Madaxweyne Farmaajo "Xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo"
Muqdisho,
25ka May, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay in si shuruud la'aan ah loo
joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo
caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameysay, walina ay waddo dadaal
kasta oo lagu baajin karo in la daadiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo maanta hadalkan ka jeediyay khudbadii Jimcaha
keddib Masjidka Shuhadada ee Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in
dagaallada iyo muusiibooyinka soo noqnoqda looga gudbi karo in shacabka
Soomaaliyeed ay Allaah waydiistaan dambi dhaaf, ayna la yimaadaana isku duubni
iyo midnimo.
Madaxweynaha ayaa yiri "Waxaan rabaa inaan baaq u
jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan
leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo.
Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii
karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno
dhiigaas."
Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay
shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isqabsadaan, ayna gargaar u fidiyaan
walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo
duufaannadii maalmo kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntland iyo
fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo iyaga laftooda sababay barakac
baahsan iyo burbur hantiyeed.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad
celiyay dalalka aan saaxiibka nahay iyo hay'adaha samafalka ee garab istaagay
walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeynta xooggan ku yeesheen duufaannada iyo
daadadka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay
muhiimadda ay leedahay in hay'adaha amniga lagala shaqeeyo sidii loo sugi lahaa
nabadgelyada dalka, loogana adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah ee doonaya in
ay maalin walba dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka bisha
barakeysan ee Ramadaan.
DHAMMAAD