War Deg Deg:

Sawirro:-Hilibkii Qurmay Ee La Qabtay Oo La’aasay Iyo Maamulka G/Banaadir Oo Cadeeyay Nooca Hilibkaas.

Like Saar

Xalay ayay aheyd markii Ciidamada Booliska degmada Cabdul Casiis ee Gobolka Banaadir ay qabteyn Gaari nooca Soomaalida u taqaano Deynada iyo Mooto Bajaaj lagu waday Hilib Qurmay.
Hilibkaas ayaa  Shaqsiyadkii watey oo gaarayay ilaa 14 waxa ay sheegeen in uu ka halaabay Ciidamada AMISOM,isla markana ay iyagu doonayen in ay ku iibiyaan degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.
Waxaa soo baxayay shaki laga muujiyey waxa uu ahaa Hilibkaas,balse waxaa Galabta cadeeyay maamulka gobolka Banaadir oo shegay in uu kala ahaa
1-Hilib Lo oo jawaano ku jiray
2-Hilib Ari Cad oo jawaano ku jiray
3- Hilib Digaag oo La qalay
Iyo Ukunta Digaaga
Ugu dambeyn Gelinkii dambe ee Maanta ayaa lagu aasay Duleedka Magaalada Muqdisho,waxana maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay in shaqsiyaadkii waday Maxkamad lageyn doono.








No comments