War Deg Deg:

SHEEKO AAD U XIKMAD BADAN OO KA TURJUMEYSA SABAN-KA IYO SOOMAALIDA.

Like Saar
Hαddα Ka Hor Ayaa Waxaa Jiray Nin Boqor Ah Kasoo Caruur Ka Lahaa Gabadh, Wuxuu Gadoonsiiyey Gabadhiisii Calaamadii Boqornimada Taasoo Ka Samaysnayd Silsilad Dheeman Ah Oo Aad U Qurux Badan.

Si Lama Filaan Ah Ayaa Waxaa Loo Xaday Silsiladii Waxaana Baadi Goob Ugu Dhaqaaqay Dhamaan Dadkii Boqortooyada Hoos Imaan Jiray, Ayagoo Ka Dayay Meel Walba Balse Helitaankeeda Waa Lagu Guul Daraystay, Waxaana Mucjiso Ku Noqotay Dadkii Sidii Loo Qaaday Silsiladii Inanta Boqorka, Dadkii Qaar Ayaaba Ku Qowlay “Malaha Shimbarahaan Bidayo Ayaa Baalka Horey Usii Surtay, Halka Koox Kalena Ay Ku Murmayaan Shoow Dabaylahaan Hugmo Ayaa Naga Haatiyoo Qoom Kalaaba U Baxay.

Intaas Dabeed Boqorkii Ayaa Isugu Yeedhay Dhamaan Dadkii Wuxuuna Ku Amray Qof-Kasta Inuu Ka Qayb Qaato Raadinta Silsiladda, Wuxuuna Miiska Soo Dhigay Abaal-Marin Dhan $50,000 (Dollar) Asagoo U Sheegay Shaqsigii Soo Hela Silsiladda Inuu Nasiib U Yeelan Doonno Abaal-Marintaan.

Maalin Ka Mid Ah Ayaamihii Raadinta Silsiladda Ayaa Shaqsi Ka Mid Ah Shaqaalihii Boqortooyada Wuxuu  U Lugeeyey Xaafad Ku Dhagan Wabi Jiinkiis Wabigaas Isna Wuxuu U Dhawaa Meel Warshado Badan Ku Yaaliin. Wabigaan Ayaa Ah Gabi Ahaanba Mid Aad U Wasakhaysan Uurkiisuna Naftu Aysan Ku Dareemayn Raaxo, Oo Waa Shiir Ama Ur Qofkii Hal Mar Sanka La Raaca Uusan Dib Usoo Jaleecayn.

Shaqaalihii Asagoo Socodkiisii Iska Sii Wata Ayuu Wuxuu Arkay Wax Ka Dhex Birqaya Wabiga Wuxuuna Si Degdeg Ah Uu Indhaha Oo Aad Moodo Inuu Xabsi Ay Ku Jireen Kasoo Saaray U Fiiriyey Wixii Ka Dhex Birqayay Wabiga, Wuxuu Isla Markiiba Isha Ku Dhuftay Silsilad Dheeman Ah. Riyaaq Iyo Farxad Darteed, Wuxuu U Facleeyey Sidii Qudhbac Yadh Oo Caano Feeraha Iska Saaray, Wuxuuna Isku Dayey Sidii Uu Kusoo Qaban Lahaa Dheemanka Oo Waxaa Usoo Caraftay Abaal Marintii Ahayd $50,000.

Wuxuu Galiyey Gacantiisa Biyihii Wabiga Ee Aadka U Wasakhaysnaa Sifo Uu Usoo Qabto Silsiladda, Balse Waxyar Ka Dib Wuu Soo Qaban Kari Waayey Oo Wuuba Waayay. Wuxuu Meeshii Kala Soo Noqday Gacantiisii Oo Madhan Wuxuuna Fiiriyey Mar 2aad Mise Silsiladii Goobteedii Ayayba Ka Muuqataa. Mar Kale Ayuu Isku Dayey, Markaanse Wuxuu Toos Ugu Dhex Socday Wabigii, Biyihii Aan Hagaagsanayna Waxay Ka Wasakheeyeen Surwaalkiisii. Wuxuu Ku Baadhay Oo Isugu Geeyey Laba-Dii Gacmood Sifo Uu Usoo Qabto Silsiladii Laakiin Si Layaab Leh Ayuu Mar Kale Ku Waayay Silsiladii! Wuu Isaga Soo Baxay Biyihii Wuuna Ka Jaqaafiyay Meeshii, Asagoo Aad U Caraysan.

Waxyar Markuu Goobtii Ka Durkay Ayay Mar Kaleeto Isla Halkii Uga Dhalaashay Silsiladii. Wuxuu Talo Ku Gooyay, Anoo Maanta Bahashaan Gacanta Ku Dhigin Goobtaan Meelna Ugama Socdo Siday Doonto Iyo Intay Doonto Haa Igu Qaadatee.

Arinkii Wuxuu La Dhaafi Waayay Inuu Muquurto Wabiga Inkastoo Uu Aad U Dhimsanayey Oo Uusan U Adkaysan Karin Shiirka Xun Ee Biyaha Sido Kale Uu Dareen Sanaa Haduu Toos U Dabaasho Inuu Sida Biyiha Usoo Shiiri Doono Oo Ay Oogadiisa Iyo Dharkaba Hallaabi Doonaan Balse Nin Meelu U Cadahay Meelu Ka Madoobe Wuu Dhex Dabaashay Asagoo Hadba Gees U Dabaal Jooglaynaya, Qadar Alla Markaanna Guul Kama Keenin Oo Soo Qaban Waa Silsiladii.

Banaanka Ayuu Uga Baxay Biyihii Asagoo Aad U Murugeysan Dareemayana Wareer Iyo Walaac Badan Maadaama Shaygii Uu Abaal Marinta Ku Mutaysan Lahaa Asagoo Ujeeda Uu Heli Waayay.

Halkaas Marka Uu Xaal Marayo, Nasiib Wanaag, Nin Caaqil Ah Oo Meesha Marayay Ayaa Arkay Ruuxaan Silicsan Wuxuuna Weydiiyey Dhibkiisa Iyo Waxa Ku Dhacay. Balse Shaqaalihii Ama Shaqsigii Abaal-Marin U Dagaalanka Ahaa Muusan U Diyaarsanayn Inuu Sirtaan Qofna La Wadaago, Wuxuu U Arkayay “Gari Laba Nin Kama Wada Qoslisee" Haduu Ninkaan U Sheego Inuuba Ka Qaado, Sidaa Daraadeed Wuxuu Dan-Biday Inuu Laabtiisa Ku Gaadh Yeelo Sirtaan Wuxuuna Ku Hadal-Celiyey Waxba Ma Jiraan. Balse Nin Caqliga U Ehelka Ahaa Wuxuu Arkay Iney Jiraan Waxyaabo Uu Aad U Jeclahay Inuu Gacanta Ku Dhigo Ayna U Suuroobi La'dahay, Mar Kale Ayuu Wuxuu Ka Codsaday Inuu Dhibkiisa U Sheego, Wuxuuna U Ballan Qaaday Shaqsi Kale Inuusan Arinkiisa U Sheegi Doonin Asaguna Inuu Garab Galo Maahee Uusan Xumaan U Wadin.

Ninkii Waxaa Qalbigiisa Soo Yadha Galay Kalsooni Aan Sidaa Usii Badnayd Balse Ugu Dambeyntii Wuxuu Go'aan Saday Inuu Imaan Naftiisa Ku Beero.

Muddo Yar Markuu Aamusnaa Dhibanihii Ugu Dambayntii, Wuxuu Si Kooban Saaxiibkii-Caqliga  Ugu Sharaxay Arimihii Silsiladda Iyo Dadaaladii Aan Kala Joogisa Lahayn Ee Uu U Galay Sidii Uu Meeshaan Uga Tagi Lahaa Asagoo Haysta Balse Dhamaan Dadaaladiisii Ay Noqdeen Caano Dhay Ah Ood Dhami Lahayd Dhulka Kulis. Ninkii Garaadka-Sare Lagu-Sooray Ayaa U Sheegay Inta Wabigaan Wasakhaysan Aad Dheemanka Ka Baadi Doonayso Waxaad Isku Dayda Inaad Kor Eegtid Iyo Dhanka Geedaha Ka Sareeya Wabiga. Dhibanihii Wuxuu Isha U Weeciyey Inuu Eego Dhanka Sare Mise Silsiladii Uu Ku Rafaaday Oo Rafashada Badan Galisay #Laan Geed Madaxiisa Ku Aadan Ayayba Kasoo Lulataa.

Wuxuu Ku Xiiqay Oo Ku Xeelad Iyo Xoog Seegayba Waxay Noqdeen Hommaagtii (Reflection) Biyaha Ee Silsiladda Balse Maysan Ahayn Silsiladii Saxda Ahayd.

Xikmad Sheekada: Safiraadda Casharka Aan Ka Dhaxli Karno Asxaabta Sharafta Badan Ayaan U Dhaafay

1 comment

dhallinkaab said...

Dulucda iyo xikmadda ani ahaan aanka dhaxlay waa Weliga qof aad talo bidey haka baqaylin.