Baro Fikradaha Guusha Lagu Gaaro Si Aad U Gaarto Guul Wacan.
Fadlan Isticmaal Fikradahaan Si Aad Guul U Gaarto:
- Fuli
Fikradahaaga: Adigoo Ka Bilaabaya Meel
Macquul Ah Oo Aad Hadhoow Kasoo Kabsan Karto Sidoo Kale Markaad Wax Yar Ku
Bilaawdo Waxaad Kala Ogaaneeysaa Ineey Fikarada Soconeeyso Iyo In Kale.
- Diiwaangasho
Ahdaaftaada: Ahdaafta Aad Hiigsaneeyso Waa
Ineey Kuu Diiwaan Gashan Yihiin Si Aad U Ogaato Meesha Aad Mareeyso Iyo
Inta Kaaga Dhiman Inaad Gaarto Hadafkaada.
- Xooga
Saar Ahdaaftaada: Hadaf-Ka Aad
Leedahay Wuxu U Baahanyahay Daryeel Iyo Ka Warqabid Iyo Inaad Mar Walbo Ku
Fikirto Siduu Hadafkaada Ku Xaqiiqoobi Lahaa Fikiro
- Cusub Oo Wax Ku Ool Ah
Ku Soo Kordhi Si Aad U Gaarto Gunta.
- Joogteey Ahdaaftaada: Marnaba
Ha Dhayalsan Hadaf Ka Mid Ah Ahdaaftaada Haduu Xitaa Yar Yahay Wuxuu U Baahanyahay
In Fikir Badan La Galiyo Oo Laga Miro Dhaliyo, Sidookale In Hadaf Ka Mid
Ah Ahdaaftaada Aadan Ka Tagin Sababtoo Ah Waxaa Soora Gal Ah In Hadafkaas
Uu Ku Gaarsiin Karo Mid Intaa Ka Balaaran.
- Marnaba Hajoojin Waxbarashada: Wax
Badan Ayaad Baran Kartaa Waxaana Ka Baran Kartaa Qaababka Nolosha,
Sidookale Waxaad Wax Ka Baran Kartaa Qof Horay Usoo Gaaray Guul Waxyaabihi
Soo Wajahay, Waxbarashada Marwalbo Waxeey Kaa Saacideeysaa In Si Fudud Aad
Ku Gaarto Hadafkaada.
- Dalbo Saacidaad: Naftaada
U Ogoloow Ineey Hesho Saacidaada Aad Ka Heleeyso Dadka Kuu Dhaw Si Aad Uga
Hesho Khibrad Iyo Dhiiri Gelin Kuwaasoo Horay Kuu Sii Wadi Kara.
- Daraaseey Khaladaadkaada Iyo Saxnaashahaada: Waa
Inaad Daraaseeysaa Khaladaadka Iyo Saxnaashahaada Mid Fikir Iyo
Ficil Ah Si Aad Isaga Saxdo Oo Dib Eeysan Kugu Soo Noqon Wixii
Khaladaad Ahaa Oo Aad Gashay Siina Joogteeso Wixii Saxnaa Oo Aad
Sameeysay.
- Isku Kalsoonaaw: Noqo
Qof Isku Kalsoon Oo Naftiisa Ku Kalsoon Ogna Hadii Aad Dadaasho Inaad
Gaareeyso Hadafkaada Ama Gaayadaada.Isku Day Waa Gari Doontaaye.