War Deg Deg:

Axadkii uu Alle Nooleeyo isaga ayaa Quudiyo oo ka yeelo Mid deeqtoon.|KADARSHE| 2018

Like Saar


Markii aan Indhaha beelay anigoo Da’ yar ayaa Maalin baa waxaan Maqlay Eedadeey oo Hooyadeey la hadleeysa una Maleeysa inaan hurdaayo iyadoo ku tiri - Maskiinkii Cabdicasiis ahaa sidee ayuu ku heli doonaa Shaqo uu ku Noolaado?
Durbadiiba Marka aan ka bogtay hadalada xanafta leh ee ka soo yeeray Eedadeey ayaa waxaan si dhaqso leh ugu Jawaabay - Axadkii uu Alle Nooleeyo isaga ayaa Quudiyo oo ka yeelo Mid deeqtoon.

Sheekh Cabdicasiis Bin Abdullahi Bin Baz waxa uu araggiisa ku waayay Caabuq Indhaha ka haleelay Markii uu Jiray Da’da 16 Sano isagoo Muddo Afar Sano kadib ahna gebi ahaanba beelay aragga taasoo keentay in Lixaadkiisu uu kala dhantaalmo Marka uu gaaray Da’da 20-ka Sano.

In kastoo Sheikh Cabdicasiis Bin Abdullahi Bin Baz uu ku soo koray Agoonnimo, dadku waxa ay ugu yeeri Jireen Agoonkii aragga beelay Maadaama uu Aabihiis dhintay Markii uu Jiray Sadex Sano oo keliya, sidaas ay tahayna Marnaba Cabdicasiis kama Joogsan inuu hiigsado Himiladiisa isagoo isku arkay inuu Nolosha ka gaari karo halka ugu sarreeysa balse ku cataabay in looga baahan yahay inuu dhagaha ka fureeysto Cid kasto oo ku tilmaanto inuu yahay Indhoole aan waxbo Qabsan karin.

Sheekh Cabdicasiis Bin Abdullahi Bin Baz oo Asal ahaan ka soo Jeedo Boqortooyada Sacuudi Carabiya kuna dhashay Magaalada Riyadh Bishii November 21-kedii Sannadkii 1910-kii ayaa dhanka kale ka yimid Qoys Magac weyn ku leh Fidinta Diinta Islaamka, Sidaas daraadeed Cabdicasiis waxa uu dardar geliyay barashada Qur’aanka, Fiqqiga, Hadith-ka iyo Tafsiirka isagoo Arday u Noqday Muhammad Ibnu Ibrahim Al ash-Sheekh oo ahaa Muftigii soo Maray Sacuudi Carabiya inta u dhaxeeysay Sannadihii 1953-kii ilaa 1969-kii oo ah Sannadkii uu Sheekha geeriyooday.

Duruuf kasta oo soo Marta Sheekh Cabdicasiis waxa uu ugu adkeeysan Jiray sidii uu Meesha kaga saari lahaa Shakiga ay dadka geliyeen awooddiisa isagoo ku Qasbi Jiray Naftiisa Habeen iyo Maalin inuu Joogteeyo Daraasadda iyadoo hadafkiisa ugu weyn uu yahay Maalin uun inuu aamusiyo dadkii la soo taagnaa in Cabdicasiis laf ahaantiisa uu u baahan yahay Cid xanaaneeyso oo Ceebtiisa asturto.

Sheekh Cabdicasiis waa uu ka Miro dhaliyay waxbarashadii waxa uuna dadaalkiisa Noqday Mid lagu Najaxo taasoo u horseeday inuu ku Siffoobo Caalim looga danbeeyo Diinta Islaamka iyo Sidoo kale in loo Caleemo saaray hoggaaminta Xarakadii Wahaabiga ee Qeybta ka aheyd dhaqdhaqaaqa Islaamka ku Salleeysan ee ka Jira Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Sheekh Cabdicasiis Mudadii uu Nolosha Baaqiga ku ahaa waxaa loo doortay inuu Noqdo Muftiga ugu weyn ee ka arrimiyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya isagoo xilkaasi la wareegay Sanadkii 1993 ilaa inta uu ka geeriyooday Sanadkii 1999-kii, waqtigaas oo ay Da’diisu aheyd 88 Sano.


Ugu danbeyntii Biyo dhaca ku Jiro Qisada waxa uu yahay in aadan Marnaba ka Quusanin Nolosha, dhageeysanina waxa dadka kale kaa aaminsan yihiin adigoo ku dadaalaya keliya inaad Rabbigaaga Saaxiib ka dhigato, Ogsoonoow Lixaadka dhabta ah waa Qalbiga waana Meesha ku gaarsiin karto Maqaam kasta oo aad damacsan tahay inaad soo taabato.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Abdiqani Gaarane Barre (Dufle).
Soo Bandhigadii Olad Ahmed Mohamed..



No comments