War Deg Deg:

Akhriso:- Xigmadihii Luqmaan Al-Xakiim

Like Saar

Dhamaanteen Waxeeynu Wada Ogsoonahay In Luqmaan Al-Xakiim Uu Illaahay Ku Mannaystay Xikmad Aad U Badan,Waxaanay Xikmadaasi Noqotay Mid Uu Adduunku Dhaxlay Ilaa Iyo Haatan. Waxa Kaloo Aaynu Dhamaanteen Wada Ogsoonahay In Qur’aanka Ku Jirto Suurad Loogu Magac Daray Luqmaan Suuradaasoo Magceedu Yahay Suuratu Luqmaan.
Luqmaan,  Ayaa Had Iyo Jeer Waanin Jiray Wiilkiisa Waxaana Ka Mid Ah Xikimadihii Luqmaan:
Aabo Inankaygiyoow Iska Illaali Deeynka Waayo?, Waa Dulliga Maalintii Iyo Hamiga Habeenkii.
Aabo Inankaygiyoow Dadku Barigii Hore Waxay Istusnimada Ku Samayn Jireen Wixii La Arkayo, Laakiin Istusnimadii Waxay Gashay Ilaa Wixii Qarsoonaa Ee Aan La Arkayn.
Aabo Inankaygiyoow Iska Illaali Cadhada Waayo?, Bilawgeeda Waa Waalli, Dhamaadkeedana Waa Murrugo.
Aabo Inankaygiyoow Afar Wax Yaabo Dhoowr
Marka Aad Sallaada Ku Jirto Qalbigaaga Dhoowr.
Haddii Aad Cunto Cunaysana Cunahaaga Dhoowr.
Haddii Aad Guri Aan Kaaga Ahayn Joogtana Aragaaga Dhoowr.
Marka Aad Dadka Dhex Joogtana Carrabkaaga Dhoowr.
Dhamaan Xikamadahaa Aaynu Soo Sheegnay Waa Kuwa U Baahan In Aaynu Ku Dhaqano, Iyadoo Aaynu Ku Jirno Xilli Inta Badan Aaminsannahnay In Xikmadii Inaga Guurtay Sidaa Awgeed Aaynu Qaadano Oo Ku Dhaqano Xikmadahaasi Waana Kuwo Haddii Aaynu Ku Dhaqano Wax Badan Nolosheena Ka Badali Doona.

No comments