War Deg Deg:

Wax Badan Ka Ogoow Xil Ka Qaadista Gudomiyaha G. Banadir Thabit Abdi Mohamed.

Like Saar


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xilka Laga Qaadi Rabo Iyo Sababta Looga Qaadi Rabo:-
Warar-Kasoo Baxaaya Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya Ayaa Sheegaya In Goor Dhaw Xilka Laga Qaadi Doono Duqa Gobolka Banaadir Thabit Abdi Mohamed.
Arintaan Ayaa Ah Mid Buuq Ka Dhex Dhalisay Madaxda Dowladda Iyo Odayaal Dhaqameed-Ka Gobolka Banaadir, Waxaana Si Weeyn U Hadal Haaya Guud Ahaan Shacabka Soomaaliyeed Oo Dal Iyo Dibada Jooga.

MAXAA KEENAY XIL KAQAADISTA GUDOOMIYAHA G.BANADIR?.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Ayaa Waxaa Lagu Eedeeynayaa In Dowladda Hoose Uu Madaxda Ka Yahay Aay Bixiyeen Dhulal Danta Guud, Inkastoo Aay Ayaga Iska Fogeeyeen Arintaas.
Sidoo Kale Thabit Abdi Mohamed Ayaa Lagu Heeystaa In Uu Wado Olole Go’aan Looga Tashanaayo Aayaha Iyo Mustaqbalka Gobolka Banaadir, Lana Mid Naqdo Maamulada Ka Jira Dalka Soomaaliya Ee Heerka Federaalka Ah.
Gudoomiye Thabit Ayaa Horay Usoo Qaban Qaabiyay Labo (2) Shirweeyne Qaran Kaasoo Looga Hadlaayay In Banaadir Aay Yeelato Xuquuqda Maamulada Kale Ee Dalka Ka Jira, Laakiin Uma Suurta Galis In Uu Dhaco Shirweeynayaashaas Sababo Laxariira Muranka Aayaha Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ayaa Qaban Qaabinaaya Shirweeyne Qaran Kaasoo Looga Hadlaayo Aayaha Gobolka Banaadir, Iyo In Aay Yeelato Xuquuq Lamida Tan Maamul Goboleed Yada Soomaaliya.
Shirkaan Uu Thabit Qabanqaabinaayo Ayaa La Filayaa In Uu Qabsoomo 28-Da Bishaan Aanu Ku Jirno.
Wararka Ayaa Sheegaya In Gudoomiye Thabit Xilka Laga Qaadi Rabo Ka Hor Shirka Qaran Ee Gobolka Banaadir  Uu Qaban Qaabinta Ka Yahay.

OGOOW YAA BIXIYAY AMARKA XIL KA QAADISTA THABIT.

Warar Laga Helaayo Xafiiska Ra’isul Wasaare Kheeyre Ayaa Sheegaya In Uu U Yeeray Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Oo La Socday Safarka Madaxweeyne Farmajo Oo Wali Safaradiisii Ku Jira, Wuxuuna Amar Ku Bixiyay In Uu Soo Saaro Warqad Xilka Looga Qaadaayo Gudoomiye Thabit Abdi Mohamed.
Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Eng Cabdi Maxamed Sabriye Oo La Socday Madaxweynaha Ayaa Caawa Soo Gaaray  Magaalada Muqdisho.

XAALADDA MADAXTOOYADA SOOMAALIYA (VILLA SOMALIA)

Madaxtooyada Soomaaliya Ayaa Laga Dareemayaa Xaaladda Cakiran Oo Saameeyn Weeyn Ku Yeelatay,
Xildhibaano, Odayaal Dhaqameed, Madax Kala Duwan, Iyo Ganacsato Badan Ayaa Kusii Qulqulaaya Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya.
Ra’isul Wasaare Kheeyre Oo Su’aalo Laga Weeydiyay Xilka Qaadista Thabit Ayaa Wali Jawaab Saafi Oo Cad Ka Bixin.
Sidoo Kale Guddoonka Baarlamaan-Ka Soomaaliya Oo Ka Hadlay Arintaan Taagan Ayaa War Saxaafadeed Aay Soo Saareen Waxeey Ku Sheegeen In Aayaha (Mustaqbalka) Gobolka Banaadir Aaysan Soo Faragashan Hay’ad Aan Baarlamaanka Dalka Aheeyn.

Sida Wararka Aay Sheegayaan Baarlamaan-Ka Ayaa Cadaadis Xoogan Ku Haaya Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thabit Abdi Mohamed, Iyadoo Gudoonka Baar Lamaanka Iyo Kheeyre Kawada Mideeysan Yihiin In Thabit La rido.
Qaar Ka Tirsan Baar Lamaanka Soomaaliya Ayaa Ka Digay In Xilka Laga Qaado Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Iyaga Oo Sheegay In Aay Muhiim Tahay Maqaamka Gobolka Banaadir.
Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Si  Saa’id Looga Dareemay Xirxirnaashaha Wadooyinka,
Maadaama Laga Baqaayo Banana Baxyo Looga Soo Hor Jeedo Xilka Qaadista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thabit Abdi Mohamed.
Waxaana Maalin Nimada Birito Ah La Filayaa In Banana Baxyo Leeyskugu Soo Baxo Dal Jirka Dahsoon (Taalada), Shacabka Maagalada Muqdisho Ayaa Maalinta Birito Dhigi Doona Mudaaharaadyo Looga Soo Hor Jeeda Xilka Qaadista Thabit.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ayaa Taageero Buuxda Ka Helaaya Dhalinyarada Gobolka Banaadir Iyo Guud Ahaan Shacabka Ku Shaqan Gobolka Banaadir.
Goodmiya Thabit Ayaa Ah Gudoomiyihii Ugu Horeeyay Ee Aay Shacabka Gobolka Banaadir Si Dhab Ah U Taageeraan, Iyaga Oo Sheegay Inaay Garab Taagan Yihiin Xilkana Uu Dhameeysan Doono.

Fadlan Aragtidada Hoos Inoogu Reeb.
Adiga Ma Taageersan Tahay In Xilka Laga Qaado Gudoomiye Thabit Abdi Mohamed?
• Haa

• Maya
Lawadaag Asxaabtaada Share Gareey.
Mahadsanid
Waad Ku Mahadsan Tahay Aqriskaaga.


No comments