Baro 6 Dariiqo Aad Ku Xoojin Karto Xusuustaada.
Culimada Dhinaca Cilmu-Nafsiga Ee Caalamku Waxay Maalinba Ta
Xigta Sii Daah Qaadayaan Dariiqooyin Cusub Oo Aadamaha Jidhkiisu Awood Ugu
Leeyahay Inuu Daweeyo Ama Buuxiyo Waxyaabaha Uu Tebayo Ruuxa Bani’aadamka Ah Ee
Caafimaadka Qaba.
Halkan Waxaa Uu Qurbo.Net Idiinkugu Hayaa Lix Dariiqo Oo Lagu
Xoojin Karo Xusuustaada Isla Markaana Aan Maskaxda Dib Ugu Soo Celin Karto
Waxyaabihii Iyo Wakhtiyadii Ku Dhaafay, Dariiqooyinkan Oo Ah Kuwo Ay Soo
Bandhigeen Culimada Cilmi Nafsigu.
1: Dariiqada Koobaad
Waxaad Xoog Isugu Duubtaa Gacantaada Midig Adigoo Ku Xoojinaya,
Taasoo La Aaminsan Yahay Inay Tahay Dariiqada Ugu Muhiimsan Uguna Saamaynta
Balaadhan Ee Lagula Soo Noqdo Xasuustii Waxyaabahii Ku Dhaafay, Iyadoo Culimada
Cilmu Nafsigu Isku Raacsan Yihiin In Gacanta Midig Oo Sida Feedhka La Isugu
Duubo Ka Dibna La Xoojiyo Ay Maskaxda Ka Caawinayso Soo Celinta Xusuustii Ka
Baxday.
- Dariiqada Labaad
Dariiqada Labaad Ee Aad Ku Xoojin Karto Xasuustaada Waa Inaad
Seexato, Iyadoo Faa’iidooyinka Ugu Muhiimsan Ee Hurdada Laga Helaa Ay Ka Mid
Yihiin Inaad Dib U Xasuusato Waxyaabihii Kugu Wareegsanaa Ee Aad Maqashay
Xiligii Maalinimada Ama Duruustii Aad Maanta Soo Dhigatay Iwm
- Dariiqada Sadexaad
Dariiqada Sadexaad Ee Aad Ku Soo Ceshan Karto Xusuusta
Waxyaabahii Ku Dhaafay Waa Adiga Oo Lugeeya Oo Socda In Masaafo Ah, Iyadoo Ay
Isku Xidhan Yihiin Hadba Socodka Qofka Aadamaha Ah Iyo Xasuustiisu, Isla
Markaana Masaafo Sadex Km Ah Oo Uu Maalin Walba Qofku Lugeeyo Ay Door Weyn Ka
Qaadanayso In Xasuustiisu Hagaagsanaato Mar Kasta Oo Da’diisu Ay Sii Weynaato.
- Dariiqada Afraad
Dariiqada Afraad Ee Kuu Sahlaysa Inaad La Soo Noqoto Ama Xoojiso
Xusuustaada Waa Adiga Oo Joojiya Ama Hakiya Cabista Sigaarka, Iyadoo Guud Ahan
Culimada Cilmu Nafsigu Isku Raacsan Yihiin In Cabitaanka Sigaarku Uu
Waxyeeleeyo Qaybta Xasuusta Ee Maskaxda Qofka Bani’aadamka Ah.
- Dariiqada Shanaad
Hoos U Dhigga Miisaanka Jidhkaaga Ayaa Kaa Caawinaya In
Xasuustaadu Si Wanaagsan U Shaqayso, Iyadoo Dhamaan Tijaabooyinkii La Sameeyey
Ay Ka Soo Baxeen Saamayn Uu Miisaanka Qofku Ku Leeyahay Xasuustiisa.
- Dariiqada Lixaad
Dariiqada Lixaadee Aynu Halkan Ku Soo Bandhigayno Ee Kaa Caawin
Karta In Ay Isbedel Wanaagsani Ku Yimaado Qaybta Xasuusta Aadamaha Ayaa Ah In
Uu Iska Laabo Oo Iska Xidho Computer-Ka Isticmaalka Computer-Ka Ayaa Qofka
Ku Keena Inuu Dareenkiisa Oo Dhan Wada Siiyo Shaqada Uu Ku Hayo Ee Ku Qabsanayo
Computer-Ka Taasoo Keenta In Maskaxda Qofku Mashquul Badan Samayso, Sidaa
Darteed Culimadu Waxay Ku Talinayaan In Mar Kasta Oo Qofku Iska Yareeyo
Isticmaalka Computer-Ka Ay Maskaxdiisu Helayso Nasasho Iyo Deganaan Taasina Ay
Dhabbaha U Xaadhayso In Uu Xasuusto Waxyaabo Badan Oo Uu Soo Dhaafay.