War Deg Deg:

Diyaaradii uu la socday Fahad Yaasiin oo Turkiga dib loogu celinayo

Like Saar

Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladda Jabuuti ay xirtay taiyihii hore ee Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo dhowaan loo magacaabay inuu noqdo la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


Soo noqoshada Fahad waxay "walaac ku tahay" Rooble

Fahad ayaa lagu waday inuu ku soo laabta magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa tan iyo markii uu billowday qalalaasha siyaasadeed e u dhexeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisal wasaare Rooble ee sababay inuu ku waaya xilkiisa agaasimaha hay'adda NISA.

"Imaanshaha (Fahad) waa mid xoogaa lagu kala qeybsan yahay, sidaas darteed haddii uu ku laabto Mudqisho, taasi waxay wax weyn u tahay madaxweyne Farmaajo waxayna walaac ku tahay dhanka Rooble", ayuu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay ," Maxamuud Cumar, oo ah falanqeeye Soomaaliyeed oo ka tirsan Hay'adda Caalamiga ah ee Xasaradaha oo fadhigeedu yahay magaalada Brussels.

Madaxweyne Farmaajo xiriir fiican lama laha dowladda Jabuuti,kaddib markii uu xiriir la yeeshay Eritrea iyo Itoobiya, Jabuutina dareensiiyay go'doon, ayuu yiri Cumar. "Jabuuti kuma aysan faraxsaneyn dowladda

Farmaajo in muddo ah sidaas darteed la yaab ma laha in la arko iyagoo sameynaya wax dhib ku ah Maxamed, haddii ay kas ka tahay iyo haddii aysan ka ahaynba," ayuu yiri.

No comments