War Deg Deg:

Al Bicthah: soo diridda Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.

Like Saar

Al Bicthah macneheedu waxaa weeye "soo diridda", waana soo diridda Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, insiga iyo jinniga Nabinnimo iyo Rasuulnimo loogu soo diray. Ibnu Isxaaq wuxuu yiri: "Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, afartan sano gaaray, ayuu Ilaahay Tacaalaa wuxuu u soo diray isagoo raxmad caalamiinta u ah iyo dhammaan dadkoo idil, si uu ugu bishaareeyo. Wuxuu Ilaahay Tacaalaa hore ballan uga qaaday Nabi walba oo uu hortiis soo diray inuu rumeeyo oo uu wuxuu la yimidna rumeeyo, uuna uga hiilliyo cidda khilaafta, wuxuuna ka qaaday ballanka ah inay ballankaasna u gudbiyaan inta ayaga rumeysa oo raacda. Anbiyada dhammaantoodna cahdigaas way oofiyeen, oo xaqqaas lagu leeyahay way gudbiyeen. Wuxuuna Ilaahay Tacaalaa Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri Aayadda kow iyo sideetanaad ee Suuratu Aali Cimraana:
(وَإِذۡ أَخَذَ ٱللَّهُ مِیثَـٰقَ ٱلنَّبِیِّـۧنَ لَمَاۤ ءَاتَیۡتُكُم مِّن كِتَـٰبࣲ وَحِكۡمَةࣲ ثُمَّ جَاۤءَكُمۡ رَسُولࣱ مُّصَدِّقࣱ لِّمَا مَعَكُمۡ لَتُؤۡمِنُنَّ بِهِۦ وَلَتَنصُرُنَّهُۥۚ قَالَ ءَأَقۡرَرۡتُمۡ وَأَخَذۡتُمۡ عَلَىٰ ذَ ٰلِكُمۡ إِصۡرِیۖ قَالُوۤا۟ أَقۡرَرۡنَاۚ قَالَ فَٱشۡهَدُوا۟ وَأَنَا۠ مَعَكُم مِّنَ ٱلشَّـٰهِدِینَ)

[Surah Aal-E-Imran 81]

"Wa ith akhatha Allaahu miithaaqa Al Nabiyyiina: lamaa aataytukum mmin Kitaabin wa Xikmatin thumma jaa'akum Rasuulun musaddiqun limaa macakum la tu'minanna bihi wa la tansurannahu. Qaala: "A'aqrartum wa akhathtum calaa thaalikum isrii?" Qaaluu: "Aqrarnaa!" Qaala: "Fa ash-haduu wa Anaa macakum mina al shaahidiina(81)."

 Aayadda macneheedu waxaa weeye:

"Xusuuso markuu ka qaaday Ilaahay ballan adag Anbiyada, oo ah: "Waxaan idin siiyo oo Kitaab iyo Xikmad ah, oo uu markaas kaddib idiin yimaado Rasuul rumaynaya waxaad haysataan, oo ah kutubbadooda, waa inaad (Rasuulkaas) rumaysaan, una gargaartaan". Wuxuu Ilaahay yiri: "Ma qirteen oo ma ku qaadeen arrinkaas Ballankeyga?" oo ay ayaguna yiraahdeen: "Waan qimay (oggolaannay) ballankaas." Markaasuu ku yiri: "Maraga ka noqda, oo Aniguna la jirkiinna ayaan ka mid noqonayaa kuwa ka marag kaca(81)."

Sidaas ayuu Ilaahay wuxuu dhammaan Anbiyada ka qaaday ballanka ah inay aaminaan, ayna cidda khilaafta uga hiilliyaan, waxayna ballankaas u gudbiyeen oo kale inta ayaga laftooda rumaysay oo aamintay oo ka mid ah kuwa labada Kitaab la siiyey (oo ah krishtaanka iyo yuhuudda)". Al Imaamu ibnu Xajar Al Casqalaanii iyo Imaam ibnu Kathiir, siday uga wariyeen Al Qasdhalaanii iyo Al Azraqii, waxay yiraahdeen inay soo diriddu ahayd maalin isniin ah oo ay bisha Ramadaan afar iyo labaatan habeen ka gudbeen. Ibnu Xajama wuxuu Fatxu Al Baarii ku yiri: "Waxa saxiix ah oo mash- huurka shaacsan oo la wada qabo ah inay dhalashadiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallarn, ahayd bisha Rabiicu Al Awwal, oo sidaasey marka Waxyiga lago soo dejiyay uu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallarn, afartan sano iyo lix bilood jir yahay." Waa intaas warka ibnu Xajar ee Al Fatxu. Inta qabta inay Bicthadu bisha Ramadaan dhexdeeda ahayd waxay xujjo ka dhiganayaan Aayadda boqol iyo shan iyo sideetanaad ee Suuratu Al Baqarah, oo oraneysa: (شَهۡرُ رَمَضَانَ ٱلَّذِیۤ أُنزِلَ فِیهِ ٱلۡقُرۡءَانُ  ) (185)

(Shahru Ramadaana allathii unzila fiihi Al Qur'aanu) (185)", oo macneheedu yahay: " bisha Ramadaan ee lasoo dejiyay dhexdeeda Quraanka." Culummada sidaas qabtana waxay yiraahdeen: "Waxa ugu horreeya oo uu Ilaahay Tacaalaa ku karaameeyey Nabinnimadiisa waa soo dejinta Quraankuu kusoo dejiyay." Taasi waxaa weeye inay soo degidda Quraanku bisha Ramadaan bilaabatay. Axrnad iyo ibnu Jariir Al Dhabarii iyo Al Dhabraanii iyo Al Bayhaqii waxay Waathilah ka wariyeen inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

«أنزلت صحف إبراهيم أول ليلة من رمضان، وأنزلت التوراة لست مضين من رمضان، وأنزل الإنجيل لثلاث عشر مضت من رمضان، وأنزل الزبور لثمان عشرة خلت من رمضان، وأنزل القرآن لأربع وعشرين خلت من رمضان»

"Unzilat Suxufu Ibraahiima fii awwali laylatin min Ramadaana, wa unzilat Al Ttawraatu li sitti maadiina min Ramadaana, wa unzilati Al Injiilu li thalaatha cashrah khalat min Ramadaana, wa unzila Al Zzabuuro li thamaani cashrah khalat min Ramadaana, wa anzala Allaahu Al Qur'aana li arbaca wa cishriina khalat min Ramadaana."

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: "Suxufta lbraahiim waxaa lasoo dejiyay habeenka ugu horreeya ee Ramadaan, Tawraaddana waxaa lasoo dejiyay markay lix ka gudubtay Ramadaan, Injiilkana waxaa lasoo dejiyay markay saddex iyo toban ka gudubtay Ramadaan, Zabuurna waxaa lasoo dejiyay markay sideed iyo toban ka gudubtay Ramadaan, Ilaahyna wuxuu Qur' aanka soo dejiyay markay afar iyo labaatan ka gudbeen Ramadaan." Al Xaafith ibnu Xajar wuxuu Fatxu Al Baarii bi Sharxi Saxiixi Al Bukhaarii ku yiri: "Xadiithkaani wuxuu ku dhabbaqan yahay Hadalka Ilaahay Tacaalaa ee ah :

(شَهۡرُ رَمَضَانَ ٱلَّذِیۤ أُنزِلَ فِیهِ ٱلۡقُرۡءَانُ  ) (185) 

"Shahru Ramadaana allathii unzila fiihi Al Qur'aanu"

oo macneheedu yahay: "bisha Ramadaan ee lasoo dejiyay dhexdeeda Quraanka", iyo 

(إِنَّاۤ أَنزَلۡنَـٰهُ فِی لَیۡلَةِ ٱلۡقَدۡرِ

[Surah Al-Qadr 1] 

"Innaa anzalnaahu fii laylati Al Qadri(1)

oo macnheedu yahay: "Annagaa soo dejinnay Quraanka habeenka Laylatu Al Qadarka(1)." Waana Aayadda koowaad ee Suuratu Al Qadri. Intaasuu ku egyahay warka ibnu Xajar.

Lasoco Qeybta Xigta
Soo Degidda Quraanka Kariim-ka.


Kusoo Biir Telegram-keena 
Kala Soco Qormooyin Iyo Buugtaagta Cilmiga

No comments