War Deg Deg:

Faahfaahin: Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho. |KADARSHE| 2018 |

Like Saar



Qaraxaan Ayaa Waxa Uu Ka Dhacay Laami Yaraha Zoobe Ee Magaalada Muqdisho,Waxana La Sheegay In Uu Ahaa Mid Gaari Lagu Soo Xiray Gaari Aay Saarnaayeen Saddex Dhalinyaro Ah Oo Aan Weli La Shaacin Waxa Aay Ahaayeen.
Jugta Qarxa Ayaa Waxaa Lgga Maqlay Degmooyin Ka Mid Ah Muqdisho Sida Hodan,Waaberi , Wadajir Iyo Degmooyin Kale.
Sidoo Kale Qaraxaani Ayaa Waxaa Ka Dhashay Khasaaro Isugu Jiro Dhimasho Iyo Dhaawac Leh.
Dad-Ka Tegay Goobta Uu Qaraxa Ka Dhacay Ayaa Waxa Aay Ii Xaqiijiyeen  In Qaraxa Uu Ku Dhaawacmay Mid Ka Mid Ah Saddexdii Dhalinyarada Aheeyd Ee Gaariga Wadatay Halka Labadii Kale Aysan Waxba Gaarin.
Masuuliyiin Ka Tirsan Laamaha Amniga Soomaaliya Ayaa Gaaray Goobta Uu Qaraxa Ka Dhacay,Iyada Oo Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxaas La Geeyay Mid Ka Mid Ah Isbitaalada Muqdisho.
Waxaa Maalamahaan Magaalada Muqdisho  Kusoo Badanaaya Qaraxyada Gawaarida ,Waxana Maalin Ka Hor Miino Nooca Dhulka Lagu Aaso Ah Aay La Qaraxday Gaari Uu Watay Gudoomiye Waaxeed Maamulka Degmada Deeynile Ee Gobolka Banaadir.

No comments