War Deg Deg:

Dowladda Kenya Oo Shaacisay Wadahadal Ku Saabsan Muran-ka Badda Oo U Socdo Soomaaliya.

Like Saar
Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Monica Juma Ayaa Markii Ugu Horreysay Shaacisay  In Uu Jiro Wadahadal U Socdo Dowladda Soomaliya Iyo Dowladda Kenya Kaas Oo Ku Saabsan Muran-ka Dhinaca Badda.

Dowladda Soomaaliya Ayaa Horay Dacwad Uga Gudbisay Dowladda Kenya, Kadib Markii Aay Dowladda Soomaaliya Sheegtay In Kenya Aay Kusoo Xad Gudubtay Badda Soomaaliya, Waa Sida Aay Sheegtay Dowladdii Xasan Sheekh Uu Hogaaminaayay.

Muran-ka Badda Ee Kenya Iyo Soomaaliya Ayaa Waxaa Horay Loo Hor Geeyay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka Ee Icj , Waxeeyna Monica Juma Aay Sheegtay In Uu Weli Jiro Dadaalo Kale Oo Lagu Doonaayo In Xal Looga Gaaro Muranka Labada Dal U Dhexeeya Ee Dhan-ka Badda.

Monica Juma Oo Wareeysi Siisay Wargeeys-ka New African Magazine Ayaa Waxa Aay Rajo Wanaagsan Ka Muujisay Xal U Helida Muranka Badda Ee Labada Dal.

Waxa Aayna Tiri:-

Waxaa Weli Wadahadal Noo Socdaa Dowladda Soomaaliya,Weli Waan Rajo Ka Qabnaa In Muranka Badda Xal Buuxa Laga Gaaro, Waxana Jira Heshiis Isfaham Ahaa In Labada Dal Aay Kala Doortaan In Maxkamad Aay Ku Kala Baxaan Iyo In Sihoose Loo Xaliyo, Lakiin Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Aay Maxkamada In Lagu Kala Baxo Ku Adkeeysatay".

No comments