Baro Mid Ka Mid Ah Halyeeyada Islaamka |Cuthman Ibn Cafaan.
Nasabkiisa: Waa Cismaan Ibn Caffan Ibn Abil Caas Ibn Umaya Ibn Cabdil Manaaf… Waxa ay nabiga iskugu imaadaan dhinaca abtirsiinta Cabdi Manaaf, waa khaliifkii 3aad ee Islaamka.
Hooyadii waxa ay ahayd Arwa bint Kariis, Iyada oo ayaydiina ahayd Umu Arwa al Baydaa oo uu dhalay nabi Muxammad SCW adeerkii Cabdil Mudalib.
Cismaan Ibn Caffaan waxa lagu naanaysaa Dil Nuurayn sababtoo ah waxa uu guursaday Ruqaya iyo Umu Kaltuum oo labadooduba haa habluhuu nabigeenu NNKH aabaha u ahaa, lamana oga nin isku darsaday laba dumara oo uu nabi wada dhalay oon isaga ahayn,
Goortuu Islaamay:
Cismaan Ibn Caffan Allah raali ha ka ahaadee waxa uu kamid ahaa kuwii ugu soo hor maray asaxaabta islaamnimada, isaga oo da’diisu markaas uun ay waxyar dhaaftay 30 jir, Abubakar ayaa u bandhigay islaamnimada isaga oohadalkan ku yidhi “ Hoogtaye Cusmaanoow waxaad tahay nin toosan oo aanuu xaqu kaga darsamin baadilka, sanammadan ay caabudayaan qoomku miyaanay ahayn dhagxaan aan waxbana maqlin waxbana arkin cid ay waxyeeli karaan iyo cid ay wax u tari karaanna aany jirin?” Cismaan waxa uu ku jawaabay haa, Ilaahay baan ku dhaartee waa sidaad sheegtay.
Abubakar ayaa ku celiyay waxaan kuu gaynaya nabiga Allah Muxammad SCW, waxa uu sidaa risaalad Allah ugu soo dhiibay malakul Jibriil ee maad I raaci aan kusoo tusee. Cusmaan markale waxa uu ku jawaabay haa, kadib ayuu sidii ku raacay markuu Nabigu SCW u bandhigay diintana ku Islaamay.
Muddo yar isaga oo muslim ahaa ayaa Nabi Muxammad SCW uu u hibeeyay inantiisii Ruqayya waxaana lagu xaman jiray waa labadii lamaane ee ugu wacnaa intuu bina Aadam arko.
Hab dhaqankiisa: CIsmaan Ibn u Caffan waxa uu ahaa nin aad u xishood badan, waxa lagasoo wariyay in ay dadku odhan jireen sideenaan uga xishoon ninka ay malaaigtu ka xishooto, maa uu toosin jirin qof hurda habeenkii isaga oo salaatulayl iyo soon laasimi jiray, waxa la waydiiyay: Maxaad u amri wayday in shaqaalahaagu habeenkii waysada kuusoo qaadan kadib wuxuu yidhi: Habeenkii iyaga ayaa iska leh siday ugu raaxaystaan. Cusmaan waxa uu ahaa nin aad u murti iyo dulqaad badan, waanaaga jecel, xadiis ayuu Nabigu SCW ku yidhi ((Ummadayda waxa ugu xishood run ah badan Cusmaan)).
Cusmaan waxa uu kamid noqday 10kii asaxaabi ee jannada loogu bushaareeyay iyaga oo ifka jooga, waxa lagu xasuustaa in uu noqday khaliifkii koowaad ee amra in Qur’aanka la qoro, waxa uu ballaadhiyay Masjidka Nabiga NNKH, waxaana uu furtay dhulal badan oo uu Islaamka usoo hooyay guulo is daba jooga.
Sannadii 35-tii Hijriyada ayaa Cusmaan ibn Caffaan lagu soo weeraray gurigiisa oo ku yaalay madiina, weerarka waxa horjooge ka haa Cabdillahi ibn Saba’ oo ahaa nin qarsanayay yahuudinimada, waxa ay go’doomiyeen gurigiisa muddo 40 maalmood ah oo ay u ogolaan waayeen inuu Masaajidka ku tukado iyo inuu biyo helo toona, Asaxaabta qaar kamid ah ayaa isku dayay inay u gurmadaan balse Cusmaan waa uu ka diiday isaga oo ku dhahay ma rabo in aniga dartay ay dhibic dhiiga oo islaam ahi u daadato, ugu dambayntii dadkii xumaha waday ayaa gurigiisa uga soo dhacay qaybta gadaaleed iyaga oo CIsmaan dilay goor uu kitaabka quraanka ah aqrisanayay, taasi oo dhiigiisii uu ku dul daatay kitaabkii. Waxa lagu aasay xabaalaha madiina ku yaalla ee Baqiic.
Fadlan Ka raalli ahaada haduu maqaalku dheeraaday.
Ka Faaidaysi Wacan |Soo Dhawaada.
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS
FACEBOOK COMMENTS