Waxaa Lagaaray Dhamaad-Kii Sanad-Ka 2017-da, Waxaana Inagu Soo Fool Leh Sanadka Cusub Ee 2018-da.
Afartaan Su'aalood Is Weeyd-dii
Inta Aadan Hadafyo Cusub Dhigan 2018.
Waxeeynu Ku Jirnaa Maalmihii Ugu Dambeeyay Ee 2017,
Waxaana Inagu Soo Fool Leh Sanad Cusub Hadduu Alle Idmo. Waqtigaan Oo Kale, In
Badan Oo Dadka Ka Mida Waxeey Dejiyaan Hadafyo Iyo Himilooyin Aay Doonayaan In
Aay 2018 Gaaraan Haddu Alle Idmo.
Qofka Inta Uu Sanadka
Cusub Dhigan Hadafyo Ama Himilooyin Cusub, Waxa Habboon Marka Hore In Uu Is Weeydiiyo Afartaan Su’aalo Ee Soo Socda:-
1)
Maxaa Ii
Qabsoomay Sanadkaan Sii Dhammaanaya?
v
Maxeey Yihiin
Guulaha Aan Gaadhay 2017-da Oo Ah Sanadka Sii Dhamaanaayo?
ü Waxaa Muhiim Ah In Aad Qorto Guulaha Yaryar Iyo Kuwa Waaweeyn Ee Aad Gaartay
Sanadka 2017. Waxay Ku Siinayaan Dhiirro-gelin Cusub Oo Aad Ku Wajihi Karayso Hadafyadaada
Cusub. Waxay Sidoo Kale Kuu Noqoneeysaa Wado Wanaagsan Aad Dib Ugu Eegto 2017-da,
Mar Kasta Oo Aay Niyad Jab Kula Soo Deristo Ama Aad Is Dhahdo Waxa Ma Qaban
Karaysid.
2)
Maxaa Ii
Qabsami Waayay Sanadkaan Dhamaanaya Ee 2017-da?
v
Maxeey Yihiin
Hadafyadii Aan Sanadkii Hore Dhigatay Ee Aan Weli Ii Qabsoomin Ama Wali Qabyo Ii
Ah?
ü
Waxaa
Muhiim Ah In Aad Qorto Iyagana Qaladaadkii Yar Yaraa Iyo Kuwa Waaweeyn Ee Aad
Gashay, Si Aad Sanadkaan Cusub U Saxdo Haddii Aay Weli Muhiim Ku Yihiin.
3)
Waa Maxaay Wax Yaabaha Aan Ka Bartay Sanadkaan Dhamaanaya
Ee 2017-da?
v
Guulasha
Aad Gaartay Ee Kuu Qabsoomay Iyo Kuwa Aan Wali Kuu Qabsoomin, Maxaa Ka Baratay
Oo Aad Sanadkaan Cusub Uga Faa'iideeysan Kartaa?
v
Maxaa Kuu
Fududeeyay Guulaha Aad Gaartay Sanadkaan? Sidoo Kale Maxaa Sababay Guuldarada Kuwa
Qabyada Ah, Ama Kuwa Aan Wali Kuu Qabsoomin? Maxaana Sabab U Ahaa Kuwa Kuu Qabsoomay
Iyo Kuwa Kuu Qabsoomi Waayay?
v
Maxaa
Cashir Ah Oo Ka Baran Kartaa 2017-da? Ugana Faa’ideeysan Kartaa Sanad-Ka Cusub
Ee 2018-da Si Aad U Gaarto Dhamaan Hadafyadaada, Haddii Alle Idmo?.
4) Maxeey Yihiin Hadafyada Sanadkaan Cusub Aad Dejin
Rabto?
v Waxaa Tahay Qof Alle S.W.T Uu Karaamo Siiyay, Waxaa Tahay Qof Aqli Uu Ku Fekero Alle Siiyay, Waxaa Tahay Kala Garanaaya Wanaaga Iyo Xumaanta, Waxaana Lagaaga Baahan Yahay In Aad Yeelato Waqti Aad Ku Kala Xadido Waxa Aad Qabaneeyso Sanadka Cusub Ee 2018-da,
v Waxaa Tahay Qof Alle S.W.T Uu Karaamo Siiyay, Waxaa Tahay Qof Aqli Uu Ku Fekero Alle Siiyay, Waxaa Tahay Kala Garanaaya Wanaaga Iyo Xumaanta, Waxaana Lagaaga Baahan Yahay In Aad Yeelato Waqti Aad Ku Kala Xadido Waxa Aad Qabaneeyso Sanadka Cusub Ee 2018-da,
Ugu Dambeeyn Waxaa Lagaaga Baahan Yahay In Aad Waqtigaada Ka Faa’ideeysato, الوقت كالسيف إن لم تقطعه قطعك
Ugana Faa’ideeysato Dhanka Wanaagsan.
Fadlan Hadii Afartaan Waydiimood Aad Si Wacan Uga
Jawaabto, Waxaan Rajeenayaa In Sanadka 2018-da Kuu Noqon Doono Sanad Miro-dhal
Leh, Wax Badane Kuu Qabsoomaan, Hadii Alle Idamo. Insha
Allah.
Share - Sii faafi
Ka Faaidaysi Wacan | Soo Dhawaada.
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS
Ka Faaidaysi Wacan | Soo Dhawaada.
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS