War Deg Deg:

SU’AALO IYO JAWAABO AQOON GUUD AH, KORORSO AQOONTAADA | OLAD AHMED MOHAMED

Like Saar
Book Su'aalo Iyo Jawaabo Diini Ah

Dhamaan Bahda Ku Xiran Page-ka Olad Ahmed Mohamed Waxan Jeclahay Inaad

Ka Fa’iideysataan Su’aalaha Iyo Jawaabaha Hoose Ku Qoran Oo Ah Xaqiiqdii
Kuwa Dhaxal Gal Ah.
Hadaba Waxa Aay Su’aalaha Iyo Jawaabaha Kala Yahiin Toban Seddax (13)
Qeybood Oo Kala Duwan.
Waxaan Idiin Rajeenaa Ka Inaad Ka Faaideysan Doontaan
Insha Allah.

SU’AALO IYO JAWAABO AQOON GUUD AH, KORORSO AQOONTAADA | OLAD AHMED MOHAMED (KADARSHE)

Fadlan Si Fudud Uga Degso 
Qeybta Telegram-ka

Kusoo Biir Telegram-keena 
Kala Soco Qormooyin Iyo Buugtaagta Cilmiga
Personal Blog   |   Journalist   |   Graphic Design
WhatsApp: 0615980809
HALKAAN HOOSE KA DEGSO
Su'aalo Iyo Jawaabo PDF
Su.aalo Iyo Jawaabo PDF


QEYBTII KOWAAD
1= su’aal. sheeg ninkii afhayeenka u ahaa asxaabtii u hijrootay ardul xabash?
jawaab. wuxu ahaa jacfar bin abii daalib rc.
2= su’aal. sheeg kumuu ahaa asxaabigii loo-aqoon jiray tartamaagii quraanka kariimka?
jawaab. wuxu ahaa c/laahi bin cabaas rc.
3= su’aal. sheeg magaca islamka kahor madiina loo yaqiinay?
jawaab. waxa loo yaqiinay yaidrib.
4= su’aal. sheeg sanadkii uu soo islaamay halyeey-gii cumar bin khadaab rc?
jawaab. wuxu soo islaamay sanadkii 6-aad ee nabinimada rasuulka nnkh loo-soo saaray.
5= su’aal sheeg abuu bakar rc magaciisa oo seddexan?
jawaab. waxa waaye c/raxmaan bin qaxaafa.
6= su’aal. sheeg magaca rasuulka nnkh hooyadii oo seddexan?
jawaab. waxa waye aamina bintu wahab bin cabdi manaaf.
7= su’aal. sheeg ninkii dadka waaweyn ugu hor rumeeyey rasuulka nnkh?
jawaab. wuxu ahaa abuu bakar sadiiq rc.
8= su’aal. sheeg qofkii ugu hor rumeeyey rasuulka nnkh oo haween ah?
jawaab. waxay eheed hooyo khadiija bintu khuweylad.
9= su’aal. sheeg nabiga nnkh yaa ugu hor rumeeyey caruurta yar yar?
jawaab. wuxu ahaa cali bin abuu daalib rc.
10= su’aal. sheeg islamka kahor c/raxmaan bin cawf magacii loo aqoon jiray?
jawaab. waxa loo aqoon jiray “cabdi camr”
11= su’aal. sheeg ninkii ugu horeeyey ee muslimiinta salaad jimco tujiyo?
jawaab. wuxu ahaa asxaabigii weynaa ee sacad bin suraara rc.
12= su’aal. sheeg goortuu dhacay dagaalkii badar?
jawaab. wuxu dhacay 17-kii ramadaan sanadkii 2-aad ee hijriyada.
13= su’aal. sheeg shanta nabi ee ulul-casmiga laysku yiraahdo?
jawaab. waxay kala yihiin. 1=nabi nuux cs, 2=nabi ibrahim cs. 3=nabi muuse cs. 4=nabi ciise cs, 5=nabi muxamed scw.
14= su’aal. sheeg maxa la oran jiray ninkii dilay cali bin abii daalib?
jawaab. waxa la oran jiran c/raxmaan binu muljin.
15= su’aal. sheeg ninkii waqtigii nabiga scw noolaa nabinimada sheegtay?
jawaab. waxa la oran jiray musaylamatul kadaab.
16= su’aal. sheeg kumuu ahaa mu’adinkii rasuulka nnkh ?
jawaab. wuxu ahaa bilaal binu rawaaxa.
17= su’aal. sheeg yaa ugu horeeyey muslimiinta qof maka ka haajira oo u haajira madiina?
jawaab. wuxu ahaa abuu salaama rc.
18= su’aal. sheeg aayada kulmisay dhammaan xuruuful hijaa’iga?
waa muxamadu rasuullulaah. (suuratul fatax)
19= su’aal. sheeg kumuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee qora bismillaahi raxmaanil raxiim?
jawaab. wuxu ahaa nabi suleymaan cs.
20= su’aal. sheeg meesha uu ku shihiiday imaam xuseen ?
jawaab, wuxu ku shahiiday karbala.
21= su’aal. sheeg goorma ayaa la farad yeelay zakaatul fidriga?
jawaab, waxa la farad yeelay sanadkii labaad ee hijriyada.
22= su’aal. sheeg asxaabigii ey ka xishoon jirtay malaa’iigta?
jawaa. wuxu ahaa cusmaan bin cafaan.
23= su’aal. sheeg asxaabigii dhimashadiisa dartiis uu cashriga la gil gishay ?
jawaab. wuxu ahaa sacad bin mucaad.
24= su’aal. sheeg goorma ayuu dhacay dagaalkii qanda?
jawaab. wuxu dhacay sanadkii 8-aad ee hijriyada.
25= su’aal. sheeg asxaabigii u soo jeedshay rasuulka (nnkh) dagaalkii qandaq dhufeys in aad noqoto?
jawaab. wuxu ahaa salmaan al faarisi rc.
26= su’aal. sheeg goorma ayuu dhacay heshiiskii xudeybiya ?
jawaab. wuxu dhacay sanadkii 6-aad ee hijriyada.
27= su’aal. sheeg kumuu ahaa asxaabigii bilaabay taariikhda hijriyada?
jawaab. wuxu ahaa cumar bin khadaab rc.
28= su’aal. sheeg sanadkii la-oofsaday rasuulka (nnkh)?
jawaab. waxa la-oofsaday 11-kii hijriyada.
29= su’aal. sheeg Rasuulka (nnkh) markii uu geeriyooday ilmihiisa imisa ayaa ka noolaa?
jawaab. waxa ka nooleed faaduma bintu rasuulullaah.
30= su’aal. sheeg nabi muuse cs iyo nabi haaruun cs keebaa weynaa?jawaab. waxa weynaa nabi haaruun cs
QEYBTII LABAAD
Su’aal- sheeg nabigii xanuunsanaa 18 sano?
Jawab- wuxu ahaa nabi ayuub cs.
Su’aal- sheeg ninka ugu horeeyo ee dhar la-siinaayo maalinta qiyaamaha?
Jawab- waa nabi ibraahim cs.
Su’aal- sheeg nabigii salaada tukaday isagoo dhulka joogin dhismo iyo geednana aan dul saarneyn?
 Jawab- waa nabi suleymaan cs.
Su’aal- sheeg imisa ayey kala ahaayeen ciidamadii uu watay nabi suleymaan cs?
Jawab- waxa loo-qeybiyay shan (5) qeybood oo kala ah 1= jiniga. 2= insiga. 3= shimbiraha 4= duufaanta 5= iyo asxaabtiisa.
Su’aal- sheeg ninkii bilaabay dhismaha masjidka al aqsa iyo ninkii dhameystiray?
Jawab- waxa bilaabay nabi daa’uud cs. Waxaana dhameystiray nabi suleymaan cs.
Su’aal- sheeg meesha lagu aasay rasuulka (NNKH) ?
Jawab- waxa lagu aasay rasuulka (NNKH) gurigiisa oo ku yiilay masjidka madiina.
Su’aal- sheeg nabi cismaaciil cs imisa sano ayuu noolaa?
Jawab- nabi cismaaciil cs wuxu noolaa 137 sano.
Su’aal- sheeg Nabi Cismaaciil cs meesha uu ku aasan yahay ?
Jawab- nabi cismaaciil cs wuxu ku aasan yahay magaalada makkah.
Su’aal- sheeg imsa sano ayuu jiray nabi ibraahim cs markuu dhalaayey nabi cismaaciil cs ? Jawab- nabi ibraahim cs markuu dhalaayey nabi cismaaciil cs wuxu jiray 87 sano.
Su’aal- sheeg ninkii laga bartay guuro habeen?
Jawab- guuro habeen waxa laga bartay nabi yacquub cs.
Su’aal- sheeg mid kamid ah xaasaskii nabiga (NNKH) oo hooyadeed geeriyootay iyaddoo aan islaamin?
Jawab- saynab bintu jaxsha hooyadeed.
Su’aal- sheeg wiilka abii lahab ee islaamay markii laga reebo cudba?
Jawab- waa muctab ibnu lahab.
Su’aal- sheeg mid kamid ah nabiga (NNKH) eedooyinkiisa oo dhimatay iyadoo aan islaamin?
Jawab- waa maymuuna bintu cabdi mudalib.
Su’aal- sheeg asxaabigii ugu horeeyey oo yiraahda anigu ma’aqaano sida ey dhaxal u qaadaneeso ayeyo?
Jawab- asxaabigaas wuxu ahaa abuu-bakar sadiiq (rc)
Su’aal- sheeg nabiga (NNKH) iyo abuu-bakar ninkii ceersaday markii ey hijroonaayeen?
Jawab- wuxu ahaa suraaqa bin maalik.
Su’aal- sheeg buurta somaliya ugu dheer magaalada iyo gobolka ey ku taalo?
Jawab- waxay ku tallaa magaalada ceerigaabo ee gobalka sanaag.
Su’aal- sheeg buurta somaliya ugu dheer magaceed?
Jawab- buurta somaliya ugu dheer waxa ladhahaa suurat.
Su’aal- sheeg kumuu ahaa madaxweynihii ugu horeyey ee afrikan kursiga madaxtinimada sixur ah kaga dago?
 Jawab- wuxu ahaa aadan cabdule cusmaan (aadan cadde).
Su’aal- sheeg wadanka adduunka ugu islaamka badan?
Jawab- waa wadanka loo-yaqaano Indonesia.
Su’aal- sheeg ninkii ugu horeeyey ee dayax gacmeed duuliyey iyo wadanka uu u dhashay?
 Jawab- magaciisa waa yuur gaagariin, dalka uu u dhashay waa ruuska (Russia).
Su’aal- sheeg afartii wax yaabood ee uu gariiga (Greece) ku darsada aqoonta kimistiriga ()chemistry)?
Jawab- wuxu ku darsaday 1= dhulka, 2= badka, 3= hawada, 4= iyo biyaha.
Su’aal- sheeg ileyska imisa nooc ayuu u kala baxaa?
Jawab- ileyska wuxu u kala baxaa, 1= mid dabiica ah. 2- iyo mid aan dabiici eheen.
Su’aal- sheeg isha ugu muhiimsan ileyska (iftiinka)?
Jawaab- isha ugu muhiimsan ileyska (iftiinka) waa qoraxda.
Su’aal- sheeg goorma ayaa la hir-galiyey madbacaddii ugu horeesay ee caalamka?
Jawab- waxa la hir-galiyey sanadkii 1940-kii.
Su’aal- sheeg waa maxay sheyga kaliya ee uu arko indhoolaha?
Jawab. Sheyga kaliya ee uu indhoolaha arka waa riyada.
Su’aal- sheeg muddada uu uurka ku sido nibiriga ilmihiisa?
 Jawab- nibiriga wuxu ilmihiisa caloosha ku sidaa 365 maalmood (hal sano).
Su’aal- sheeg Magaalada ugu qadiimsan caalamka?
Jawaab- Magaalada caalamka ugu qadiimsan waa magadala Arriixa waxay-na ku taalaa dalka falastiin.
Su’aal- sheeg dowladii ugu horeesay ee soo saarta sokorta?
Jawaab- dowladdii ugu horeesay ee soo saartay sokorta waa dowladda kuuba (Cuba).
Su’aal- sheeg wabiga shabelle meesha uu ku dhamaado?
Jawab- wabiga shabeelle wuxu ku dhamaadaa meesha la yiraahdo dhaay tubaako.
Su’aal- sheeg wabiga Jubba meesha uu ku dhamaado?
Jawab- wabiga jubBa wuxu ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Goobwayn.
QEYBTII SADDEXAAD
1-     su’aal, sheeg asxaabigii bilaabay labada ragacadood ee qofka la dilaayo tukado?
1- jawab, wuxu ahaa qubeyd bin cadi RC
2- su’aal, sheeg asxaabigii ugu horeeyey ee falaar dar allaah u riday?
2- jawab wuxu ahaa sacad bin abii waqaas RC.
3- su’aal, sheeg ninkii ugu horeeyey oo islaam ah oo yeesho ciidan ilaaliyo?
3- jawab, wuxu ahaa mucaawiye binu abii sufyaan RC.
4- su’aal, sheeg qofkii ugu horeeyey ee nabiga (NNKH) salaanta islaamka ku salaama?
4- jawab, waxaa la sheegaa inuu yahay abuu darr al qafaari RC.
5- su’aal, sheeg ninkii ugu horeeyey gaalada laga dilo dagaalkii beder?
5- jawab, wuxu ahaa al aswad bin cabdil azad.
6- su’aal, sheeg ninkii nabiga (NNKH) marada ku ceejiyey?
6- jawab, wuxu ahaa cuqba ibnu abii muceydh.
7- su’aal, sheeg qofkii ugu horeeye ee qiblada u takado?
7- jawab, wuxu ahaa saciid binu mucaali RC.
8- su’aal, sheeg asxaabigii soo islaamiyey tolkiisa (qabiil) oo idil?
8- jawab, wuxu ahaa abuu darr al qafaari RC.
9- su’aal, sheeg yaa ugu soo hor islaamay reer madiina?
9- jawab, waxa ugu soo hor islaamay reer madiina sacad binu suraaqa RC.
10-su’aal, sheeg ninkii ugu warqaadka badnaa reer maka?
10-jawab. wuxu ahaa sumeyn ibnu camar al Juhari.
11-su’aal, sheeg sanadkii uu dhintay abuu darr al qafaari RC?
11-jawab, wuxu dhintay sanadkii 32-aad ee hijriyada.
12-su’aal, sheeg imisa ayey ahaayeen muslimiinta dagaalkii mu’ta?
12-jawab, dagaalkii mu’ta muslimiinta waxay ahaayeen 3000.
13-su’aal, sheeg kal-kaalisadii ugu horeeyey islaamka?
13-jawab, waxay eheed kuceybatu al aslaamiyah.
14-su’aal, sheeg imisa magac ayuu lee yahay qur’aanka?
14-jawab, wuxu lee yahay ilaa 15 magac. waxayna kala yihiin 1- qur’aan, 2-furqaan, 3-tansiil, 4-dikri, 5-kitab, 6-nuur, 7-hudaa, 8-hanuun, 9-raxma, 10-shifaa, 11-mowcida, 12-caziiz, 13-mubaarak, 14-bashiir, 15, nadiir.
15-su’aal, sheeg magacii caalimkii muslinka ahaa ee loo yaqiinay aabihii cilmiga kimistiriga (chemistry)
15-jawab, wuxu ahaa Jaabir Bin Xayaan…..
16-su’aal, sheeg ninkii soomaaliga ahaa ee bad baadiyey diyaarad u socotay Xajka?
16-jawab, sheeg wuxu ahaa c/laahi fiitaan.
17-su’aal, sheeg imisa kiilo meter (KM) ayey isu jiraan washinton iyo new york?
17-jawab, waxay isku jiraan 6000-km,
18-su’aal, sheeg maxaa loo-aqoon jiray caasimada Itoobiya (Ethiopia)?
18-jawab, waxa loo-aqoon jiray fin-finaay.
19-su’aal, sheeg wadamada carabta asal ahaan maxay lacag u isticmaali jireen?
19-jawab. wadamada carabta waxay isticmaali jireen lacagta roomaaniyiinta.
20-su’aal, sheeg diyaaradii jarmalka aheyd ee ay somaliya bad-baadisay sheeg sanadkee ayuu ahaa?
20-jawab. somaliya ayaa bad baadisay diyaarad laga lahaa dalka jarmalka sanadkuna wuxu ahaa 1974.
21-su’aal. sheeg labada wadan ee halka buundo isku xirto?
21- jawab, wadamada ey isku xirto halka buundo waa sacuudiga iyo baxreyn.
22-su’aal, sheeg wadanka caalamka ugu kulul?
22- jawab, wadanka caalamka ugu kulul waa wadanka liibiya (LIBYA)
23- su’aal, sheeg sanadkii ey xurnimada qaadatay dalka baxreyn?
23-jawab, wadanka baxreyn wuxu xurnimada qaatay sanadkii 1977.
24-su’aal, sheeg waxa ugu mac adduunka ?
24-jawab. adduunka waxaa ugu mac dabcan waa candhuufta.
25-su’aal, sheeg shinida imisa indhood ayey leedahay?
25- jawab, shinida waxay leedahay shan (5) indhood.
26-su’aal, sheeg tiyaatarka yaala magaalada moqdisho wadankii dhisay?
26-jawab, tiyaatarka ku yaala magaalada moqdisho waxa dhisay dalka shiinaha (china) waa uu ku faani jiray xiligii somaliya ee somaliya eheed.
27-su’aal, sheeg maskaxda bili’aadanka waa imisa qeybood?
27-jawab, maskaxda bili’aadanka waxa loo qeybiyaa seddex (3) qeybood.
28-su’aal, sheeg isbitaalkii ugu horeeyey ee somaliya ku yaala oo wiish lagu kari jiray?
28-jawab, wuxu ahaa isbitaalka digfeer.
29-su’aal, sheeg garoonka kubada cagta ee stadium moqdisho dalkii dishay?
29-jawab, garoonka kubada cagta ee stadium moqdisho waxa dhisay dalka shiinaha (china)
30-su’aal, sheeg madaxweynihii hore ee dalka ciraaq magaciisa oo seddexan?
30-jawab, madaxweynihii hore ee dalka ciraaq waxa ladhihi jiray sadaam xuseen majiid. waxaana la dilay 30 november 2006 alla yaa raxma aamiin.
 QEYBTII 4AAD
1-Su’aal, Sheg meeshay eheed meeshii ay aayada quraanka ugu horeesay ku soo degtay?
1-Jawab, meeshii ugu horeesay ay aayada quraanka ku soo degto waxay eheed Xiraa.
2-Su’aal, sheg imisa sano ayuu Quraanka soo dagaayey?
2-Jawab, Wuxu soo dagaayey 23 sano.
3-Su’aal, Sheg Quraanka yaa u keeni jiray Rasuulka (NNKH) Ama sidee buu ku soo gaari jiray?
3-Jawab, Rasuulka (NNKH) waxaa u keeni jiray Jabriil (CS) isagoo allahiisa ka soo qaadi qaadaaya.
4-Su’aal, Sheg kumuu ahaa Safiirkii ugu horeeyey ee uu Rasuulka (nnkh) uu madiina i diro si uu u baro Quraanka?
4-Jawab, wuxu ahaa wuxu ahaa Muscab Bin Cumeyr (RC).
5-Su’aal, Sheeg asxaabtii uu Rasuulka (NNKH) u doortay inay quraanka soo dagaya uruuriyaan?
5-Jawab, Wuxu u doortay Sayid Bin Thaabid, Ubaya Bin Kacab, Mucaad Bin Jabal, Mucaawiye Bin Abuu Sufyaan, iyo Afartii Khaliif.
6-Su’aal, Sheeg ninkii ugu horeeyey ee Quraanka aruuriya?
6-Jawab, Ninkii ugu horeeyey ee Quraanka aruuriya wuxu ahaa Abuu-kabar Sadiiq (RC).
7-Su’aal, Sheeg sababta kaliftay in quraanka la isu soo aruuriyo hadaba sababta maxay ahayd?
7-Jawab, Sababta waxay ahayd (Asxaabtii Quraanka xifdisaney oo dagaalada aad ugu dhimanaayey) Sida dagaalkii ka noqoshada meesha la yiraahdo Yamaama markaa waxaa laga baqay in quraanka lumo, Sidaas darteed baa dib loogu aruurshay Quraanka.
8-Su’aal, Sheeg kumuu ahaa asxaabigii uu abuu-bakar u xil saaray ama madax uga dhigay asxaabtii soo ururineesay quraanka?
8-Jawab, Abuu bakar (RC) Wuxu madax uga dhigay asxaabtii quraanka soo uruurineesay asxaabiga la yiraahdo Sayid binu Thaabid.
9-Su’aal, Sheeg qofkii ugu horeeyey ee Islaamka u hijrooda ?
9-Jawab, Qofkii ugu horeeyey ee Islaamka u hijrooda waa Cusmaan Bin Cafaan iyo RUkhiya muxammed rc.
10-Su’aal, Sheeg maxay kala yihiin muhaajiriin iyo ansaar?10-Jawab, Waxay kala yihiin labo (2)
10- Muhajiriin waxaa ladhahaa asxaabtii maka ka timid oo timid madiina. 2-ansaar-na waa asxaabtii Madiina loogu yimid
11-Su’aal, sheeg buurta Africa ugu dheer magaceeda?
11-Jawab, Buurta africa ugu dheer waxa ladhahaa Kalaminjaara.
12-Su’aal, Sheeg Buurta kalaminjaara oo ah Buurta africa ugu dheer wadanka ey ku taalo?
12-Jawab, Buurta Kalaminjaaro waxay ku taalaa xadka tanzania iyo kenya.
13-Su’aal, Sheeg, Wax marka ay siyaadaan sii naaqusa?
13-Jawab, waa dayaxa.
14-Su’aal, Sheeg goorma ayuu geeriyooday Sayid Maxamed Cabdule Xasan?
14-Jawab, Sayid Maxamed Cabdule Xasan wuxu geeriyooday sanadkii 1921.
15-Su’aal, Sheeg wadankii ugu horeeyey oo Afrikaan ah diyaarad lagu weeraro?
15-Jawab, Wadankii ugu horeeyey oo Afrikaan ah diyaarad lagu weeraro (Duqeeyo) waa Soomaaliya.
16-Su’aal, Sheeg meeshii ugu horeesay oo soomaaliya ah Misana diyaarad lagu weeraro?
16-Jawab, Meeshii ugu horesay oo Soomaaliya ah diyaarad lagu weeraro waa degmada teleex, Waxana lagu weeraray xiligii sayid Maxamed Cabdule Xasan.
17-Su’aal, Sheeg dagaalkii u dhaxeeyey Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo England (British) sanadkii uu bilowday?
17-Jawab, Dagaalkii u dhaxeeyey Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo england (British) Wuxu bilowday sanadkii 1900-kii.
18-Su’aal, Sheeg gobalka ugu weyn Soomaaliya?

18-Jawab, Gobalka ugu weyn Soomaliya waa Gobalka Bari, magaaladiisana waa Boosaaso.
19-Su’aal, sheeg wadanka Afrika ugu dhulka balaaran?
19-Jawab, Wadanka afrika ugu dhulka balaaran Waa wadanka Suudaan (Sudan).
20-Su’aal, Sheeg Sadaam Xuseen oo ahaa madaxweynihii hore ee ciraaq sanadkii uu dhashay?
20-Jawab, Sadaam xuseen wuxu dhashay sanadka marka uu ahaa april 28, 1937. alla yaa raxma sadaam xuseen majiid aamiin aamiin aamiin…..
QEYBTII 5AAD
 1-Su’aal, Sheeg naagtii ey ku soo degtay suuradda qad samicallaah (mujaadalah)
1-Jawab, Waxay ku soo degtay Khuweylad Bintu Taclaba.
2-Su’aal, Sheeg bilaha xurmada leh (Ash harul xurum)
2-Jawab, Bilaha xurmada leh waa 4, Waxayna kala yihiin 1=Rajab. 2= Dul Qacda. 3= Dul Xaj. 4= Muxaram.
3-Su’aal, Sheeg imisa ciidood ayuu ISLAAMKU lee yahay?
3-Jawab, ISLAAM-KA wuxu lee yahay 3 ciidood, 1-ciida carafa (Al adxa) 2- ciida soonka (fidriga) 3- ciida maalinta jimcaha.
4-Su’aal, Sheeg afarta nebi ee isdhashay?
4-Jawab, Afarta nebi ee isdhashay waxay kala yihiin 1-Nebi Ibraahim cs. 2- Nebi Isxaaq cs. 3- Nebi yacquub cs. Nebi yuusuf cs.
5-Su’aal, Sheeg salaadda aan rakuuca iyo sujuuda aan laheyn?
5-Jawab, Salaadda aan rakuuca iyo sujuuda aan laheyn waa Salaadda Janaasada.
6-Su’aal, Sheeg muxuu sameynayaa qofkii doono inuu soo islaamo?
6-Jawab, Marka hore wuu towxiidsanayaa. Marka xigana dharka ayuu daahir-sanaayaa, Marka xigana laba rakacadood ayuu tukanaayaa.
7-Su’aal, Sheeg imisa ayey ahaayeen tirida ciidamadda Muslimiinta dagaalkii Beder?
7-Jawab, Tirada Muslimiinta dagaalkii Beder waxay ahaayeen 313 nin, 70 rati (GEEL) iyo laba Faras.
8-Su’aal, Sheeg tirada ciidamadii gaalada ee dagaalkii Beder ?
8-Jawab, Tirada ciidamada gaalada ee dagaalkii Beder waxay ahaayeen 950 nin, 110 Faras, iyo 700 oo rati ah (Geel).
9-Su’aal, Sheeg goormuu dhacay dagaalkii UXUD?
9-Jawab, Dagaalkii UXUD wuxu dhacay sanadkii 3-aad ee Hijriyadda.
10-Su’aal, Sheeg dagaalkii Khandaq magaca kale ee loo-yaqaano?
10-Jawab, Dagaalka Khandaq magaca kale ee loo-yaqaano waa Axzaab.
11-Su’aal, sheeg gobolada soomaliya gobolka ugu Yar.
11-Jawab, Gobolka soomaaliya ugu yar waa Gobalka Banaadir waana isla Gobolka ugu degamada badan. Gobalka ugu weyn-na waa gobolka Bari.
12-Su’aal, Sheeg magaalada Boosaaso magacii hore ee loo-aqoon jiray?
12-Jawab, Magaalada Boosaaso waxaa loo-aqoon jiray Bandar Qaasim.
13-Su’aal, Sheeg Xeebta jamhuuriyada soomaaliya dhererkeeda waa imisa?
13-Jawab, Xeebta jamhuuriyada soomaaliya dhererkeedu waa 3333 km,
14-Su’aal, Sheeg Ururuka midowga Africa goorma ayaa la’aas aasay?
14-Jawab. Ururka midowga Afrika waxaa la-aas aasay sanadkii 1963-dii.
15-Su’aal, Sheeg Ururka midowka Afrika magaaladii lagu soo dhisay?
15-Jawab, Ururka midowga Afrika waxa lagu soo dhisay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya (Ethiopia)
16-Su’aal, Sheeg laba madaxweyne oo soomaali ah kuna dhasheen Degmada Xarar Dheere ee gobolka Mudug
16-Jawab, Waxay kala yihiin Cabdi Qaasim Salaad Xasan iyo Cabdi Rashiid Cali Sharmarke oo la dilay, Alla yaa raxma aamiin aamiin aamiin.?
17-Su’aal, Sheeg Cabdi Rashiid Cali sharmarke Sanadkii uu dhashay?
17-Jawab, Cabdi Rashiid Cali sharmarke wuxu dhashay sanadkii 1919, isla sanadkaan waxa dhashay Maxamed Siyaad Barre Alla yaa raxma labadaba aamiin.
18-Su’aal, Sheeg magaalada uu ku dhashay Maxamed Siyaad Barre?
18-Jawab, Maxamed Siyaad Barre wuxu ku dhashay magaalada Garbaharey ee Gobolka Gedo.
19-Su’aal, Sheeg sanadkii uu dhashay General Maxamed Faarax Ceydiid?
19-Jawab, General Maxamed Faarax Ceydiid wuxu dhashay sanadkii 1934-tii, Isla sanadkaan waxaa dhashay Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
20-Su’aal, Sheeg sanadkii uu dhashay Cabdi Qaasim Salaad Xasan?
20-Jawab, Cabdi Qaasim Salaad Xasan wuxu dhashay sanadkii 1941-dii
QEYBTII 6AAD
1-Su’aal, Sheeg kumuu ahaa Gabyaagii Rasuulka (NNKH).
1-Jawab, Gabyaagii Rasuulka (NNKH) wuxu ahaa Xasaan Binu Thaabit.
2-Su’aal, Sheeg imisa sano ayey dacwadu (Fidinta diinta) Qarsoodi ehayd.
2-Jawab, Waxay dacwadu qarsoodi ahayd mudo saddex sano ah (3 sano).
3-Su’aal, Sheeg kuwii Islaamka ugu horeeyey ee muhaajiriin ah ?
3-Jawab, Waxay kala ahaayeen, 1- Hooyo Khadiijo Bintu Khuweylad rc, 2- Cali Bin Abii Daalib rc, 3-Abuu-bakar rc, 4-Sayid Binu Thaabit rc, 5- Cusmaan Bin Cafaan rc, 6-Subeyr Bin Cawaam rc, 7- Cabdi Raxmaan Bin Cowf rc, 8- Sacad Bin Abii waqaas rc, 9-Dalxa Bin Cubeydillah rc,
4-Su’aal, Sheeg Qofkii ugu horeeyey ee islaanimo ku shahiida?
4-Jawab, Wuxu ahaa Camar Bin Yasir rc,
5-Su’aal, Sheeg Gabadhii ugu horeesay ee Islaanimo ku Shahiida?
5-Jawab, Waxay ahayd sumeya Rc,
6-Sheeg, Markii ay Muhaajiriinta u haajireen Xabasho, Kufaartii Qureysh waxay ka daba diren Labo Nin,
Si’ay Boqorka hadiyad ugu geeyaan, Muhaajiriintana Gacantooda loo-soo geliyo, Hadaba sheeg labadaas Nin magacyadooda?
6-Jawab, Waxay kala ahaayeen Cumar Bin Caas, iyo Cabdullaahi Bin abii Raabica.
7-Su’aal, Sheeg goormuu soo Islaamay Xamza Bin cabdi mudalib?
7-Jawab, Xamza Bin Cabdi mudalib wuxu soo islaamay sanadkii lixaad ee Nabinimada. Nabiga (NNKH) oo 6 sano nebi ah ayuu soo islaamay xamza. Sidoo kale sanadkaan waxaa soo islaamay Cumar bin Khadaab.
8-Su’aal, Sheeg Xamza RC iyo Cumar bin khadaab imisa maalmood ayey kala danbeeyeen soo galitaanka Diinta Islaamka .
8-Jawab, Waxay kala danbeyeen saddex maalmood (3 maal-mood).
9-Su’aal, Sheeg goormay dhacday hijradii uu Rasuulka (NNKH) ka soo Hijrooday Maka una soo Hijrooday Madiina?
9-Jawab, Waxay dhacday 29-kii bishii Safar sanadkii 14-aad ee Bicthada.
10-Su’aal, Sheeg markii Nebiga (NNKH) uu madiina u hijroonaayey kumuu ahaa asxaabigii la socday?
10-Jawab, Waxa la socday asxaabikiisii Godka= Waa abuu-bakar Sidiiq (RC).
11-Su’aal, Sheeg ciidaanka caalamka ugu tirada badan ?
11-Jawab, Ciidaanka caalamka ugu tirada badan waa ciidanka Shiinaha (China).
12-Su’aal, Sheeg ciidaanka caalamka ugu awooda badan?
12-Jawab, ciidanka caalamka ugu awooda badan waa ciidanka u.s.a, united states of America.
13-Su’aal, Sheeg warshada sonkor isnaay oo ku taalo magaalada jowhar sanadkii la-aas-aasay?
13-Jawab. Waxaa la-aas-aasay sanadkii 1925-tii
14- Su’aal, Sheeg magaalada kaliya ee Soomaaliya bariiska ka baxo?
14-Jawab, Waa magaalada Jowhar ee gobolka Shabellada Dhexe.
15-Su’aal, Sheeg bariiska ka baxa magaalada Jowhar magaca loo-yaqaano?
15-Jawab, Waxaa loo-yaqaanaa Bariis Baaroow.
16-Su’aal, Sheeg abwaanka weyn ee soomaaliyadeed Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) sanadkii uu dhashay?
16-Jawab, Wuxuu dhashay sanadkii 1943-dii
17-Sheeg sanadkii ey jabuuti xurnimada qaadatay?
17-Jawab. Waxay qaadatay 27 june 1977.
18-Su’aal, Sheeg shimbirka shimbiraha ugu xoogga badan?
18-Jawab, Waa shimbirka loo-yaqaano Gorgorka.
19-Su’aal, Sheeg Libaaxa yar ee ilmaha ah magaca loo-yaqaan?
19-Jawab, Waxaa loo-yaqaanaa Caga-baruur.
20-Sheeg sanadkii la qoray farta Soomaaliya?
20-Jawab. Waxaa la qoray 12 october 1972
QEYBTII 7AAD
1-Su’aal, Sheeg kumuu ahaa ninkii ey u kireysteen Rasuulka (NNKH) iyo Abuu-bakar rc inuu jidka tuso markii ey u hijroonaayeen madiina?
1-Jawab, Wuxu ahaa Dal Aqoonkii la’oran jiray C/laahi Bin Ariiqadh.
2-Su’aal, Sheeg Rasuulka (NNKH) inta aanu madiina soo gelin wuxu dagay meel u dhaw madiina hadaba sheeg meeshaasi?
2-Jawab, Waxay ehayd meesha la yiraahdo Qubaa.
3-Su’aal, Sheeg goorma ayaa la waajib yeelay Soonka?
3-Jawab, Waxa la waajib yeelay sanadkii labaad (2-aad) ee Hijriyada.
4-Su’aal, Sheeg markii uu Rasuulka (NNKH) Geeriyooday dad badan ayaa Diinta ka noqday dadkaas waxa lagu qaaday dagaal, hadaba sheeg dagaalkaas waxa uu la magac baxay?
 4-Jawab, Dagaalkaas wuxu la magac baxay Dagaalkii ka noqoshada Diinta.
5-Su’aal, Sheeg dagaalkii Beder Muslimiinta imisa ayaa ka shahiiday?
5-Jawab, Waxa ka shahiday dhawr iyo toban (8 Ansaar ah iyo 6 Muhaajiriin ah) 8+6=14 ayaa ka shahiday.
6-Su’aal, Sheeg baarlabaankii ay ku shiri jireen kufaartii qureysheed maxaa la oran jiray?
6-Jawab, Waxa la oran jiray baarlabaankaas (Daaru Nadwa).
7-Su’aal, Sheeg imisa kiilo meter (km) ayuu Godka Xiraa u jiraa Magaalada maka (makkah)?
7-Jawab. Wuxu u jiraa 5 kiilo meter (5km).
8-Su’aal, Sheeg maxaa la oran jiray ninkii dilay Cumar Bin Khadaab?
8-Jawab, Cumar Bin Khadaab ninkii dilay waxa la oran jiray Abuu lu’lu al majuuz.
9-Su’aal, Sheeg maxaal la oran jiray ninkii dilay Cali Bin Abii Daalib?
9-Jawab. Waxa la oran jiray ninkii dilay Cali Bin Abii Daalib C/raxmaan Bin Muljan.
10-Su’aal, Sheeg goorma ayuu soo islaamay halyey-ga weyn ee Khaalid Bin Waliid?
10-Jawab. Wuxu soo islaamay Bishii Safar sanadkii 8-aad ee hijriyadda.
11- Su’aal, sheeg magaca iyo wadanka uu u dhashay xog-hayihi ugu horeyey qaramada midoway (UNO)?
11-Jawab, Magaciisa wuxu ahaa trygare lie, wuxuuna u dhashay wadanka Norway.
12-Su’aal, Sheeg magaca wadankii ugu danbeeyey ee xurnimo qaata Qaarada Asia?
12-Jawab waa wadanka loo-yaqaano East Timor, Wuxuuna ka Go’ay wadanka Indonesia.
13-Sheeg wadanka Malaysia sanadkii uu xurnimada ka qaatay Gumeystihii England (British)
13-Jawab. Wuxuu ka qaatay sanadkii 31, 08, 1957.
14-Su’aal, wadanka Singapore wuxu ka tirsana Malaysia, hadaba sheeg sanadkii uu ka go’ay?
14-Jawab, Wuxuu ka go’ay sanadkii 1965.
15-Su’aal, Sheeg wadanka Qaarada Yurub ku yaal oo hal wadan oo keliya xuduud la leh?
15-Jawab, Waa wadanka Portugal.
16-Su’aal, Sheeg magaca caasimada ugu da’da weyn adduunka (caalamka)?
16-Jawab, waa magaalada dimishiiq ee dalka Suuriya (Syria).
17-Su’aal, Sheeg madaxweynaha jeediyey qudbadii ugu waqtiga dheereed qaramada midoowe?
17-Jawab, Wuxu ahaa madaxweynaha dalka kuuba (cuba) Fidel Castro, Qudbadisu waxay socotey 2 saac.
18-Su’aal, Sheeg Magacii hore ee loo-yaqaanay Magaalada Qaahira (cairo) ee dalka Masar (Egypt)
18-Jawab, Waxaa loo-yaqaanay fusdaad (fusdad)
19-Su’aal, Sheeg labada degmo ama magaalo uu ka bilowdo xarafka (J) uu maro wabiga Shabeele?
19-Jawab. Waa magaalooyinka Jowhar iyo Jalalaqsi, labadaba waa uu maraa wabiga Shabeele.
20-Su’aal, Sheeg labada degmo uu ka bilowdo xarafka (J) uu maro wabiga Juba?
20,Jawab, waa degmooyinka Jilib iyo Jamaame, labadaba waa uu maraa wabiga Juba. Mahad celin balaaran
QEYBTII 8AAD
1-Su’aal, Sheeg kumuu ahaa Asxaabigii uu Rasuulka (NNKH) ku magacaabay amiinka umadaan?
1-Jawab, Wuxu ku magacaabay Abii Cubeyda Caamir Bin Jaraax (RC).
2-Su’aal, Sheeg maxaa la’oran jiray Godkii ay galeen Rasuulka (NNKH) iyo Abuu-Bakar (RC) markii ay Madiina u hijroonaayeen?
2-Jawab, Waxaa la’oran jiray Godkii Dibiga (Qaaru Thowr)
3-Su’aal, Sheeg kumuu ahaa Ninkii uu Rasuulka (NNKH) uu ku dagay markuu Madiina tagay?
3-Jawab, Wuxu ahaa Abuu Ayuub Al ansaari (RC).
4-Su’aal, Sheeg Malaa’iigtaan soo socota mid waliba waxa uu Alle u wakiishay, 1-Jabriil, 2-Miikaa’iil, 3-cazraafiil, 4-Ridwaan, 5-Maalik.
1-Alle wuxu u wakiishay Jabriil waxyiga. 2-Alle wuxu wakiishay miikaa’iil Roobka. 3-Alle wuxu u wakiishay cazraafiil Nafta inuu qaado. 4-Alle wuxu u wakiishay Ridwaan Janada, waana kan Janada furaheda haaya.5-Alle wuxu u wakiishay Maalik Naarta kan furaheeda haaya.
5-Su’aal, Sheeg Shan arimood oo Rasuulkeena (NNKH) iyo Ummadiisa looga fadilay Dhamaan ummadihii ka horeeyey?
5-Jawab, Rasuulka (NNKH) waxaa loo-diray 1-Jini iyo Insi, 2-Shafeecada aakhiro oo la-siiyey, 3-Dhulka oo dhan oo daahir looga dhigay, 4-Qaluubta gaalada oo cabsi loogu riday, 5-Qaniimada oo loo-fasaxay.
6-Su’aal, Sheeg Eey-gii galay Janada?
6-Jawab, Wuxuu ahaa Eey-gii la-socday Reer asxaabu kahfi.
7-Su’aal, Sheeg Gaal-kii ilaahaynimada sheegtay ee misana qabay Naag Muslimad eheed?
7-Jawab, wuxu ahaa Fircoon.
8-Su’aal, Sheeg UBadka aan Aabe mooyee Awoow laheyn?
8-Jawab. Waa Ilma aadan cs.
9-Su’aal, Sheeg Qofka aan Hooyo mooyee Aabo laheyn?
9-Jawab, waa nebi ciise cs.
10-Su’aal, Sheeg salaada aan aadaan iyo aqim mid lahayn?
10-Jawab, Waa salaada ciida.
11-Su’aal, Sheeg Gabadhii u soo halgantay dalkeenay somaliya Xaawo Xaalo magaceeda oo seddexan.
11-Jawab, Waa Xaawo Cusmaan Taako (Xaawo Taako).
QEYBTII 9AAD
1-Su’aal, Sheeg goormuu shahiiday Xamza Bin cabdil Mudalib oo ahaa Rasuulka (NNKH) adeerkiis?
1-Jawab, Wuxuu shahiiday xiligii dagaalkii Uxud.
2-Su’aal, Sheeg meydka kaliya ee aan la-dhaqin?
2-Jawab, Meydka kaliya ee aan ladhaqin waa meydka shahiidka.
3-Su’aal, Sheeg maxaa la yiraahdaa salaada la-tukado marka ay qoraxda iyo dayaxa madoobaadaan?
3-Jawab, Waxaa la-yiraahda (Salaatul-Kusuuf).
4-Su’aal, Sheeg yaa lagu soo dejiyey Kutubka Furqaan?
4-Jawab, Waxaa lagu soo dejiyey Nebi Muxamed (NNKH)
5-Su’aal, Sheeg yaa lagu soo dejiyey Kutubka Injiil?
5-Jawab, Waxaa lagu soo dejiyey Nebi Ciise CS.
6-Su’aal, Sheeg yaa lagu soo dejiyey Kutubka Towraad?
6-Jawab, Waxaa lagu soo dejiyey Nebi Muuse CS.
7-Su’aal, Sheeg yaa lagu soo dejiyey kutubka saxuuf?
7-Jawab, Waxaa lagu soo dejiyey Nebi Ibraahim CS.
8-Su’aal, Sheeg yaa lagu soo dejiyey kutubka Sabuur?
8-Jawab, Waxaa lagu soo dejiyey Nebi Daa’uud CS.
9-Su’aal Sheeg salaada faralka (Waajib) ah oo Haweenka waajib ku ahayn?
9-Jawab, Waa salaada jimcaha ah.
10-Su’aal Sheeg Nebigii loogu magac daray Hooyadii(inna heblo)
10-Jawab, Wuxuu ahaa Nebi Ciise CS, oo la yiri Ciise ibnu-maryama.
11-Su’aal, Sheeg maxaa loo-yaqaanaa codka uu Geela sameeyo?
11-Jawab, Waxaa loo-yaqaanaa olol.
12-Su’aal, Sheeg Maxaa loo-yaqaanaa codka uu faraska sameeyo?
12-Jawab, Waxaa loo-yaqaanaa Danan.
13-Su’aal, Sheeg xayawaanka ugu day’daysiga badan?
13-Jawab, Waxaa xayawaanka loo-yaqaano Daanyeerka.
14-Su’aal, Sheeg xayawaanka aabihiis ka xun hooyadiisana ka wanaagsan?
14-Jawab, Waa xayawaanka loo-yaqaano Baqasha.
15-Su’aal, Sheeg xayawaanka ladhalo balse waxba dhalin?
15-Jawab, Waa xayawaanka loo-yaqaano Baqasha. Waxaana iska dhala Faras iyo Dameer.
16-Su’aal, Sheeg xayawaanka kaliya ee lab iyo dhidig ey isku eg yihiin?
16-Jawab, Waa xayawaanka loo-yaqaano Dhurwaaga (Waraabe).
17-Su’aal, Sheeg xayawaanka dabada ka rima afkana ka dhala?
17-Jawab, Waa xayawaanka loo-yaqaano raha (Rakaha).
18-Su’aal, Sheeg magaca loo-yaqaano neefka caanaha badan?
18-Jawab, Waxaa loo-yaqaanaa Madi.
19-Su’aal, Sheeg magaca loo-yaqaano neefka caanaha yar?
19-Jawab, Waxaa loo-yaqaanaa Badho.
20-Su’aal, Sheeg magaca loo-yaqaano Geedka aanu shimbiruhu ku dagan?
20-Jawab, Waa Geedka loo-yaqaano Baxar Saafka
 QEYBTII 10AAD
1-Su’aal, Sheeg maxay isku ahaayeen Nebi ibraahim cs iyo Nebi Luud cs?
1-Jawab, Nebi Ibraahim cs ayaa adeer u ahaa Nebi Luud cs.
2-Su’aal, Sheeg Nebi Huud cs yaa loo-diray?
2-Jawab, Nebi Huud cs waxaa loo-diray Reer Caad.
3-Su’aal, Sheeg Nebi Saalax cs yaa loo-diray?
3-Jawab, Nebi saalax cs waxaa loo-diray Reer Thamuud.
4-Su’aal, Sheeg Nebi Shuceyb cs qoladii loo-diray?
4-Jawab, Nebi Shuceyb cs waxaa loo-diray Reer Madyan.
5-Su’aal, Sheeg Nebigii uu soo koriyey ninkii ilaahnimada sheegtay ee fircoon?
5-Jawab, waa Nebi Muuse cs, oo waxaa soo koriyey cirfoon oo sheegtay ilaahnimo.
6-Su’aal, Sheeg bilaha sanadka ku jira ee loo-yaqaano bilaha sharafta leh?
6-Jawab, Waxay kala yihiin 1-Dul qacda, 2-Dul xaj, 3-Muxaram, 4-iyo Safar.
7-Su’aal, Sheeg Maxaa farqi u dhaxeeya Nebi iyo Rasuul?
7-Jawab, Nebi waa qof Alle u wax yooday lakin aan la farin waxa loo-wax-yooday inuu dadka gaarsiiyo. Rasuul-na waa qof Alle u wax yooday isla markaana faray inuu dadka gaarsiiyo waxa loo wax yooday.
8-Su’aal, Sheeg Nebi kasta miyaa rasuul ah? mise rasuul kasta ayaa nebi ah?
8-Jawab, Rasuul kasta waa Nebi, Lakin Nebi kasta Rasuul ma’aha.
9-Su’aal, Sheeg tilmaamaha ay Rasuusha kaga duwan yihiin dadka kale?
9-Jawab, Waxay kaga duwan yihiin tilmaamaha soo socda, 1-Run sheegida, 2-Amaanada, 3- Ceeb la’aan, 4-Go’aanka, 5- iyo Garashada.
10-Su’aal, Sheeg Nebigii dabka lagu tuuray?
10-Jawab, Nebigii dabka lagu tuuray wuxuu ahaa Nebi Ibraahim CS.
11-Su’aal, Sheeg wadanka ugu soo saarida badan kaluunka ee Jaamacadda Carabta ah?
11-Jawab, Wadanka ugu soo-saarida badan kaluunka kana tirsan jamacada carabta waa dalka Morroco.
12-Su’aal, Sheeg wadanka ugu dhaqashada badan Geela ee Jaamacadda Carabta ah?
12-Jawab, Waa wadanka soomaaliya.
13-Su’aal, Sheeg Masaajidka ugu faca-weyn ee ku yaala degmada C/casiis ee magalada moqdisho Sanadkii ladhisay ?
13-Jawab, Waxaa ladhisay 1070. Hadana wuxuu dhisan yahay 939 sano.
14-Su’aal, Sheeg magacii hore ee loo-yaqaana Sacuudiga boqortooyada kahor?
14-Jawab , Waxaa loo-yaqaanay Xijaas.
15-Su’aal, Sheeg halka ay ku taalo xarunta qaramada midoobay?
15-Jawab, Waxay ku taalaa magaalada New York ee dalka mareekanka.
16-Su’aal, Sheeg mid kamid ah gobolada dalka soomaaliya haddii laga reebo xarafka hore wuxuu Noqonaayaa wax carfoon.
16-Jawab, waa gobal-ka mudug haddii laga reebo xarafka hore wuxu noqonaayaa udug.
17-Su’aal, Sheeg magaca Qaaradda aan laheyn dhul lama degaan ah?
17-Jawab, Waa Qaaradda yurub.
18-Su’aal, Sheeg imisa wadan ayuu ka kooban yahay Jaamacadda Carabta?
18-Jawab, Wuxuu ka kooban yahay 22 wadan.
19-Su’aal, Sheeg Qaaradaha loo-yaqaano adduunka gaboobay ama Duqoobay?
19-Jawab, Waxaa loo-yaqaanaa 1-Qaaradda Africa. 2-Qaaradda Asia. 3-Qaaradda yurub.
20-Su’aal, Sheeg qaaraddaha loo-yaqaano qaaradaha da’da yar ama cusub?
20-Jawab, Waxaa loo-yaaqaanaa 1-Qaaradda America 2-Qaaradda Australia.
Qeybta 12-aad
1-Su’aal, Sheeg maxay isu ahaayeen Nebi Ciise CS iyo Nebi Yaxye CS?
1-Jawab, waxay isu ahaayeen Habro wadaag.(ilmo habreed)
2-Suaal, Sheeg imisa maal-mood ayuu Rasuulka (NNKH) joogay Daa’if?
2-Jawab, Wuxu joogay 10 maal-mood.
3-Su’aal, Sheeg kumuu ahaa Nebigii ugu danbeeyey ee reer banii israa’iil?
3-Jawab, Wuxu ahaa Nebi Ciise CS.
4-Su’aal, Sheeg imisa jir bey eheed maryama markii ay dhaleesay Nebi Ciise CS?
4-Jawab, Waxay eheed 13 jir.
5-Su’aal, Sheeg xagee buu ku dhashay Rasuulkeena (NNKH)?
5-Jawab, wuxu ku dhashay magaalada Maka (Makkah)
6-Su’aal, Sheeg xagee buu ku aasan yahay Rasuulkeena (NNKH)?
6-Jawab, wuxu ku aasan yahay magaalada Madiina(Madina)
7-Su’aal, Sheeg maxaa la’oran jiray boqorkii ku soo duulay Kacbada?
7-Jawab. Waxaa la-oran jiray Abraha.
8-Su’aal, Sheeg magacyada afar wadan ee uu maro wabiga Niil?
8-Jawab, Waxay kala yihiin 1-Masar, 2-Sudan, 3-Uganda 4-Ethiopia.
9-Su’aal, Sheeg badda ugu gunta dheer adduunka?
9-Jawab, Waa badda loo-yaqaano Baltic Sea.
10-Su’aal, Sheeg wadama ey ku yaalaan harta ugu weyn ee loo-yaqaano Like Victoria?
10-Jawab, waxay kala yihiin 1-Kenya, 2-Uganda, 3-Tanzania.
11-Su’aal, Sheeg magaca qoraalkaay isticmaalaan indhoolayaasha?
11-Jawab, Waxaa loo-yaqaanaa Pareel.
12-Su’aal, Sheeg sanadkii la-aas aasay hay-adda caalamiga ah ee horumarinta mashaariicda (undp)
12-Jawab, waxaa la-aas aasay sanadkii 1965. Xaruunteedana waxay ku taalaa Geneva swizerland.
13-Su’aal, Sheeg webiga qaarada Asia ugu dheer iyo wadanka uu ku yaal?
13-Jawab. Waa webiga la-yiraahdo yangesti wuxuuna ku yaalaa wadanka shiinaha (China)
14-Su’aal, Sheeg magaca ninkii u horeeyey ee dajiya naxwaha afka carabiga ?
14-Jawab, Wuxuu ahaa Aswad Cabdalla.
Qeybta 13-aad
1-Su’aal, Sheeg xagee bey ku dhimatay Rasuulkeena (NNKH) Hooyadiis?
1-Jawab: Waxay ku dhimatay meesha la-yiraahdo Abwaa oo u dhaxeesa Maka iyo Madia.
2-Su’aal, Sheeg ninkii ugu horeeyey ee qalin wax ku qorey?
2-Jawab: Wuxuu ahaa Nebi Idiris CS.
3-Su’aal, Sheeg maxaa la’oran jiray ninkii boqno gooyey hashii Nebi Saalax CS?
3-Jawab: Waxaa la’oran jiray khudaar Bin Saalif.
4-Su’aal, Sheeg qoomkii lagu halaagay isu galmoodka ragga?
4-Jawab: Waa qoomkii Nebi Luud CS.
5-Su’aal, Sheeg Maxaa la’oran jiray Nebi Yuusuf CS hooyadiis?
5-Jawab: Waxaa la’oran jiray Raaxila.
6-Su’aal, Sheeg kumuu ahaa Nebigii la-yiri wuxu ahaa nin wanaagsan oo uu dhalay nin wanaagsan oo
uu sii Dhalay nin wanaagsan?
6-Jawab: Wuxu ahaa Nebi Yuusuf CS.
7-Su’aal, Sheeg Nebigii ku riyooday 11 xidigood iyo dayaxa iyo qoraxda oo u sujuudaaya?
7-Jawab: Wuxuu ahaa Nebi Yuusuf CS.
8-Su’aal, Sheeg magaca jaziirada afrika ugu weyn?
8-Jawab: Waa Jaziirada loo-yaqaano madagaskar.
9-Su’aal, Sheeg sanadkii 1960-kii waxaa loo-yaqaanay sanadkii afrika, Waa maxay sababtu?
9-Jawab: Maxaa yeelay wadamo badan oo afrikaan ah ayaa waxay xurnimada ka qaateen
Gumeystayaashii reer Yurub.
10-Su’aal, Sheeg Xadka u dhaxeeya qaarada Afrika iyo qaarada yurub?
10-Jawab: Waa badda loo-yaqaano Badda Cas (Red Sea).
11-Su’aal, Sheeg goorma ayaa la-aas aasay gaanshaabuurto Nato?
11-Jawab: Waxaa la-aas aasay sanadkii 1949-kii.
12-Su’aal, Sheeg gaanshaabuurto nato wadankii lagu soo dhisay?
12-Jawab: Waxaa lagu dhisay magaalada Brussels ee dalka Bilgium.
13-Su’aal, Sheeg goorma ayaa la-aas aasay hay’adda caalamiga ee boostada?
13-Jawab: Waxaa la-aas aasay sanadkii 1874.
14-Su’aal, Sheeg hay’adda boostada caalamiga ah magaaladii lagu soo aas-aasay ?
14-Jawab: Waxaa lagu aas-aasay magaalada Berna ee dalka swizerland.

Fadlan Si Fudud Uga Degso 
Qeybta Telegram-ka

Kusoo Biir Telegram-keena 
Kala Soco Qormooyin Iyo Buugtaagta Cilmiga
Personal Blog   |   Journalist   |   Graphic Design
WhatsApp: 0615980809

          --------------------------------------------------------------------------------------------
Fadlan Soo Booqo Page-Ka Si Aad Ula Socotid Qoraalo Iyo Barnaamijyo Kale.

--------------------------------------------
SHARE | Comments| Like✔|👤Olad Ahmed Mohamed
Kusoo Biir Twitter,    Linkedin
--------------------------------------------
#Hahilmaamin In Aad Asxaabtada Lawadaagto.
SHARE ✔ Dheh
Soona Booqo Bogga #Xigmadda Iyo #Kobcinta_Nafeed Ee
Tel No:- 615980809
Muqdisho - Soomaaliya
#Mahadsanid.

2 comments

Unknown said...

Waad kumahadsantihiin soo gudbintiina👏
Alle haidin barakeeyo🤲

Anonymous said...

Wax badan ayaan ka faa,iiday m.a allàh ha ku xafido