War Deg Deg:

Aqalka Sare Oo Maanta Ansixiyay Xeerkii Dalka Looga Mamnuucay Shirkadda Dp World

Like Saar


Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Kullankooda Maanta Waxay Ku Ansixiyeen Xeerka Dhowridda Midnimada Iyo Gobanimada Soomaaliya Oo Shirkadda Dp World Ka Mamnuucaya Dalka.
Kullanka Ayaa Waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/Llaahi,Waxayna Xildhibaanada Aqalka Sare Ay Ku Meel Mariyeen Sharcigii Ay Usoo Gudbiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Kaasi Oo Dhigayay In Dalka Aysan Ka Shaqeyn Karin Shirkadda Dp World Ee Laga Leeyahay Imaaraadka Carabta.
28-Senetor Ayaa Cod Gacan Taag Ah Ku Ansixiyay  Xeerka Dhowridda Midnimada Iyo Gobanimada Soomaaliya Oo Shirkadda Dp World Ka Mamnuucaya Dalka, Halka 6-Xildhibaan Oo Aqalka Sare Ka Tirsan Diiday,Iyadoo 2-Kalena Ay Ka Aamustay.

No comments