WAX KA BARO:- 10 Sababood Oo Uu Hadafkaagu Kuugu Hirgeli La'yahay.

Like Saar
(4) Iskuma Aragtid Inaad Soo Hirgelin Karayso.
Qofku Sidiisaba, Ma Xaqiijin Karo Hadaf Aanu Rumaysnayn In Uu Xaqiijin Karo
Haddii Aan Is Kale U Dhigo, Qofku Wuxuun Buu Soo Hirgelin Karaa Wixii Uu Isu Arko In Uu Soo Hirgelin Karo
Waa Inaad Kolka Hore Suuraysan Karto Inaad Gaadhi Karto Hadafkaaga, Dabadeedba Aad La Timaaddo Dedaalkii Lagaaga Baahnaa Inaad Ku Soo Hirgeliso.
Laakiin Si Kastoo Aad U Dedaasho, Haddii Aanad Rumaysnayn In Aad Hadafkaa Soo Hirgelin Karto, Natiijadaadu Wuxuun Bay Noqonaysaa Mid Liidata

Waxa Jirta Qaacido 4 Geesood Ah Oo Odhanaysa
Aragtida Aad Ka Haysato Awooddaada, Waxay Saamayn Ku Yeelataa Ficilkaaga, Ficilkaaguna Wuxu Saamayn Ku Yeeshaa Natiijada Ficilkaaga Ka Dhalanaysa, Natiijadaasuna Waxay Sii Xoojisaa Aragtidii Aad Kolkii Horaba Awooddaada Ka Haysatay

Tusaale:
Haddii Aad Isu Aragto In Luqdda Ingiriisiga Kugu Adag Tahay Oo Aanad Baran Karin, Aragtidaadaasi Waxay Yaraynaysaa Ficilka Iyo Dedaalka Aad Ku Bixninaysa Barashada Luqadda Ingiriisga, Ficilkaa Yarna Wuxu Saamayn Ku Yeelanayaa Oo Dhalayaa Natiijo Yar, Natiijadaa Yarna Waxay Sii Xoojinaysaa Aragtidaadii Hore Ee Ahayd Ingiriisugu Wuu Igu Adag Yahay Oo Ma Baran Karo. Sidaa Uun Bay Marba Marka Ka Dambaysa U Sii Xoogaysanaysaa Aragtidaa Uu Qofku Iska Haysto Illaa Aay Aakhirka Ku Kallifto In Uu Isaga Hadho In Uu Ingiriisiga Barto
Ingiriisiga Tusaale Uun Baan Usoo Qaataye, Wax Waliba Oo Aad Doonayso Inaad Xaqiijiso, Waa La Mid. 
Waxaanad Suuraysan Karin Inaad Gadhi Karto, Hirgelin Kari Maysid. Waa Inaad Aragto Si Aad U Gaadho.
Haddaba, Haddii Uu Jiro Hadaf Aad Doonayso Inaad Xaqiijiso, Welina Aad Xaqiijin Kari La'dahay, Is Waydii In Dhibtu Tahay Aragtida Aad Awooddaada Ka Haysato Inaad Yookaa Xaqiijin Karto Iyo In Kale.

La Soco Qaybta 4-aad.
La Wadaag Saaxiibadaada (S H A R E)
Soo Gudbintii 

Post Comment