War Deg Deg:

AKHRISO SHEEKO XIKMAD XAMBAARSAN: BOQORKII RIYADA ARKAY |KADARSHE!!!.

Like Saar

Nin Boqor ah ayaa ku riyooday isagoo Ilkihiisa oo idil ay ka wada jabayaan, markaasuu u yeertay Nin ku xeel dheer Fasirka Riyooyinka, kiiyoo markii uu yimid ku yiri Boqorka: 
Ninkii: Boqoroow ma dhab baa inaad Riyadan aragtay? 
Boqorka: Haa waan arkay. 
Ninkii: Hadaba Boqoroow waxaan ka xumahay inay Riyaduna fasireyso arrin murugo leh. Waxayna tahay, in Reerkaaga oo dhami ay adigoo jooga hortooda ku dhiman doonaan!! 
Boqorkii oo Warka Ninku sheegay aad uga carooday ayaa Xabsiga dhigay Riyo Fasirihii. Wuxuuna mar kale u yeertay Nin bal midkan ka duwanaada oo Riyada si kale u fasira, kii loo keenayna isla sidii midkii hore buu wax u sheegay waana la xiray, illaa Dhowr Nin kale ay sidaas oo kale noqdaan. 
Ugu dambeyntii Nin buu Boqorku u yeertay oo yiri bal adna Riyadan fasir. Kiina markuu Boqorka ku celceliyay oo ku adkeeyay inuu Riyada sida ay tahay u arkay, Boqorkuna Haa uun ku jawaabay, Ayuu yiri:
Ninkii: Boqoroow aad baan kuugu hambaliyeynayaa! 
Boqorka: Maxaa dhacay ood igu hambaliyeeyneysaa?
Ninkii: Riyadu waxay sheegeysaa, in Adiga aad uga Cimri dheeraanayso dhamaan Ehelkaaga! 
Boqorku aad buu u farxay, Ninkiina wuu Abaal mariyay waliba si heer sareysa. 

Hadaba halkan waxaa laga arki karayaa, in Hadalka isagoo isku micno ah, hadana sida loo kala dhigayo iyo Qofba  Qaabka uu u sheegayo lagu kala duwanaanayo. Waxaa marka haboon inaad had iyo goor ka fiirsato sida aad u hadleyso, ka hor inta aadan Dhawaaqin!!!.

No comments