Nin Sadex Naagood Qaba Oo Bil Kastana Ka Qaata $900 Oo Dollar Muushaar Ah.
Nin
U Dhashay Wadanka Marooko Ayaa Waxa Uu Taksiile Ka Ahaa Magaalo Ku Taala
Wadanka Marooko, Ninkaasi Ma Uu Guursan Ilaa Uu Ka Gaadhay 35 Sano. Maalin Maalmaha
Ka Mid Ah Ayaa Waxa Ay Isbarteen Gabar Waanay Is Jeclaadeen Ilaa Ay Is
Guursadeen. Mudo Kadib Ninkii Waxay Isjeclaadeen Gabar Ay Naagtiisa Saaxiibo
Yihiin Waanu Guursaday, Laakiin Naagtiisii Hore Arinkaasi Waa Ay Ka Cadhootay
Waxaanay Dhahday Sidee Baad Iila Guursataa Oo Aad Waliba Saxiibaday Iila
Guursataa, Laakiin Mudo Ka Dib Waa Aay Aqbashay Guurkiisa Waayo Wax Kale Oo Ay
Suubiso Way Garan Wayday.

Labada Naagood
Waxa Ay Ahayeen Saaxiibo Waxaaney Ahaayeen Labo Diktooradood (Two Doctors)
Waxaaney Wada Lahaayeen Hal Clinic Oo Ay Share Ku Wada Ahaayeen. Labada Naagood
Waxa Ay Kala Deganaayeen Laba Guri, Ninkii Waxa Uu Ku Dhahay Waa In Aad Labada
Guri Gadaan Oo Aynu Lacagta Labada Guri Ku Iibsanaa Hal Guri Oo Weyn.
Markii Ay
Labadii Guri Gadeen Lacagtii Waxay U Dhiibeen Ninkii Si Uu Ugu Dhiso Guri,
Kadib Ninkii Waxa Ay Qiso Jacayl Dhex Martay Gabar Engineer Ka Ahayd Dhisida
Guriga Cusub. Qiso Jacyl Kadib Waa Ay Is Guursadeen.
Naagtii Sadexaadna Waxay
Bilowday In Ay Siiso Ninkii $300 Oo Dollar Si Ay Ula Tartanto Naagihiisa Kale.
Ninkii
Hada Bilkasta Waxa Uu Naagihiisa Ka Qaataa $900 Oo Dollar.
Su’aal: Midee Fiican
In Ninku Guursado Hal Naag Ah Mise 4 Naagoog?
Midee Dumarka U Wacan In Ninku Keligeed
Ku Joogo Mise In Uu La Guuraso?
Midee Raga U Wacan Uu Guursado Hal Naag Ah Mise
Afar Naagood?
Fadlan Nala Wadaag Fikirkaaga, Fikarkaagu Waa Muhiim.