War Deg Deg:

QISO YAR OO CAJIIB AH. (NIN KAA NAAG FIICAN WELIGAA MA GAARTID).

Like Saar
Waxaa Jirtay Hooyo dhashay Saddex Wiil, Sadexda Wiilba wey Guursadeen, Hooyadii wey Duqowday, waxeyna qaadatay Go,aan ah iney Imtixaan ka qaado Saddexdeeda Wiil si ay Xoolaheeda iyo Nafteedaba ugu Aaminto midkii ku Guuleysta Imtixaankeeda.
Waxey ka Bilowday midkii ugu weynaa, waxeyna timid Xaafadiisii waxey la Hoyatay Habeenkii, Aroortii ayeyna Xaaskiisii ku tiri Hooyo Weyso ii keen, markii ay u keentay Biyihii ayey ku Weysaysatay, ka dibna intii soo haratay ayey ku shubtay Firaashkii ay Xalay ku jiiftay.
Kadib waxey u yeertay Gabadhii, waxeyna ku tiri:- Hooyo Gogosha waan ku kaadshay, waxaan ahay Waayeel marka iska Dulqaado. Gabadhii wey Canaanatay Sodohdeed aad beyna ugu Xanaaqday, waxay ku tiri mar Dambe haku Kaadinin Gogosheyda.
Maamadii wey baxday, waxeyna aaday Gurigii Wiilkeeda Labaad ee kii hore ku xigay, waxeyna sameysay intii ay Gabadhii hore ku sameysay, waxay tan Dambe dheerayd wey Ceebeysay oo waxey u sheegtay Ninkeedii, isaguna kama uusan Xanaaqin oo ma Canaanan.
Maamadii wey baxday, waxey u tagtay midkii ugu yaraa Wiilasheeda Gurigiisa, waxeyna sameysay isla intii ay ku sameysay kuwii hore. Markii ay u yeertay Gabadhii oo ay ku tiri:- Hooyo waxaan ahay Waayeel oo waxaan Xalay ku Kaadshay Gogoshii ee Raali ahaada,
Ayey Gabadhii ku tiri Hooyo dhib maleh see kuugu Xanaaqnaa immisaad nasoo koriseen, imisaan Dhabtiina ku Kaadinay, imisaad Noo Sabarteen, Dhib ma leh Hooyo Gurigaagii iyo Caruurtaadi baad la joogtaa.
Haddaba, intaas ka dib Maamadii waxey isugu yeertay Wiilasheedii, waxey u sheegtay in ay Imtixaan ka qaaday Sadexdooda, ayna heshay Gurigii ay Nafteeda iyo Xoolaheeda ku Aamini laheyd, waxeyna Hantideeda, Dhibkeeda Dhammaan ay ku wareejisay Wiilasheeda midkii ugu yaraa.
Halkaas ayeyna ku Baraarugeen kuwii kale, waxaana ku Dhaafay Fursadii ugu weyneyd, Hantidii Hooyadoodna waxaa la Wareegay Wiilkii ugu yaraa Reerka.
FIIRO GAAR AH.
Dulucda iyo Ujeeddada Qisadan waa Xaaska Wanaagsan waa Halka Raggu isku Dhaafo, waxaana jirta Maahmaah soomaliyeed oo Oraneysa:- NIN KAA NAAG FIICAN WELIGAA MA GAARTID.

#SHARE GAREEY DULUCDA SHEEKADA LAWADAAG ASXAABTAADA

No comments