War Deg Deg:

SHEEKO XIISO BADAN NIN IYO XAAS-KIISA

Like Saar

 

Nin iyo Xaaskiisa ayaa tegay meel Xayawaanada lagu Xanaaneeyo, oo daawasho loo tago.
Xaaskii baa aragtay Daanyeer Xaaskiisa la Ciyaaraaya markaas ayey ku tiri Ninkeeda “Maxaa meesha jaceyl Ka dhacay”.
Markale ayey waxa ay aragtay Libaax iyo Xaaskiisa oo laba meel kala jooga, kalana fog markaas ayey tiri Xaaskii “Maxaa meeshaan Murugo ka dhacday”.

Ninkii baa ku yiri Xaaskiisa ”Soo qaado Dhaladan oo ku tuur dhanka Xaaska Libaaxa, eegna sida uu noqonayo”.
Markey dhaladii ku tuurtay Libaaxii baa qeyliyay si uu Xaaskiisa u ilaaliyo, wuuna uu soo toosay, wuxuuna uu isku hareereeyay Xaaskiisa si uu u Difaaco.
Mar kale ayuu ku yiri “Ku tuur dhanka Xaaska Daanyeerka, markey ku tuurtay ayuu Daanyeerkii ka Cararay Xaaskiisii isaga oo ka baqaaya in dhaladu ay ku dhacdo.

Ninkii ayaa ku yiri Xaaskiisa “Haku sirmin waxey dadku hortaada ku muujinayaan, waxaa jira Dad ku khiyaama dadka kale Dareen aan jirin, iyada oo ay jiraan dad dareenkooda jaceyl Qalbi xiran ku ilaashado.

Hadaad Ka Heshay Qeybta Comment-ga Faalo inogula Wadaag.

Naguna Dhiira Geli Share-kaada

Kusoo Biir Telegram-keena
Kala Soco Qormooyin Iyo Buugtaagta Cilmiga
Personal Blog   |   Journalist   |   Graphic Design
WhatsApp: 0615980809


No comments