War Deg Deg:

Su’aal Xisaab Ah Oo Aan La Xalin Karin Oo La Weeydiiyay Ardayda Shiinaha |KADARSHE|2018

Like Saar


Dadka isticmaala baraha bulshada dalka Shiinaha ayaa dhaleeceeyay su'aal ku jirtay imtixaam arday laga qaadayay, taas oo aysanba suurtogal ahayn in la xaliyo.
Su'aasha oo la weeydiiyay ardayda dhigata fasalka 5aad, ayaa waxa ay u qorantahay "Haddii markab uu wado 26 ido ah, iyo 10 riyo ah, meeqa sano ayuu jiraa naaquudaha?".
Sawiro laga qaaday warqadda lagu soo daabacay su'aasha ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, waxaana ka dhashay dareen badan oo ay dadka qabeen, kuwaas oo xitaa su'aal galiyay maangalnimada su'aasha nooca ah.
Mid ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala ayaa isweeydiiyay in macalinka su'aasha soo qorey uu isaga yaqaano jawaabta iyo inkale.
Balse saraakiisha waxbarashada Shiinaha ayaa sheegay in su'aasha ay ahayd mid si kama' ah kusoo gashay imtixaamka.
Ardayda midkood ayaa mala'awaalay jawaabta wuxuuna yiri "Naaquudaha ugu yaraan 18 jir waa ka weynyahay" isaga maanka ku haya in qof da'daas ka yar aanan loo ogolayn in uu gaadiid kaxeeyo.

No comments