War Deg Deg:

Wax Ka Baro Waxyaabaha Dila Sharaftaada!!!

Like Saar
Aqristayaasha Qiimaha Badan   Waxaan Idiin Soo Gudbinayaa Talooyin Muhiim U Ah Qof Walbo Isla Markaana Wax Weeyn U Tari Doono Kana Caawin Doono In Uu Dhawrto Sharafkiisa Waxaana Ka Mid Ah .
1-  Iska Jir In Aad Qof Isu Duleyso :  Inaad Nafsadaada Qof U Duleyso  Waa Wax Kugu Kalifi Karo In Aad Sharaf Xumo Ku Noolaato Inta Nolashaada Ka Dhiman Waxaa Suura Gal Ah Adiga Oo Ku Fakarayo Waa Halkan Mar Oo Kaliya In Aad Weyso Fursad Aad Madaxaaga Mar Kale Kor Ugu Soo Qaado .
2-  Nafsadaada Qof Kale Hala Barbar Dhigin : Haddii Aad Marwalbo Nafsadaada La Barbardhigto Dadka Kale Waxaa Halis U Noqon Doontaa In Aad Quusato Isuna Aragto Qof Liito Oo Ay Dad Badan Ka Sareeyaan Taas Oo Kalifi Doonto In Aad Dadka Qaar Markii Aad Aragto Aad Isu Daciifiso Markacadey.Net Waxay Ku Leedahay Ahaw Qof Isku Kalsoon Ogowna Haddii Aadan Adiga Is Sharfin In Aysan Cidna Ku Sharfi Doonin .
3-  Iska Jir Muranka Badan : Muranka Badan Ayaa Waxa Uu Kalifaa Inta Badan In Aad Weyso Sumcadii Aad Ku Dhax Lahayd Bulshada Dhaxdeeda Haddaba Waxaa Kula Gudboon In Aad Isku Daydo In Aad Ka Fogaato Muranka Badan Gaar Ahaan Kuwa Malaa Yacniga Ah Oo Aan Dan Kaa Soo Gelee Aysan Jirin .
4-  Iska Jir Balan Ka Baxyada : Balanta Oo Aad Dadka Ugu Baxdo Waxa Ay Kuu Abuui Doonto In Lagaa Niyad Jabo Isla Markaana Laguu Fahmo Qpf Aan Wax Qiimo Ah Lahayn Haddaba Si Aad Sharafkaaga U Dhowrto Waa In Aad Ku Dadaashaa Ilaalinta Balanta .
5-  Beenta Waa Tan Ugu Qatarsan Ee Sharafta Lumiso : Beenta Waxa Ay Ka Mid Tahay Danbiyada Uu Eebe Ugu Neceb Yahay Dadkana Ay Aad U Neceb Yihiin Ruuxii Been Kugu Barto Waxaa Xaqiiqa Ah In Uu Si Toos Ah U Lumin Doono Kalsoonidii Uu Kugu Qabay Asagoo Hadalkaaga Dhan U Arki Doono Mid Aan Meel Kasoo Qaad Lahayn Xitaa Haddii Uu Run Yahay .
XIGASHO:- Qalinkii : C/Raxmaan Gacaltooyo
 FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS