Baro 10 Sababood Oo Uu Hadafkaagu Kuugu Hirgeli La'yahay.
(5) Wakhtigu Kuuma Xaddidna.
Waxa La Yidhaahdaa Farqiga U Dhexeeya Riyada Iyo Hadafka, Waa Wakhtiga Oo Xaddidan (Deadlines). Waxaa Laga Yaabaa Inaad Taqaan Waxa Aad Rabto Iyo Sababta Aad U Rabta.
Waxaa Laga Yaabaa Inaad Qaadatay Go'aan Adag, Sidoo Kalana Waxa Dhici Karaysa Inaad Isu Aragto Inaad Leedahay Kartidii Iyo Karaankii Aad Ku Fulin Lahayd. Laakiin Haddaanu Hadafkaasi Lahayn Xilli Xaddidan Oo Aad Bilaabayso Iyo Xilli Aad Ku Dhammaynso, Way Adkaaganysaa Inaad Hadafkaa Xaqiijiso, Waayo Maalinba Maalin Bay Kugu Ammaahanaysaa, Sidaad U Leedahay Berri Baan Bilaabayaana Waxaad Is Arkaysaa Wakhtigii Oo Tagay Iyo Adigoon Hadfaakgii Gaadhin.
Waxba Lama Dhammaystiro Haddaanu Jirin Xilli Cayyiman Oo Hawshaa La Guda-gelayo Iyo Xilli Xaddidan Oo Lagu Dhammaystirayo.
Muddo Cayyimiddu Waxay Dardar Gelisaa Nafta, Waxayna U Diiddaa Caajiska,
Sidoo Kale Waxay Kuu Fududaynaysaa Inaad Yeelato Diirad-saaryo Iyo Mudnaansiin.
Ha Dhigan Yool Haddaanad U Samaynayn Muddo Cayyiman Oo Aad Doonayso Inaad Ku Xaqiijiso.
Tusaale, Waa Uun Riyo Haddaad Tidhaahdo Waxaan Doonayaa Inaan 15 Jus Xafido, Waxaad Se Riyadaa Xaqiijin Kartaa Kolka Aad Tidhaahdo: 2021 Marka La Gaadho, Waxaan Rabaa Inaad 15 Jus Xafido.
Tusaale Labaad, Waa Riyo Uun Haddaad Tidhaahdo Waxaan Doonayaa Inaan Ganacsi Furto.
Waxay Se Riyadaa Hadaf La Xaqiijin Karo Noqon Kartaa Marka Aad Tidhaahdo:
Waxaan Doonayaa Inaan December 2019 Furto Ganacsi Noocaa Iyo Noocaa Ah.
Waad Ila Garataan Filayaa?
Haye, Waa Si Wanaagsan Haddaba.
Waa Inoo Qormada 5-aad Oo Aan Dhawaan Soo Gelin Doono Eebbe Idamkii.
La Wadaag Saaxiibadaada (S H A R E)