War Deg Deg:

Masjidka Al Aqsa waa khadka cas ee Turkiga: Madaxweyne Erdogan...

Like Saar

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Israa’iil ay ku qaaday Masjidka Al Aqsa ee ku yaalla bariga magaalada Quddus ee la heysto.

Madaxweynaha ayaa Sheegay in Turkiga uusan marnaba ka aamusi karin weerarada lagu qaadayo Masjidka Al Aqsa, wuxuuna ugu baaqay Israa’iil inay joojiso weerarada sida ugu dhaqsiyaha badan.

Waxa uu si kulul u cambaareeyay weerarka ay Israa’iil ku qaadday Masjidka Al Aqsa ee ku yaalla bariga Quddus ee la haysto, wuxuuna yiri: “Waxaan rabaa in aan muujiyo murugo iyo caro.

"Turkiga kama aamusi karo weerarada, gaaritaanka Masjidka Al Aqsa iyo ku tumashada xurmada Xaramka al Sharif waa khad cas" ayuu yiri Erdogan ka dib casho afur ah oo uu la qaatay dadka shaqada ka fariistay ee caasimadda Ankara, oo ah soon gaar ah. in la afuriyo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Hadalkiisa ayaa yimid ka dib markii aay xiisadda sii korortay markii booliska Israel aay xireen ku dhawaad 350 qof oo ku cibaadeysanayay gudaha dhismaha Masjidka Al Aqsa.



Kusoo Biir Telegram-keena
Kala Soco Qormooyin Iyo Buugtaagta Cilmiga
Personal Blog   |   Journalist   |   Graphic Design
WhatsApp: 0615980809


No comments