Farmaajo Ma Fuliyay Ballanqaadyadii Uu Sameeyay?
Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdulahi Farmaajo |
Maanta Ayay Ku Egtahay Muddo
Xileedka Dastuuriga Ah Ee Afarta Sanno Ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad
Cabdillaahi Maxamad Farmaajo Oo Xilka Loo Dhaariyay 8-Dii Febraayo 2017 Kadib
Doorasho Uu Kaga Guuleystay Madaxweynihii Isaga Xafiiska Uga Horeeyay Ee Xasan
Sheekh Maxamuud.
Muddo Todobaada Ka Dib Ayuu Madaxweyne
Farmaajo Xafiiska Villa Soomaaliya Kala Wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud, Iyadoo Todobaadkii Xigayna Munaasabad Weyn Lagu Caleema Saaray Taas
Oo Ka Dhacday Isla Hoolkii Lagu Doortay.
Khudbadii Uu Ka Jeediyay Madaxweyne
Farmaajo Caleema Saarkiisa Iyo Kuwii Uu Jeedin Jiray Intii Uu Olollaha Ku Jiray
Farqi Weyn Ayaa U Dhaxeeyay, Isagoo Balanqaadayadii Uu Sameeyay Doorashadiisa
Ka Hor Aad Moodaysay In Afarta Sanno Ee Uu Xafiiska Joogo Ay Wax Kastaahi
Hagaagi Doonaan,.
Balse Khudbadiisii Caleema Saarka
Ayuu Hoos U Dhigay Filashooyinkii Khudbadihiisii Hore Xambaarsanaayeen Isagoo
Sheegay In Dhibka Dhawr Iyo Labaatan Jirsaday Sida Uu Isagu Rumeysnaa Uu U
Baahnaanayo Dhawr Iyo Labaatan Sanno Oo Kale Si Xal Loogu Helo.
Inkastoo Filashooyinku Dadka Ka
Haysteen Madaxweynaha Uu Isaga Lagftigiisu Qiray Caqabadaha Ku Horgudban Ayaa
Haddana Waxa Jiray Qodobo Aasaasi Ah Oo Ay Ahayd Inuu Dhameeyo Inta Uu Xafiiska
Joogo Kuwaas Oo Qaarkood Ay Dawladdihii Isaga Ka Horeeyay Ku Guuldareysteen.
Waxaa Qodobadaasi Ka Mid Ah In
Dalka Lagu Soo Dabaalo Amni Iyo Xasilooni, Dhamaystirka Dastuurka, Dib U
Qaabaynta Hay'adaha Dhaqaalaha Iyo Kuwa Caddaalada, Iyo Arimaha Siyaasadda Oo
Ay Ugu Horeysay Inuu Dalka Gaarsiiyo Doorasho Qof Iyo Cod Ah.
GUULAHA
FARMAAJO
Dr Shariif Cusmaan Oo Ah
Aqoonyahan Ka Faalooda Dhaqaalaha Iyo Siyaasadda Ayaa Sheegaya In Waxyaabo
Badan Ay U Qabsoomeen Dowladda Madaxwayne Farmaajo.
"Ciidanka Tababarkiisa Iyo
Dib U-Habayntiisa, Bixinta Mushaarkiisa Iyadoo Shaqaalaha Dawladda Oo Dhan
Mushaarkoodu Si Joogta Ah U Baxayay, Hirgalinta Deeqaha Mashaariicda Caalamiga
Ah Sida Dhismaha Wadada Muqdisho Illaa Afgooye, Cafinta Daymihii Lagu Lahaa Soomaaliya,
Dakhliga Soo Gala Dawladda Soomaaliya Oo Kor U Kacay Marka Loo Eego Sannadihii
La Soo Dhafay Iyo Sidii Loo Maareeyay Cudurkii COVID-19 Marka La Fiiriyo
Canshuur Dhaafkii Loo Sameeyay Cunnooyinka Qutul Daruuriga Ah" Ayuu Yiri Dr
Shariif.
Dr Shariif Cusmaan Waxa Kale Oo
Uu Sheegay In Sida Loo Wajahay Fargalinta Dallalka Dariska Ah Ay Ahayd Talaabo
Dawladdu Ku Amaannan Tahay.
"Sida Loo Wajahay
Faragalinta Kenya Iyadoo Loo Isticmaalay Kaarka Qaadka Oo Markii Ugu Horeysay
Si Toosa Loo Joojiyay, Faragalintii Ka Imaan Jirtay Xagga Itoobiya Oo
Saaxiibtinimo Loo Badalay Ayaa Kamid Guulaha Dawladda" Ayuu Intaa Ku Daray
Dr Shariif.
GALMUDUG STATE: Shirkii Duusamareeb |
Amniga
Inkastoo Guulahaa La Sheegay Inay
Gaartay Dawladdu Afartii Sanno Ee Ay Jirtay Haddana Waxa Jira Waxyaabo
Halkoodii Aan Ka Dhaqaaqin Oo Amnigu Kow Ka Yahay Sida Uu Rumeysan Yahay Xuseen
Macalin Oo Madax Ka Ah Machadka Hiraal Ee Ka Faalooda Arimaha Amniga Horeyna La
Taliye Dhinaca Amniga Ugu Soo Noqday Madaxweyne Farmaajo.
"Afar Sanno Madaxweyne Farmaajo
Wax La Sheegi Karo Oo Amniga Uu Ku Soo Kordhiyay Ha Noqoto Ciidan Iyo Qaabkii
Dib Loogu Dhisi Lahaa Wuu Ka Gaabiyay Oo Waxba Kama Fulin Heshiisyadii Amniga
Qaranka". Ayuu Yiri Xuseen Macalin
Dagaalka Al-Shabaab Isna Waxbadan
Lagama Qaban Afartii Sanno Ee La Soo Dhaafay Sida Uu Qabo Xuseen Macalin.
"La Dagaalanka Al-Shabaab Oo
Ahayd Haddii La Barbardhigo Afartii Sanno Ee Ka Horeysay Iyo Tii Ka Sii
Horeysay Intaba, Magaalooyinka Shabaab Laga Xoreeyay Aad Uga Yartahay, Labo
Ayaa Ku Soo Siyaaday Xiliga Farmaajo, Kuwa Kale Ee Ka Horeeyayna Qaar Dhawr Iyo
Labaatan, Qaarna Dhawr Iyo Toban Ayay Ku Guuleysteen, Marka Farmaajo Xiliga
Afarta Sanno Ah La Eego Amniga Waxay Ila Tahay Inuu Ka Jiro Gaabis".
Arimaha Dastuurka Oo Soo
Jiitamayay Tan Iyo Markii La Hirgaliyay Midka Kumeel Gaarka Ah Ee Hadda Lagu
Dhaqmo 2012 Kii Ma Jirin Dastuur La Dhamaystiray Oo La Mariyay Hannaankii Uu Ku
Noqon Lahaa Mid Buuxa.
Dawladda Madaxweyne Farmaajo Waxaa
Looga Fadhiyay Soo Gabagabeynta Dib U Eegista Dastuurka, Balse Afartii Sanno
Waxay Dhamaatay Iyadoon La Dhamaystirin Oo Aan Afti Dadweyne Loo Qaadin.
Gudoomiyihii
Hore Ee Maxkamadda Sare Abukaate Caydiid Cabdillaahi Ilkaxanaf |
Gudoomiyihii Hore Ee Maxkamadda
Sare Abukaate Caydiid Cabdillaahi Ilkaxanaf Ayaa Ku Sheegay Sababta Horey Loogu
Wadi La'yahay Dastuurka Inay Tahay Isbarbaryaac.
"Arimaha Dastuurka Ee Soomaalida
Gabigeedaba Sida Loo Wado Si Wanaagsan Ma Aha Si Khalad Ah Ayaa Loo Wadaa,
Arimahan Waxa La Doonayaa In Loo Daayo Guddiga Caddaalada, Guddiga Caddaalada
Ayaa Ah Guddigii Distoorka, Guddigaasi Si Loo Wado Hadda Ma Aha Si
Madaxbannaan, Waxa La Isku Darayaa Guddigii Distoorka Ee Madabannaanaa,
Guddigii Distoorka Ee Barlamaanka, Guddigii Distoorka Ee Aqalka Sare Maxaa
Gadhka Isu Galiyay Waxan Ayuu Is Waydiiyay Avv. Caydiid Ilka Xanaf."
Gudoomiyihii Hore Ee Maxkamadda
Sare Ayaa Rumeysan In Marka Hore Loo Madaxbannaaneeyo Guddiga Si Ay Distoorka
Uga Shaqeeyaan .
"Marka Hore Waxa La Doonayaa
In Guddigaa Loo Daayo, Guddigaa Madaxabannaan Marka Ay Soo Dhameeyso Dawladday
U Keenaysaa Oo Wasiirkan Distoorka Iyo Dawladda Ayay U Keenaysaa, Dawladda
Eegeysa, Markaas Ayay Dawladduna U Gudbinaysaa Barlamaanka, Guddiyadan Barlamaanka
Ee Iminka Halka Hore Ka Bilaabaya Maaha Ee Halkaas Ayaa Loogu Gudbinayaa,
Kadibna Haddii Uu Hagaagsanaado Shacabka Ayaa Loo Gudbinayaa".
Maanta Ayuu Dhamaanayaa Xilka Madaxweynaha Dawladda Federaalka, Iyadoo Waqtigii Barlamaankuna Dhamaaday 27 December Walina Ma Muuqato Heshiis Wadar Ogol Ah Oo Lagu Galayo Doorasho Maalamaha Inagu Soo Fool Leh.