Akhriso Xigmado Ku Saabsan Saaxibtinimada | KADARSHE | 2018
1. Saaxiibada
aad leedahay saddex nooc ayay u kala baxaan:
B) Kuwa ku caawiyay waqtigi aad dhibka ku jirtay.
T) Kuwo kaa tagay xilligi dhibaatada ku heysatay.
J) Kuwa iyagu dhibta ku gashay
2. Qeybta ugu wanaagsan Nolosha waa; Marki Qoyskaagu kuu fahmaan sidi Saaxiib
oo kale, Saaxiibadaana kuu taageeraan sidi Qoyskaaga oo kale
3. Saaxiibada beenta ah waa sida Harka (hooska) oo kale had iyo
jeer waa kula socdaan xillga aad iftiinka ku jirto, balse ma arkeysid saacadaha
aad mugdiga (dhibka) ku jirto
4. Inaa daacad ahaato kuma heli kartid saaxiibo badan balse
waxaad ku helaysaa saaxiibo run ah
5. Marnaba ha ku xulan saaxiib adigoo si dhameystiran u fahmin.
Sidoo kale Marnaba ha ku waayin saaxiib is fahan daro ama muran yar
6. Saaxiib waxaa ugu wanaagsan qofka Alle ku xusuusiya. Kheyr
kula jeclaada. Marnaba aan dambi kuu horseedin ama kuugu yeerin
7. Iska ilaali saaxiibada xun ama nolosha ka dhacay inaad wax
badan ag joogto ama raacdo, ogow saaxiibada noocaas ah inay keligood dhintaan
ma rabaan waxay rabaan inaad isla dhimataan. Markaad aragto kuwaa ka carar!
8. Haddii aad ka cabsan jirtay kelinimada (cidlada). Hada ka
cabso inay saaxiib kuu noqdaan dad xun
9. Qof kasta wuu kuu iman karaa goortii aad faraxsan tahay ama
guuleysatay, laakiin kuwa dhinacaaga jooga goortii aad niyad jabsan tahay ama
fashil ku soo gaaro, kuwaas ayaa ah saaxiibadaada runta ah
10. Saaxiibka dhabta ah wuxuu xaqiiqdii kuu yahay Hantidaada
nolosha. Si daacadnimo ah ayay kuu saxaan, kuu hagaan, kuuna taageeraan.
Wehelkoodu wuxuu ku xusuusinayaa in aadan marnaba keli ku ahayn dunidan.