War Deg Deg:

Noloshada U Yeel Hadaf | Halkee Ayuu Kasoo Burqadaa Hadaf-ka Ama Han-ka Sare?

Like Saar

Kusoo Biir Telegram-keena 
Kala Soco Qormooyin Iyo Buugtaagta Cilmiga
Personal Blog   |   Journalist   |   Graphic Design
WhatsApp: 0615980809

Hadaf-ka / Hanka sare halkee ayuu ka soo burqadaa?

Hadaf-ka / Hanka sare (himmada sare) booskeedu iyo halka ay dagan tahay waa qalbiga, xubnaha kalena waxay fuliyaan wixii himmad ah oo qalbigaas kasoo fula, qofkuna himmadiisa wuxuu ku gaaraa oo ku helaa darajo uusan ficilkiisa ku gaarin.

Alle SWT waxa uu quraankiisa kariimka ku leeyahay:

(….وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَاۤءَ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَیۡنَهُمَا بَـٰطِلࣰاۚ) 

(Surah Sad 27)

“Maanan u abuurin Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeyo dana la’aan (ciyaar)….”

Waxa kale oo Alle SWT Quraan-kiisa ku yiri:

(….. أَفَحَسِبۡتُمۡ أَنَّمَا خَلَقۡنَٰكُمۡ عَبَثٗا) 

Surah Al-Mu'minun, Ayah 115

“Ma waxaad u malayseen inaan idiin Abuuray Ciyaar…. “

Hadaf-ka nolosheena aad ayuu muhiim ugu yahay, hadii Aadan hadaf laheeyn oo uu kaa qaldamo noloshaada wax qiimo ah malahan.

Dhalinyarada inta badan oo hadafka u cadeen, noloshooda waxa aay ka dhigtaa kuwo ku dhameesta dheedheel .

Noloshii hadaf leh ayaa qiimo leh, nolosha kalena waa wax liita.

Hadaf-ka ugu wanaagsan waa in qofku gaaraa raali ahaanshaha alle, waa inuu janno xaqiijiyo sida uu u geli lahaa, la yimaadaa camal wanaagsan, oo cadaab ka badbaado.

Alle waxa uu leeyahay:

(وَمَا خَلَقۡتُ ٱلۡجِنَّ وَٱلۡإِنسَ إِلَّا لِيَعۡبُدُونِ

Surah Adh-Dhariyat, Ayah 56

“Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin”

Bal xadiiskan dhuux: -

  وعَنْ سهل بن حُنَيْفٍ أنَّ رَسُول اللَّهِ ﷺ قَالَ: مَنْ سأَلَ اللَّه تَعَالَى الشَّهَادةَ بِصِدْقٍ بلَّغهُ اللهُ منَازِلَ الشُّهَداءِ وإنْ ماتَ على فِراشِهِ. رواه مسلم.

(Qofkii Alle waydiista shahaado si dhab ahna wu weydiista, Alle waa gaarsiiyaa qofkaas darajada shuhadada, waloow gogoshiisaba haku naf baxee).

Bal xadiiskanna aan dhuuxno, si ay inoo ku caddaato qiimaha ay leedahay inuu qofku han sare yeesho.

ابن عباسٍ رضي الله عنهما، عن رسول الله صلى الله عليه وسلم فيما يرويه عن ربه تبارك وتعالى قال: ((إن الله كتب الحسنات والسيئات ثم بين ذلك، فمن همَّ بحسنةٍ فلم يعملها كتبها الله عنده حسنةً كاملةً،

(Alle wuxuu qoray xasanaadka iyo xumaanta, kadibna waa cadeeyay, qofkii ku hammiya khayr inuu sameeyo, goortaasna aan samyn, Alle wuxu u qoraa xasano dhamays tiran ) .

Labadaan xadiis waxaynu ka faa'iidaysanaynaa arimahan soocodada: -

·         Qof walba hammigiisa meeshuu dhigo weeye, qofkii han sare leh, hankiisaasi wuxuu gaarsiinayaa, shay uusan ficilkiisu gaarsiin karin.

·         Qofka hankiisu sareeyo Alle wuxuu ka dalbadaa wax weyn, Allena wuu siiyaa qofkaas wuxuu ka dalbaday niyadiisa ayuuna ku siiyaa.

Hanka sare (himmada saraysaa) ma deeq iyo hibo Alle bixiyo miyaa mise waa shay la kasban karo?

Qofku inuu han sare yeesho waa shay qofkasta Alle ku Abuuray, markaa guud ahaan qof walba waxuu leeyahay han sare, laakiin qof walba meel ayay u joogtaa, hankuna waa shay qaabili kara inuu kor u kaco hoosna u dhaco qofka bini aadam-ka, qofku markuu ku dadaalo inuu hankiisa kor uqaado hankii sare ee Alle ku Abuuray waxaa ku darsamaysaa miduu isagu kasbaday, qofkii iska fariista oo aan ka shaqayn siduu hankiisa kor ugu qaadilahaa hankiisu intii Alle siiyay ayuu ku joogayaa, dariiqa Alle jeexay noloshaan adduunyo ayaa waxay ku dhisan tahay wixii la kobciyaa kobca oo hanaqaada, wixii la dacayo oo aan la kobcin ma'hana qaado, kor uma kaco , siyaado ku ma'darsanto, himmaduna waa saas oo kale .

Noolaha dhan han sare waa leeyahay wayna kukala duwan yihiin, midba meel ayay u joogtaa.

Xayawaanku sida uu ukala han sareeyo

  • Caara caaradu (Cankabuutka) markay saa u dhalataba waxay bilawdaa inay samaysato gurigeeda iyo meeshay ku noolaan lahad hooyadeedna kama sugto inay u dhisto.
  • Abeesada waligeed kuma noolaan god ay iyadu qodatay waxay raadsataa god bahal kale qotay oo ay ku habsataa, waayo hab dhaqankeeda ayaa wuxuu ku dhisan yahay dulmi, dhac iyo boob.
  • Shinbirka loo yaqaan tukaha (Quraab) wuxuu raad sadaa neef dhintay hilibkiis oo goortaas cunaa.
  • Galayrkuna wax aan noolayn hilibkiis macuno oo bakhtiga hilibkiisa macuno 

Sidaa arkaysaanba, xayawaanaadkii ayaaba kala han sareeya . mid bakhti ayuu ku qancay, midna naftiisa uma quurin inuu bakhti iyo mayd cuno, mid waxay ku talagashay inaysan cid kale ku tiirsanaan, ee ay gurigeeda samaysato, midna waxay ku talagalashay inay cid kale xoogto oo dulmi ku noolaato.

Dadku sida ay u kala han sareeyaan: -

Dadku aad ayay ukala han sareeyaan, bal tusaalayaashaan soo socda dhuux si aad u ogaato qof walba hanku meesha uu u joogo.

Tusaalaha 1-aad

Waxaa maalin isku yimi afar nin oo kala ah, Cabdullaahi Bin Cumar, Cabdi malik Bin Marwaan, Curwa Bin Zubayr, Muscab Bin Zubayr, waxay fariisteen harka kacbada markaas ayuu muscab ku yiri '' maanta qof walba wuxuu rajaynaayo ha sheegto'',

waxay ku dhaheen adigu bilaw, wuxuu yiri: - Anigu waxaan rajaynayaa in aan gudoomiye ka noqdo wadanka Ciraaq, labada gabdhood ee kala ah Sukayna Binti Xuseen iyo Caa'isha Binti Dalxa in aan guursado.

Curwa Bin Zubayr hadalka qabsaday oo yiri: - waxaan rabaa in aan noqdo caalim weyn oo cilmiga laga barto.

Cabdi malik Bin Marwaan ayaa isaguna wuxuu yiri:- Waxan rabaa in aan noqdo madax weynaha muslimiinta dhan ( khaliifada muslimiinta dhan ) .Saxaabigii Cabdullahi Bin Cumar wuxuu yiri :- Anigu waxan rabaa in aan janno helo .

Raggii dhamaantood waa gaareen wixii ay ku hamiyeen ee ay hiigsanaayeen.

Marka aad ayeey muhiim inoogu tahay in aanu yeelano hami sare si aan nolosha hormar ugu sameyno.


Kusoo Biir Telegram-keena 
Kala Soco Qormooyin Iyo Buugtaagta Cilmiga
Personal Blog   |   Journalist   |   Graphic Design
WhatsApp: 0615980809

No comments