wiilyahow Yaa Ku Dhalay?,Wiilkii
Yaraa Isagoo Hadalka Ku Adkaynay Ayuu Ugu Jaawaabay
Wiilkii: Waxaa I Dhalay Hooyo Iyo Aabo Uun Baa I
Dhalay,
Xajaaj: Xageed Baad Ka Timid? Wiilkii: Waxaan Ka Imid
Dhulkan Balaadhan Ee Illaahay Abuuray Meel Ka Mid Ah Uun Baan Ka Imid
Xajaaj: Wiilyahow Waxaa Ii Sheegtaa Carab Yaa U
Karaamo Badan? Am Yaa U Deeqsimo Badan Oo U Waxa Bixin Badan? Wiilkii: Carab
Waxaa U Deeqsino Iyo Karaamo Badan Waa Qabiilka La Yidhaa Banuu Dayiq Waayo
Waxaa Ka Dhashay Xaatumul Asam Ninka La Yidhaahdo.
Xajaaj: Waxaad Ii Sheegtaa Carab Yaa U Sharaf
Badan? Wiilkii: Waxaa U Sharaf Badan Banuu Mudar Baa U Sharaf Badan Waayo Waxaa
Ka Dhashay Nabi Muxamed (Nnkha),
Xajaaj: Waxaad Ii Sheegtaa Carab Yaa U Geesimo
Badan? Wiilkii: Carab Waxaa U Geesimo Badan Waa Binu Haashim Waayo Waxaa Ka
Dhashay Waa Cali Binu Abuu Daalib
Xajaaj: Waxaad Ii Sheegtaa Carab Yaa U Ugu Xun Oo Ug
Najaasaysan?
Wiilkii: Carab Waxaa Ugu Xun Oo Ugu Najaasaysan
Waa Qabiilka La Yidhaado Banuu Saqiif Waayo Waxaa Ka Dhashay Adiga Oo Xajaaj Ah
Horana Waxaa Uga Dhashay Musaylam Binu Kadaab Oo Nabinmo Sheegtay. Xajaaj Intuu
Aad U Cadhooday Ayuu Dadkii Meesha Ka Ag Dhawaa Ku Yidhi;
Xajaaj: Wiilkan Madaxa Ka Gooya? Dadkii Meesha
Joogay Baa Xajaaj Ku Yidhi Wiilku Waa Yar Yahay Ee Maad Iska Dayside, Xajaaj
Intuu Cadhadii Waxogaa Iska Dajiyay Ayuu Ku Yidhi
Xajaaj: Geelaagii Geesaha Lahaa Ee Aad Raacaysa
Xaagad Kaga Soo Tagtay?
Wiilkii: Waxaa Kaga Soo Tagay Geelii Geesaha
Lahaa Ee Aan Raacayay Isagoo Daaqaya Geedka La Yidhaa “Suwaat” ( Suwat Waa Geed
Aan Caleen Lahay Oo Kaliye Leh Godox Oon Waxa Ceelan U Dhalan)
Xajaaj: Intuu Aad U Qayliyay Ayuu Ku Yidhi
Waryaa Wiilyahow Xunka Ahi Oon Caqliga Lahan “Suwat” Miyaanuu Ahayn Geed Aan
Caleen Lahayn Oo Kaliya Qodox Leh Sidee Buu Geelu U Daaqayaa Geed Aan Caleen
Lahayn
Wiilkii: Xajaajow, Adiguna Xageed Ku Aragtay
Geel Geeso Leh, Markaad Geed Aan Caleen Lahayn Caleemo U Diidayso
Xajaaj: Wiilyahow Quraanka Ma Xafiday? Wiilkii:
Quraanka Markaan Xafidaayo Quraanka Miyaa Iga Cararaayo
Xajaaj: Wiilyahow Quraanka Ma Kulmisay Oo Ma
Ururisay? Wiilkii: Quraanka Miyaa Ka Daadsanaa Markaa Ururinayo. Xajaaj: Imaad
Fahmin Su’aashayda Miyaad, Wiilkii: Waxaa I Tidhaadaa Quraan Akhrisay, Ma
Fahamtay Sidaas Ii Waydii Suaasha.
Xajaaj: Waxaa Ii Sheegtaa:
- Quraanka Aayada Ugu Wayn..?
- Waxaaa Kaloo Ii Sheegtaa Aayad Quraanka Ugu Xukunka
Dheer..?
- Quraanka Aayad Ugu Cadaalada Badan Ii Sheeg?
- Quraanka Aayad Marka La Akhriyo Ugu Cabsida Badan Ii
Sheeg?
- Quraanka Aayad Marka La Akhriyo Ugu Rajada Badan Ii
Sheeg?
- Waxaad Ii Sheegtaay Aayada Ay Ku Jiraan Toban Ayaadood
Oo Alle (Sw) Waynidiisa Lagu Garanayo Ay Ku Jiraan?
- Waxaa Ii Sheegtaa Aayad Ay Ku Jiraan Been Ay Sheegeen
Ilmo Nabi Uu Dhalay?
- Iyo Aayada Ay Ku Jirto Run Ay Sheegeen Yuuhuda Iyo
Kiristaanku?
- Iyo Aayad Uu Ku Jiro Illahay Hadalkiisu?
- Iyo Aayad Ay Malaa’ig Hadalkeedu Uu Ku Jirto?
- Iyo Aayad Uu Ku Jiro Hadalka Ahlu Januhu?
- Iyo Aayad U Hadalka Ahlu Naarku Ku Jiro? Iyo Aayad
Hadalka Ibliisku Ku Jiro?
Wiilkii
Yaraa Ayaa Uga Jaawabay Su’aalahaasi Oo Dhan Si Waafi Ah Balse Uu Xajaaj La
Yaabay Sida Uugu Kalo Dhigay.
Xajaaj
Markii Wiilkii Intaas Dhameeyay Ayuu Hadan Suaalo Kale Sii Waydiiyay
Xajaaj: Wiilyahow Waxaa Ii Sheegtaa Qof Laga
Abuuray Hawada, Iyo Qof Lagu Bad-Baadayiya Hawo, Iyo Umada Hawo (Dabayl) Lagu
Dilay?
Wiilkii: Qofka Hawo Laga Abuuray Waa Nabi Ciise
(Cs) Oo Neef Baa Laga Abuuray, Qofka Hawada Lagu Bad-Baadiyayna Waa Nabi
Sulayman (Cs) Oo Hawda Ayuu Loogu Garaari Jiray Oo Adeegsan Jiray, Qolada
Hawadii Am Dabayshii Lagu Halaagayna Waa Reer Caad Markii Nabigii Alle (Swt) U
Soo Diray Beeniyeen.
Xajaaj: Waxaa Ii Sheegtaa:
- Shay Geed Laga Abuuray
- Iyo Ruux Geed Lagu Dilay
- Iyo Ruux Geed Lagu Bad-Baadiyay..?
Wiilkii:
- Shayga Geedka Laga Abuuray Waa Ushii Nabi Muuse (Cs)
Markii Ay Abeesada Isu Badashay Waxay Ahayd Ulu Waxaan Ay Noqotay Abeeso,
- Ruuxa Geedka Lagu Bad-Baadiyayna Waxaa Uu Ahaa Nabi
Nuux (Cs) Markii Ay Dhulka Iyo Cirkaba Ay Biyo Xidheen Waxaa Alle (Swt)
Dooni Geed Ka Samaysan,
- Ruuxa Geedka Lagu Dilayna Waa Nabi Sakariye (Cs) Oo
Qawmkii Ay Ku Dileen Siday U Qaraacayeen.
Xajaaj: Waxaad Ii Sheegtaa Ruux Biyo Laga
Abuuray, Ruux Biyo Dhexdooda Lagu Lagu Bad-Baadiyay Iyo Ruux Biyo Lagu
Halaagaya?
Wiilkii: Waxaa Biyo Laga Abuuray Nabi Aadam
(Cs), Waxaa Biyo Lagu Bad-Badaayiya Nabi Muuse (Cs), Waxaa Biyo Lagu Halaagay
Fircoon Iyo Qoomkiisii
Xajaaj: Waxaa Ii Sheegtaa Cid Naarta Laga
Abuuray,Iyo Qof Naar Laga Bad-Baadiyay
Wiilkii: Waxaa Naar Laga Abuuray Ibliis, Waxaan
Naar Laga Bad-Badaayay Nabi Ibraahim (Cs) Markii Qoomkiisu Ku Tureen,
Xajaaj: Waxaad Ii Sheegtaa Wabiyada Janada Iyo
Tiradooda Inta Ay Tahay?
Wiilkii: Wabiyada Janada Maraa Aad Bay U Tiro
Badan Yihiin Oo Illahay Ayuun Baa Tiradooda Garanaya Saw Alle Ma Dhihin Janada
Waxaa Ku Jira Wabiyo Aan Biyahoodu Is Badalayn, Kuwa Caano Aan Dhadhankoodu
Anuu Isbadalayn, Iyo Kuwa Wabiyo Khamri Ah Oo Qofka Cabtaa Ay Dhandhansanyso,
Iyo Wabiyaal Malab Ah Oo Saafi Ah, Wabiyaashaa Dhamaantooda Waxay Ka Soo
Burqadaan Hal Meel Ah Iygoo Caano, Khamri, Biyo, Iyo Malab Isla Ah, Iskumana
Darsamaan.
Mid
La Mid Ah Kuwaas Hal Meela Ka Wada Yimaada Oo Isku Darsamayn Oo Kalane
Aduunyada Ayaa Laga Helaa Oo Waa Madax Qofka Dadka Waayo Wabiyo Dhadhankoodu
Waa Macaan Wabiyona Waa Khadhaadh Halka Qaaran Ay Yihiin Dhanaan Madaxa Qofkana
Waxaa Ka Yimaada Candhuuf Waa Macaan Dhadhan Ahaan, Ilinta Qofka Isha Ka
Timaadana Waa Dhanaan, Halka Dukayga Qofka Dhagta Ka Yimaadana Uu Yahay
Khadhaadh. Dhamaantoodan Waxay Ka Wada Yimaadaan Madaxa Qofka Oo Isku Meel
Weeyaan Hadan Iskuma Darsamaan.
Xajaaj: Eluhu Janahu Way Cabaan, Waanay Cunaan
Cuntooyin Kale Nooca Ah Mana Saxaroodaan Ee Waxaa Ii Sheegtaa Ruux Dunida Guud
Keeda Jooga Oo Inta Uu Cuno, Cabo Hadana Aan Saxaroon Sida Eluha Janaha Oo
Kale?
Wiilkii: Haa Waa Laga Helaa Dunida Guudkeeda Oo
Waa Ilmaha Yare Ee Uurka Hooyada Ku Jiro, Ilmahaas Yari Waa Cabaa, Waana Cunaa
Hadan Ma Saroodaa,
Xajaaj: Waxaa Ii Sheegtaa Dhiigii Ugu Horeeyay
Ee Dunida Guud Keeda Ku Dibca Markii Aadam Alle Sw Abuuray Ka Dib?
Wiilkii: Waxaa Uu Ahaa Dhiigaasi Dhiigii
Hooyadeen Xaawa Ee Xayadka Ahaa Isagaan Ugu Horeeyay Dhiig Dunida Guudka Ku
Dhibca
Xajaaj: Wiilyahow Bal:
- Caqliga Binu Aadamiga Wax Iiga Sheeg..?
- Iimaanka Wax Iiga Sheeg..?
- Xishoodka Waxa Iiga Sheeg..?
- Deeqsinada Waxa Iiga Sheeg..?
- Geesinimada Wax Iiga Sheeg..?
- Karaamada Iyo Sharafka Wax Iiga Sheeg..?
- Shahwada Iyo Qooqana Wax Iiga Sheeg?
Wiilkii: Hadaan Waxa Kaaga Sheego:
- Caqliga Illahay Toban Buu U Qaybiyay, Sagaal Raga La
Siiyay Halna Dumarkaa La Siiyay,
- Iimaanka Illahay Toban Buu U Qaybiyay Sagaal Reer Yeman
Baa La Siiyay Halna Aduunka Kalaa Loo Qaybiyay,
- Xishoodka Illahay Toban Buu U Qaybiyay Sagaal Dumarkaa
La Siiyay Halna Ragaa La Siiyay,
- Deeqsinimada Illahay Waxa Uu U Qaybiyay Toban Sagaal
Raga Ayaa La Siiyay Halna Dumarkaa La Siiyay,
- Geesinimada Toban Ayaa Illahay U Qaybiyay Sagaal Carab
Baa La Siiyay Halna Dunida Kale Oo Dhan Ayaa La Siiyay,
- Shahwada Iyo Qooqana Toban Ayaa Illahay U Qaybiyay
Sagaal Dumarkaa La Siiyay Halna Ragaa La Siiyay.
Xajaaj: Waxaad Ii Sheegtaa Waxa Sanadkii Mar
Kugu Waajiba Ah Iyo Waxa Noloshaada Oo Dhan Mar Kugu Waajiba Ah? Iyo Waxa Imika
Adiga Agtaada Kuugu Dhaw?
Wiilkii: Waxa Sanadkii Mar Kugu Waajib Waa
Soomka, Waxa Noloshaada Oo Dhan Mar Kug Waajibi Waa Inaad Bayta Illahay Xagto
Oo Soo Xajido, Waxa Imika Aniga Iigu Dhawina Waa Geeri Am Inaan Aakhiro Tago
Aayaa Iigu Dhaw, Ama Inay Naftu Iga Baxado Ayaa Iigu Dhaw.
Xajaaj: Waxaad Wax Iiga Sheegtaa Dumarka?
Wiilkii: Xajaajow Wali Waan Yar Haya Oo Dumar
Maan Guursan Lakiin Waxaa Ka Aqaan Ayaan Waxa Kaaga Sheegi Ee Hadii Aad Hesho
Gabadh Toban Jira Waxaa Haysaa Xuural Cay Nee Ha Sii Dayn, Hadii Aad Hesho
Gabadh Labatna Jira Waxaad Haysaa Jano Iyo Barwaaqo Iyo Qurux La Daawado Ee Ha
Sii Dayn,
Xajaaj
Ayaa Qosol Dheer La Dhacay Ka Badin Waxaa Uu Sii Watay Suaalihii Waxaana Uu
Yidhi,
Xajaaj: Waxaa Ii Sheegtaa Qofkii Ugu Horeeyay
Ee Tiriya Gabay? Iyo Cidii Ugu Jaawabtay Gabay?
Wiilkii: Waxa Uu Ahaa Qofkii Ugu Horeeyay Ee
Gabay Am Shicir Tiriyaa Nabi Aadam (Cs), Gabay Ahaa Calacal Oo Ugu Baroodiiqayay
Wiilkiisa Uu Dilay Walalkii , Waxana U Jaawabay Ibiliis Oo Taagnaa Meel Aan
Sidaas Uga Fogayn.
Xajaaj: Subaxaana Lahaa Illahay Ayaa Xumaan Ka
Fog Qofkuu Doona Ayuu Xikmada Iyo Cilmi Siiyaa Ma Arkin Adiga Wiil Cilmi Iyo
Caqli Iyo Kaa Garsho Badan, Wiilyahow Cilimgaagii Farah Badanaa Waad Noogu
Deeqday Ee Waxaa Khasab Ah Inaan Ku Karaamayno Oo Aanu Ku Waanaajino, Waxaan Ku
Siinayaa Ku Siinaynaa Kun Diinaar, Waxa Kaloo Ku Siinaynaa Dhar Qurxoon, Seef,
Gabadh Iyo Waliba Faras.
Xajaaj
Oo Ayna Wali Ka Go;An Damacii Ahaa Inuu Dilo Ayaa Mar Kale U Dhigay
Hal-Xidhaalaha Waxaanu Inta Uu Hoos Isu Faqay Yidhi Hadii Faraska Qaato Waa Iga
Bad-Baadayaa Lakiin Inta Kale Hadii Uu Qaato Waan Dilayaa,
Xajaaj: Wiilyahow Kalo Dooro Alaabtan Aan
Had-Yad Ahaan Kuugu Keenay?, Wiilkii Yaraa Intii Uu Kale Dooranaayay Ayuu
Gabadhii Oo Waxa La Kalo Dooranyo Ku Jirtay Tidhi Aniga I Qaado Wiilyahow Maxay
Taryaan Maro Qurxoon, Lacag, Seef Iyo Faras Anigaa Kaaga Wanaagsan Ee Aniga I
Qaado Waxaan Kuu Noqo Doonaa Gabadh Aad Ku Raaxaysato Oo Raaliyo Ahe,
Wiilkii: Gabadhyahay Dan Kaama Lihi Ee Iskay
Daa; Xajaaj Ayaa Dareemay Sanqashadii Iyo Il Jabintii Gabadha Oo Ku Yidhi
Xajaaj: Maad Isku Xishootid Gabadhyahay Intaad Wiilka Yar U Il-Qabinayso
Markaas Buu Gabay U Tiriyay Gabadhii Xajaaj.
Wiilkii: Xajaaj Hadaad I Kale Dooran Siiyo
Alaabtan Ah Kun Diinaar, Gabadh, Seef, Iyo Faras, Aniguwaxaa Qaadan Lahaa
Faraska Lakiin Adiga Hadii Aad Dheecaan Xalaal Ah Ka Dhaltay Oo Aad Tahay Nin
Wanaagan Waa I Wada Siinaysaa.
Xajaaj: Wada Qaado Dhamaantood Illahay Kuuma
Barkeeyee
Wiilkii: Waan Kaa Gudoomay Alaabtaas Ee Adiga
Illahay Mida Ka Danbaysa Kuma Siiyo, Adiga Iyo Aniga Illahay Mar Danbe Nama
Kulan Siiyo.
Markii
Uu Wiilkii Yaraa Alaabtii Oo Dhan Isku Qaatay Ayuu Yidhi Xajaajow Xageen Baan
Ka Baxaa Oo Maraa
Xajaaj: Waxaad Ka Baxadaa Iridaas Halkaas Ah (
Inta Uu U Tilmaamay Albaab Aan Cid Dhibto Aanuu Arkayn)
Xajaaj
Ayaa Dadkii Aga Joogay Yidhi Maxaad Igu Tilmaantay Albaabka Uu Ku Nabad Galayo
Ee Aad Ugu Tilmaami Wayday Ka Aanu Ku Xidhayno,
Xajaaj: Waxaa Ugu Tilmaami Waayay Waa Uu Ila
Tashaday Qofku Haduu Kula Tashada Waa Uu Ku Aaminay Markaas Ma Haboona In La
Khiyaameeyo. Sidaas Ayuu Wiilkii Yaraa Ku Badbaaday Oo Kaga Baxay Qasrigii
Xajaaj Isagoo Wato Alaabtii Oo Dhan.
FACEBOOK COMMENTS