War Deg Deg:

WAX KA BARO HILINADA HOGGAMINTA NAFTA

Like Saar

 

WAX KA BARO HILINADA HOGGAMINTA NAFTA 

Kusoo Biir Telegram-keena 
Kala Soco Qormooyin Iyo Buugtaagta Cilmiga

Imisa qof ayaad maqashay inay ku guulaysteen riyooyinkoodii baal dahab ahna ka galay taariikhda, sharafna soo hooyay, mansab, maamuus iyo magacna helay.

Bishaaro, ogow in aan waxba dunida la gaadhin, iskana iman uun. Balse ay u baahan tahay

  v  u jeeddo, v  hadaf, v  dadaal, v  dhabar adayg, v  samir, v  hiigsi iyo v  himilooyin fog,

una hagar baxdo hankaaga, soona jeedo hadh iyo habeen, fikirto, fahanto oo ficil u badasho. Akhriste waad tahay hoggamiye aanad ogayn (habeen kaliyaatana hoggamiye laguma noqdo). Waa mid qaadan doonta waqti oo aad la kacaa kufi doonto.

HORUMARINTA HANKAAGA

Su’aalo

Isku day inaad ka jawaabto oo baro halka aad u socoto iyo waxa aad dooneyso nolosha.

1.      Majeceshahey inaad guul gaadho?

ü  Waa maxay guul?

ü  Maxaad u doonaysaa inaad guulaysato ee aad guul darro uga ordaysaa?

ü  Maad gaadhay guul?  

ü  Wali qof guul gaadhey ma waraysatay?  

2.      Ma jeceshahay nolol udug, qurux iyo farxad leh?

ü  Sheeg toban shey oo aad adduunyada inaad hesho ugu jeceshahey?

ü  Sheeg toban shey oo aad adduunyada inaad la kulanto aad ugu neceb tahey?

3.      Ma jeceshahey mustaqbal wanaagsan?

ü  Mustaqbal sidee u eeg ayaad jeceshahay?

ü  Maxaad doonaysaa inaad noqoto mustaqbalkaaga?

ü  Malkeed doonaysaa inaad ka bilowdo dhisidda mustaqbalkaaga?

ü  Halkeed doonaysa inuu kuugu dhamaado?

4.      Maxaad nolosha ka aaminsantahay?

ü  Waa maxay noloshu?

ü  Nolosha aad rabtaa siday u eg tahay?

ü  Halkee nolosha ugu sarraysa ee aad u maleynaysaa?

ü  Goormay kugu farxad badnayd nolosha?

ü  Goormay kuugu layaab badnayd nolosha?

Isku day inaad ka jawaabi karto oo aad is waydiiso halkaad usocoto!!!


Kusoo Biir Telegram-keena 
Kala Soco Qormooyin Iyo Buugtaagta Cilmiga

No comments