War Deg Deg:

AKHRISO XIKMAD IYO DARDAARAN (LUQMAAN AL-XAKIIM)

Like Saar

Luqmaan Al-xakiim Oo Alle SWT Suurad Dhan Oo Quraanka Kamid Ah Uu Ku Magacaabay Waxaa Uu Ahaa Nin Xikmad Badan Alle Ku Maneeystay, Waxaa Uuna Dhalay Wiil Lagu Magacaabi Jiray (Ashkam) Ama (Ancam) Waxaana Uu Kula Dardaarmay Xikmado Muhiim U Ah Qofka Kasta Oo Dardaaran U Baahan Waxaa Uuna Ku Yiri Luqamaan :-
WIILKAYGIYOOW SADDEX MEELOOD MARKAAD JOOGTID 
SADDEX SHEEY XAFID.

  1. Guri Aad Marti Ku Tahay Hadaad Joogtid Indhahaaga Xafid.
  2. Majlis Hadaad Dad La Fadhididna Carrabkaaga Xafid.
  3. Goob Cunto Haddaad Joogtidna Calooshaada Xafid.
Misane Wuxu Yiri:-
WIILKEYGIYOW LABO XUSUUSNOOW:-

  1. Ilaaheey Markasta Xus' Oo Xusuusnoow.
  2. Mowdkana Markasta Xusuusnoow

LABA SHEYNA ISKA ILOOW

  1. Wanaagga Aad Dadka U Samaysay Iska Illoow,
  2. Xumaanta Lagugu Sameeyayna Iska Illoow.
Mashaa Allaah Xikmadaha Iyo Dardaaranka Luqmaan Al-xaakim Aadbay U Badan Yihiin Insha Allaah Waan Idinla Wadaagi Doonaa, Intanyarna Allaha Nagu Anfaco.

Fadlan Hamogaan Inaad Like Dhahdo Page-ka 
Olad Ahmed Mohamed (Kadarshe)
Xigmadaan#Share Gareya Asxaabtiina

No comments