Madaxweeyne Farmaajo Oo U Ambabaxay Dalka Qadar + Ogoow Sababta Uu U Baxay
Madaxweynaha Jamhooriyadda Federaalka Soomaalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Ayaa Goor-dhow Ka Duulay Garoon-ka Diyuuradaha Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho Ayaga Oo Ku Sii Jeeda Magaalada Dooxa Ee Dalka Qadar.
Dowladda Qadar Oo Kamid Ah Dowladaha Sida Weeyn U Taageera Dowladda Soomaaliya Ayaa Waxa Aay Kala Saxiixan Doonaan Hishiisyo Kala Duwan Kuwaasi Oo Labada Dal Dani Uga Jirto.
Sidoo Kale Dowladda Qadar Ayaa La Filayaa In Aay Kala Wareegto Mushaarad-ka Ciidan-kii Uu Imaarad-ka Tababaray Ee Dhawaan Dowladda Soomaaliya La Wareegtay.
Madaxweeyne Farmaajo Ayaa Waxa Magaalada Dooxa Uga Bilabaneyso Booqashada Rasmi Ah Taas Oo Qaadaneyso Mudo Labo Maalmood Ah, Waxa Uuna La Kulmi Doono Amiirka Dalka Qadar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani.
Sida Uu Sheegay Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed Oo Lahadlay Wakaaladda Sonna Ayaa Yiri:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ayaa Maanta U Ambabaxay Magaalada Dooxa Ee Dalka Qadar , Waxaana U Bilaabaneeysa Booqasho Rasmi Ah Oo Laba Maalin Ah, Isagoo La Kulmi Doono Amiirka Dalka Qatar. Waxaana Socdaal-kiisa Safarka Ku Wehliya Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Oo Iyagana Kulan La Qaadan Doona Dhiggooda Qadar”
Golaha Wasiirada Ee La Socda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Ayaa Waxa Aay Kala Yihiin Wasiirka Dakadaha Iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Wasiirka Caafimaad-ka Soomaaliya Iyo Wasiirka Qorsheynta Oo Wafdiga Madaxweynaha Uga Sii Horeeyay Dalka Qadar.