Daawo:- Deeq Daawo Ah Oo Ka Timid Dowladda Mareykanka Oo Soo Gaartay Muqdisho.
Garoonka Diyaaradaha Aadan
Cadde waxaa goordhow soo gaaray Diyaarad sida Deeq dawo ah oo Dowlada
Mareykanka ay ugu soo gurmatay dadka dhibaatada ka soo gaartay Qaraxii Sabtidii
ka dhacay Isgoyska Soobe, waxaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowlada
Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal
Maxamed Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Siihaya
Safiirka Dowlada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa deeqdan ku wareejiyay
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi, waxaana la
gaarsiin doonaa dadka dhaawacyada ee ku jira Isbitaalada ku yaala Magaalada
Muqdisho.
Sidoo kale
waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Diyaarado kale oo wada
Gurmad caafimaad ah kuwaas oo ay balanqaadeen dowlado Saaxiib la ah Soomaaliya.