War Deg Deg:

QAACIDDO CAJIIB AH OO LAGU XALLIYO WALWAL KASTA.

Like Saar

 

Miyaa aadan rabteen waddo-fudud oo aad ku xallin kartid walwal kasta oo kusoo wajaho, hab aad haddeer bilaabi kartid intii aadan buuggaanba wax kale ka sii akhrin?

Haddaba aan kuu sheego qaabka uu isticmaali jiray Willis H. Carrier oo ah injineer caqli badan ahna madaxa Carrier Corporations, shirkad caan ah oo soo saarta mukayfyada oo ku taalla Syracuse New York. Waa mid kamid ah qaababka ugu fiican ee walwal lagu xalliyo. Asaga ayaa aan qaabkaan ka maqlay shakhsiyan mar aan kuwada qadaynayan Engineer`s Club ee magaalada New York.

Waxa uu yiri `` Aniga oo dhalinyaray ah, ayaa aan ka shaqo bilaabay Buffalo Forge shirkad la dhaho oo kutaal Buffalo, New York. Waxaa la iidhiibay in aan xirxiro qalab loogu talo galay in gaaska lagu nadiifiyo laguna fuliyo mashruuc qaadan doono malaayiin doolar oo lacag ah. Waa hab cusub oo halmar kali ah horay loo tijaabiyey. Xoogaa ayaa wax nadiifiyey qalabkii balse sidii laga rabay wax ku filan waa noqon waayay. Waa aan u qaadan waayay guul-darrada aan la kulmay. Waxa ayba ila ahayd sidii in qof jugwayn madaxa iiga dhuftay, caloosha iyo uur kujirtaa bilowday in ay I holcaan oo dhaqdhaqaaqaan. Waayo ayaa aan walwalayay oo aan seexan waayay.

``Ugu dambayntii caqliga saliimka ah ayaa aan ku gartay in aan walwalkaani waxba itari doonin, kadib waxa aan helay waddo aan dhibaatooyinkayga ku xallin karo aniga oo aan wax walwal ah samaynin. Si fiican ayaa habkaasi iigu shaqeeyey. Habkaan ayaa aana illaa hadda isticmaalaa in soddon sano ka badan``.

Waa qaab fudud. Cidwalba ayaa isticmaali karta. Waa saddex tallaabo. ``Tallaabada koowaad: Xaaladda ayaa aan si fiican oo daacadnimo leh u darsaa , waxa aan darsaa waxa ugu xun ee igu dhici kara haddii aan ku guul-darraysto qalabkaan iyo hagaajintiisa. Cid I xiraysa majirto, cid I dilaysana majirto. Taasi xaqiiq ayaa ay ahayd. Waxaa kale oo dhab ah in aan shaqadayda waayi karayo iyo in shirkaddu qalabkaan meesha ka saaraan oo ay khasaaran lacag dhan labaatan kun oo doollar.

Tallaabada labaad: Markii aan ogaaday waxa ugu xun ee dhici kara. Waxa aan nafsadayda kula heshiiyey in aan aqbalo oo kasoo qaado in waxii ugu xumaa ayba igu dhaceen.

Waxa aan nafsadayda ku iri : Guuldarradani niyad-jab ayaa ay igu noqon, shaqadayda in aan ku waayana waa laga yaabaa, laakiin shaqo waa heli karaa maxaa dhib ah. Tan kale qolada shirkaddu waa ay ogyahiin in qalabkaani uu tijaabo ku jiro, haddii tijaabadii lagu guul-darraystay oo lacagtaas labaatanka kun ah ay khasaaraan, waa ka samri karaan waa shirkad wayn. Lacagtaasna waxaa lagu qori karaa in ay tijaabada ku baxday.

Markii aan ogaaday waxa ugu xun ee igu dhici kara kadibna aan nafsadayda kula heshiiyay in aan aqbalo oo kasoo qaado in ay igu dhacday, hal wax oo aad muhiim u ah ayaa dhacay: Islamarkiiba istireex iyo xasillooni ayaa i gashay aanan in muddo ah dareemin.

`` Tallaabada saddexaad. Illaa iyo daqiiqadaas waxii ka dambeeyey, waxa aan awoodayda dhan aan galiyey sidii aan u xallin lahaa in aysan xaaladda ugu xun ee aan aqbalay aysan gaarin. Intaas kadib ayaa aan billaabay in aan ka fakaro qaabkii aan ku yarayn lahaa khasaaradaas labaatanka kun ah .

Tijaabooyin dhowr ah ayaa aan qalabkii ku sameeyey, kadibna waxa aan ogaaday in haddii qalab kale oo shan kun oo doolar noqonaya aan galino, dhibtayada oo dhan in xalkeeda la gaarayo. Sidii ayaa aan samaynay, halkii aan labaatan kun ka khasaari lahaynna, shan iyo toban kun oo kale ayaa aan ka faa`iidnay. 

Xaqiiq ahaan waligay awood uma heleen in aan xalkaan keeno haddii aan ku mashquuli lahaa in aan ka walwalayo waxii dhacay. Sababta oo ah walwalku waxa uu burburiyaa awoodda fakarka ee qofka. Markii aan walwalno, maskaxdu waxa ay bilowdaa in ay marba meel u boodo, oo ay adkaato in aad go`aan sax ah qaadatid. Laakiin marka aynu go`aansanno in aan aqbalno in waxa ugu xumi ay nagu dhaceen, markaas waxa aan meesha ka saaraynaa sawirashadii xumayd ee maskaxdeennu ku wareeraysay waxa aana awoodaynaa in aan si caqliyeysan oo deggan xal ugu helno dhibaatada aynu ka walwalayno.

``Dhacdadani waxa ay ahayd sannado badan kahor, si aad u fiican ayaa ay iigu shaqaysay illaa iyo haddana waa aan adeegsadaa taasna waxaa ka dhashay in noloshaydu tahay mid gebi ahaanba ka maran walwal iyo walaac oo dhan``. Haddaba maxaa qaaciddada Willis H. Carrier ay dhab u noqonaysaa, qaymo waynna ugu fadhinaysaa? 

Sababta oo ah waxa ay caadka ka qaaddaa circa aan waxba ka arki wayno marka aynu walwalsannahay. Cagaha ayaa ay si fiican dhulka I noogu xajisaa, waxa aan ogaanaa halka aynu taaganahay. Haddii aynaan maskaxdeennu cago dhiganin, sidee ayaa aan si sax ah ugu fakari karaa?

Barafasoor William James oo ahaa aabbaha cilmi nafsiga, muddo soddon iyo siddeed sano ah ayaa uu hadda mootanyahay. Balse haddii uu maanta noolaan lahaa, waxaa hubaal ah in uu ansaxin lahaa qaaciddadaas aynu soo aragay. Sidee ku ogaaday? 

Sababta oo ah ardadiisa ayaa uu ku oran jiray `` Diyaar u ahoow in aad sideeda ku aqbashid…. Diyaar u ahoow in aad sideeda ku aqbashid, ``In aad waxa dhacay marka hore aqbashid ayaa ah tallaabada ugu horraysa ee dhibaato kasta aad kaga adkaan karti``. Isla fikraddaas waxaa buuggiisa caanka ah ee Muhiimadda Nolosha ku caddeeyey Lin Yutang asaga oo yiri ``Xasilloonida dhabta ah ee maskaxeed waxa ay ka timaaddaa aqbaaladda waxa ugu xun in ay kugu dhaceen aad aqbashid, nafsad ahaanna waa qaab qofku culays wayn maskaxda uga dajin karo``.

Waa sax sidaasi! Nafsad ahaan waa qaab qofku culays wayn maskaxda uga dajin karo! Marka qofku aqbalo in waxa ugu xumi ay ku dhaceen, wax intaas kasii dheer oo uu ka baqayo ma jiraan, taas macnaheedu waa intaas waxii kasoo hara oo uu ka badbaado waxa ay u noqon faa`iido.

``Markii aan aqbalay waxii ugu xumaa, islamarkiiba waxa aan dareemay xasillooni maskaxeed iyo istireex aan in muddo ah aanan dareemin. Illaa iyo waagaasna si fiican ayaa aan u fakari karaa``.

Macno ayaa ay samaynaysaa, sax? Saas oo ay tahay boqolaal dad ah ayaa noloshooda dabo-gaddoominaya ayaga oo xanaaqsan oo aqbali la`a dhibaatada soo gaartay, ayaga oo diiddan in ay wax ka qabtaan waxa soo gaaray, ayaga oo diiddan in ay iska badbaadiyaan dabo-gaddoonka nolooshada ku iman karaya haddii ay sii wadaan walwalidda.

Halkii ay isku dayi lahaayeen in ay dib noloshooda u dhisaan, ayaa ay sii dhexgalaan dagaal kharaar oo ay lagalamayaan dhibaatadii soo martay ee ay u qaadan la`ayahiin kadib waxa ay ku dambeeyaan in uu ku dhaco cudur layiraahdo Melancholia ( Cudur maskaxeed qofku jirro dareemayo markasta, isku buuqsanyahay, niyad-jabsanyahayna).

No comments