Ogaaw:- Taariikhda Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaan-ka Soomaaliya.
Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan Waa 61- Sano Jir, Waxa Uu Ku Dhashay Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Baay Sanadkii 1957-dii.
Waxbarashada Dugsiga Sare Waxa Uu Kusoo Qaatay Dugsiga Sare Ee Sheekh Aweys Qeybta Adabka Ee Magaalada Baydhabo.
Sanadkii 2014-tii, Jaamacadda Culuumta Iyo Tiknolojiyadda Ee Sanca Ayuu Ka Diyaadiyey Cilmiga Arrimaha Bulshada Halka Culuumta Xiriirka Caalamiga Iyo Diblumaasiyadda Uu Ka Dhigtay Jaamacad Ku Taala Dalka Uganda,
Sidoo Kale Waxa Uu Shahaadooyin Diploma Ah Ka Haystaa Tiknoolajiyadda Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadweynaha.
Howlo U Badan Arrimaha Bulshada Ayuu Ka Qabtay Magaalada Baydhabo, Wuxuu Gacan Ka Geystay Biyo-gelinta Magaaladda Baydhabo Iyo Sidii Tiknoolajiyadda Casriga Loo Gaarsiin Lahaa Baydhaabo.
Waxyaabaha Uu Qabtay Waxaa Ka Mid Ahaa Isaga Oo Aas-aasay Wabiyow Community
Development Association Iyo Alqamar Tecnology Center Oo Markii Ugu Horeysana Technology-ada Baray Dadka Reer Baydhaba,
Wuxu Dayactir Ku Sameeyay Biyo Mareen-ka Iyo Tubooyinka Baydhabo 2001-dii Isagoo Sidoo Kale Masaajidyada Geliyay Biyo.
Dhanka Siyaasadda Sanadihii 1993-1995 Waxa Uu Soo Noqday Guddoomiye Ku Xigeen Magaalada Baydhabo,
2009-kii Xildhibaan Dowladdii Kumeel Gaarka Ayuu Kamid Ahaa Isaga Oo Isla Sanadkaasi Xukuumaddii Cumar Cabdirashid Ka Noqday Wasiir Hantida Qaranka,
Sanadkii 2012-kii Waxaa Loo Magacaabay Safiirka Turkiga, Isaga Oo Wax Badan Ka Qabtay Dhismaha Iyo Qaabeynta Safaaradda Muddo 3 Sano Ayuu Xilkaasi Hayey.
Mar Kale 2015-kii Xukuumadda Cumar Cabdirashid, Ayaa Loo Magacaabay Wasaaradda Tamar Iyo Biyaha,
November 2016-kii Waxa Uu Ka Mid Noqday Xildhibaan Golaha Shacabka Federaalka Ah,
26, November
2017 RW Xasan Cali Kheyre Ayaa U Magacaabay Xilka Wasiirka Difaaca Ee Xukumadda Federaal-ka Soomaaliya.