War Deg Deg:

Waxaa Maanta La Soo Gabagabeeyey Dhagaysiga Dacwaddii Coldoon.

Like Saar

Markii la gabagabeeyey dhagaysiga, garsooraha ayaa Coldoon siiyey eraygii ugu dambeeyey waxaanu ku yidhi : Maxaad ka Codsanaysaa maxkamadda ? 

Coldoon ayaa yidhi inta uu kitaab quraan ah kor u qaaday : (Waxa aan doonayaa in aad kitaabkaa Ilaahay ii eegto oo waxa iiga soo baxa igu xkunto oo  oo aanad igu xukumin wax ka sokooya xukunka kitaabka Alle )

Sidoo kale Coldoon ayaa garsooraha ku yidhi:  (Haddii aad i dulmido oo aad xukun cadaaladdarrao ah dusha iga saarto ilaahay waxa aan ka barayaa in aanu Alle kugu salladin axad kale oo iga dambeeya aniga, adiga iyo cidkasta oo arinkaygan ku lug leh)

Coldoon ayaa intaa raaciyey : ( Garsoore waxa aan u xidhanahay laba qalo oo is bahaysatay oo kala ah : kuwo diinta islaamka duullaan ku ah iyo iyo kuwo awooddii dowaladnimada adeegsanaya oo ah kuwa saaka aniga oo katiinadaysan iigu kaa keenay shabagan birta ah ee aan ku jiro hadda ee ha ii raacin kuwaan )

( Rag isku hayba ayaa xadhigayga ka hadlay oo ku baaqay oo qaarkood ku baaqay in la dilo waxa ka mid ah ragaa : Cabdiraxmaan Cadami, Maxamed Cabdi Daawuud , Maxamed Maxamuud Xiirey ( Aadan siiro walaalkii ) iyo Axmed Cadarre , haddii ay cadaalidi jirto kuwaa in la ii maxakamadeeyo ayey ahayd taaaina ma dhicin , waxa dheer adiguna garsoore la hayb baad tahay oo maba ay ahayn in kiiskayga lagu dhiibo , madaxweynihii i soo xidhayna waa idinla hayb , sidaa darteed waxa aan kaa rabaa cadaaladd) 

(Maanta waa if barrina waa aakhiro , aduunkan waa laga tagayaa e Ilaahay raali gali oo cadaalad samee , haddii aad ilaahay raaligalisid maxaa lugu yeeli karaa oo ugu weyn oo aan ahayn in shaqada un lagaa joojiyo ? )

Garsoore Xasan-Mataan Axamed Maxamed oo ah garsooraha ka garnaqaya dacwadda Cabdimaalik Sh.Muuse Coldoon ayaa la sugayaa maalmaha dhow ee soo socda in go'aan ka soo saaro dacwadda.

Cabdimaalik Sh.Muuse Coldoon ayaa la xidhay 19/08/2021 kaddib markii ka hadlay shabkadda Abaarso iyo baadariyad gudoomiye ka ah jaamacadda Barwaaqo .

 Xigasho:- Cabdimaalik Muuse Coldoon

Kusoo Biir Telegram-keena 
Kala Soco Qormooyin Iyo Buugtaagta Cilmiga
Personal Blog   |   Journalist   |   Graphic Design
WhatsApp: 0615980809



No comments