Madaxweynaha Dalka Suudaan Oo Amray In Addeeg Caafimaad Oo Tayo Leh Loo Fidiyo Bukaanada Soomaaliyeed Ee Soo Gaaray.
Dowladda Federaalka Ah Ee Soomaaliya Bukaanaddii Maanta Ay Ka
Qaaday Magaaladda Muqdisho Ee Ku Wajahnaa Dalka Suudaan, Ayaa Hadda Ka Degay Magaaladda
Khartoum Ee Xarunta Dalkaasi, Halkaas Oo Ay Kusoo Dhoweeyeen Masuuliyiin
Safaaradda Soomaaliyeed Ee Suudaan Iyo Jaaliyadda Dalkaasi Ku Nool.
Madaxweynaha Dowladda Sudan, Cumar
Albashiir, Ayaa Kahadlay Qaraxii Zoobe Ee Dadka Badan Ay Ku Dhinteen, Isagoo
Sheegay In Bukaanadda Wadaankaasi Gaaray Oo Gaaraya 23 Qof Ay Dowladdiisa U
Balan Qaadeyso In Addeeg Caafimaad Ay Siin Doonto, Islamarkaana Suudaan Ay
Diyaar U Tahay Caawinaada Iyo Garab Istaaga Soomaaliya, Ayna La Qeyb Saneyso Dhibaatada.
Cumar Albashiir, Madaxweynaha
Wadanka Suudaan, Ayaa Amray Wasaaradda Caafimaadka Ee Wadankaasi In Il Gaar Ah
Lagu Hayo Bukaanada Soomaalida Ah, Loona Fidiyo Gargaar Caafimaad Oo Tayo Leh,
Waxaana Uu Intaas Ku Daray In Xil Gaar Ah La Iska Saaro.