War Deg Deg:

Daawo Muuqaal: Sheekh Cali Wajiis Oo Ka Sheekeenaya Dhacdadii Uu Indhihiisa Ku Arkay Saacadihii Uu Xalay La Noolaa Al-Shabaab.

Like Saar
Sheekh Cali Wajiis Oo Ka Mid Ahaa Culamadii Laga Soo Badbaadiyay Weerarkii Aay Maleeshiyada Al-Shabaab Ku Qaadeen Hoteel Naasa-Hablood 2 Ayaa Ka Sheekeeyay Waxyaabihii Uu Indhihiisa Kusoo Arkay Sida Aay Cadaawadda Fogaatay Shabaab Ugu Qabaan Shacabka Soomaaliyeed.


Waxa Uuna Sheikh Cali Wajiis Sheegay In Si Ku Talo Gal Ah Aay U Dilaayeen Dadka Birima Geedada Ah Ee Waxba Galabsan Oo Ku Jiray Hotelka, Waxa Uuna Si Cad U Sheegay In Al-Shabaab Aaynan Cidna U Diir Naxeeyn Una Soo Jeeysteen In Aay Gumaadaan Shacabka.
Shiikha Oo Tusaale Usoo Qaatay Hooyo Iyocaruurteeda Oo Weerarka Ka Hor U Soo Martiyay Wasiirkii Arimaha Gudaha Ee Maamul Gobeedka K/Galbeed Madoobe Nuunoow Maxamed.
Waxa Uuna Yiri “Waxa Aay Dileen Hooyo Iyo Caruurteeda Oo Aay Wadatay,Hooyada Waxa Aay Ku Dileen Qol Aan Wax Yar Ka Hor Kasoo Baxay Oo Iyadu Soo Gashay”
Waxaana Uu Si Aad U Amaanay Ciidamada Doowladda Oo Uu Sheegay Inaay Darbiyada Uga Sooboodeen Hoteelka, Oo Aay Naftooda U Hureen Dadkii Ku Jiray Gudaha Hoteelka.
Waxa Kale Uu Yiri “Waxaan Saacado Xalay La Noolaa Al-Shabaab Waxaan Arkay Ayaa Igu Filan, Al-Shabaab Diyaar Uma Ahan Inaay U Naxariistaan Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo Kale Waxa Uu Dowlad Goboleedyada U Sheegay Inaay Qiimeeyaan Dhiiga Wasiirkii Arimaha Gudaha Ee Maamulka K/Galbeed Madoobe Nuunoow Maxamed, Waxa Uuna Carab Dhabay Inuu Noqon Doono Tusaale.

Fadlan Aragtidaada Hoos Ku Reeb Adigoo Isticmaalaya Facebook Comments