War Deg Deg:

Wax Ka Ogoow Oori Janno (Xilo Janno)

Like Saar


Oori Janno (Xilo Janno) Waa Haweeneeyda Xaaska Ah Oo Daboosha Baahida Caruurteeda Iyo Seeygeeda (Odeygeeda).
Oori Janno Waa Xaas Loogu Yimaado Gacaltooyo (Maxabo) Buuxda, Waa Hooyada Geedi Socodka U Heeysa Guriga , Waana Aas Aaska Deganaashaha Guriga.
Oori Janno Waa Ruux Naxariis Badan Oo Alle Swt Uu Ugu Deeqay Naxariis Laabta Ka Timaada.
Waa Qof Saameeyn Weeyn Ku Leh Jiritaan-Ka Umad Kasta, Waa Dhaxal Suge Laba Jinsi Oo Kala Qabiil Ah, Waana  Xudunta Iyo Isku Xirka Bulshada.

Astaamaha Lagu Yaqaano Oori Janno (Xilo Janno)
1- Gabadha Wanaagsan Waa Mid Si Buuxda U Gudato Cibaadada Alle Swt Ku Faral Yeelay
2- Waa Midda Had Iyo Jeer Alle Talo Saarataa, Hadii Aay Wax Ka Xumaadaanna Aan Quusan.
3- Waa Tii Ku Sugnaata Gurigeeda Oo Aan Ka Kabixin Hadii Aay Ka Baxdana Amarka Ka Heeysataa Seeygeeda (Odeygeeda)
4- Waatan Marwalba Alle Swt Uga Mahad Celisa Ninkeeda Wanaagsan Maadaama Uu Yahay Kii Reerka Ushaqaynaayay.
5- Waxaa Laguyaqaan Inay Tahay Tii Xafidda Maalka Ninkeeda Iyo Jirkeedaba Marka Uu Maqan Yahay.
6- Gabadha Wanaasani Waa Ta Uu Farxo Ninkeedu Markasta Oo Uu Eego, Haddii Uu Amrana Waa Tii Adeecda
7- Waa Midda Aan Dhaleecayn Ninkeeda , Isla Markaana Kudhibin Wax Aanu Awoodin.
8- Waa Tii Ogsoon Weeynaanta Xaqqa Ninkeeda, Waana Tii Caawiso Ninkeeda Oo La Qeeybsataa Murugo Iyo Farxad Ah.
9- Gabadha Wanaagsan Waatan Si Buuxda U Og Xaaladda Ninkeeda Iyo In Uu Yahay Sayidka Gurigeeda, Isagana Uu Yahay Kan Maamula.
10- Waa Tii Aan Soomin Soon Sunne Ah, Oo Ninkeeda Raali Ka Ah Mooyaane.
11- Waaa Tii Ninkeeda Umuujisaa Kal-Gacal Iyo Jaceeyl Dhan Walba Ah, Waxeeyna Si Xiiso Leh U Dhageysataa Marka Uu Hadlayo.
12- Waa Midda Ku- Taageerta Ninkeeda Wixii Kheeyr Ah Oo Uu Sameeynaayo , Lana Garab Istaagan Waanooyinka Wanaagsan Iyo Dhiira Gelinta Suuban.
13- Waa Midda Aan Ku Jeesjeesin Dariskeeda Iyo Dadka Isla Markaana Aan Xaqirin Umadda.
14- Waa Tan Aan Jecleeyn Dhaldhalaal-Ka Adduunka Isla Markaasna Aan Iloobin Jannada Ilaahay.




Tell No:- 615980809

No comments