Waxa Jiray Nin Ganacsade Ah Oo Qabay 4
Xaas. Xaaskiisa 4aad Ayuu Ugu Jeclaa Wuxuu Usoo Iibin Jiray Dharka Ugu Qaalisan
Wuxuuna Ula Dhaqmi Jiray Si Naxariis Leh, Aadbuu Uga Taxadiri Jiray Waxa Ugu
Fiican Ee Uu Hayana Uu Siin Jiray.
Sidoo Kale Waxa Uu Aad U Jeclaa
Xaaskiisa 3aad Wuu Ku Faraxsanaa Wuxuna Markasta Ugu Faani Jiray Saaxiibadii, Iyadoo
Taasi Jirto Ayuu Hadana Ka Cabsan Jiray In Ay Maalin Uun Ka Tagto Oo Ay Ka
Doorato Nin Kale.
Xaaskiisa 2aad Iyada Si Aad Ah Ayuu U
Jeclaa,Waxay Ahayd Qof Aad U Caqli Badan Oo Markasta U Sabarta, Kalsooni
Buuxdana Wuu Ku Qabi Jiray. Markasta Oo Uu Dhibaato Uu La Kulmo Iyada Ayuu Ula
Iman Jiray Oo Uu Usoo Bandhigi Jiray. Way Caawin Jirtay Si Uu Uga Gudbo
Xiliyada Adage Ee Dhibta Badan.
Xaaskiisa 1aad Waxay Ahayd Qof Aad
Daacad Ugu Ah Waxayna Ka Qayb Qaadan Jirtay Hawlihiisa Dhinacyada Maamulka Iyo
Ganacsiga Taas Oo Ay U Dheerayd Hawsha Guriga. Sidaas Oo Ay Tahay Ganacsaduhu
Mu Jeclayn Xaaskiisa 1aad Iyadu Se Waxay U Haysay Jacayl Saa’id Ah Marnaba
Sidaas Umuu Qiimayn Jirin.
Maalin Maalmaha Ka Mid Ah Ayuu
Ganacsadihii Uu Xanuusaday Waxaana Uu Qiyasay In Uusan Wax Badan Sii Noolaan Karin,
Waxa Uu Ka Fikiray Noloshiisii Macaanayd, Wuxuna Naftiisa Waydiiyay: “Hada 4xaas
Ayaad Leedahay, Laakiin Markaad Dhimato Kaligaa Ayaad Noqonaysaa, Ilaa Goormaad
Kaligaa Ahaan Doontaa”.
Markaas Ayuu Xaaskiisii 4aad U
Yeedhay Wuxuna Ku Idhi: “Aad Ayan Kuu Jeclahay, Waxaana Kuu Keenay Dharka Ugu
Wanagsan Aadna Waan Kuu Dhaqaaleeyay Hada Waan Dhimanayaa Ma Iraacaysaa Oo Ma I
Wehelin?”
“Suuragal Maaha” Ayay Xaaskiisii 4aad
Ugu Jawaabtay, Wayna Baxday Iyadoo Kalmad Kale Dhihin Jawaabteedu Waxay
Qalbigiisa U Durtay Sida Midi Af Badan Oo Kale.
Ganacsadihii Murugaysnaa Wuxuu
Su’aalay Xaaskiisii 3aad: “Aad Ayaan Kuu Jeclaa Intii Aynu Isla Noolayn, Hada
Waan Dhimanayaa Ma Iraacaysaa Oo Ma Iwehelinaysaa”. “Maya” Ayay Ugu Jawaabtay “Noloshu
Aad Bay U Qurux Badan Tahay Markalaan Guursan Doonaa Markaad Dhimato Kadib”. Wuu
Niyad Jabay Ganacsadihii Aad Ayuuna U Naxay.
Kadib Xaaskisii 2aad Ayuu Waydiiyay:
“Mar Walba Adiga Ayaan Kuu Iman Jiray Markaan Garab U Baahdo Adigana Mar Walba
Garabkayga Ayaad Ahyd Hada Waxaan Kaa Rabaa Inaad Mar Kale Icaawiso, Markan
Dhinto Ma Iraacaysaa Oo Ma Iwehelinaysaa”. Waxay Ugu Jawaabtay “Waan Ka Xumahay
Markan Kuma Caawin Karo, Waxa Ugu Fog Ee Aan Kuu Qaban Karo Waa Inaan
Qabrigaaga Kuu Diro Aniguu Ku Karaamaynaya”, Taasina Waxay Si Buuxa U Niyad
Jabisay Ganacsadihii.
Kadibna Cod Ayaa Meesha Ka So Yeedhay:
“Aniga Ayaa Ku Raacaya Oo Kula Tagaya Meel Walba Oo Aad Aado”, Ganacsadihii Wuu
Fiiriyay Ileen Waaba Xaaskiisii 1aad, Aad Ayay U Baaba’sanayd Caato Ayay Ahayd
Waxaana Ka Muuqatay Inayna Cunto Cunin.
Ganacsadihii Wuxuu Yidhi: “Waxay
Ahayd Inan Adiga Ku Dhaqaalaysto, Markii Aan Awooda Lahaa”
Dulucda Sheekada
Hadaba Xaqiiqadu Waxay Tahay Inta
Aaynu Noolnahay Waxaynu Dhamaanten Leenahy 4xaas
Xaaska 4aad Waa Jidhka: Si Walba Oo
Aynu Waqti Iyo Dadaal Ugu Bixino Wuu Inaga Tagayaa Markaynu Dhimano.
Xaaskeena 3aad Waa Xilalkeena Heerarka
Aynu Gaadhno Iyo Hantideena: Marka Aynu Dhimano Waxay U Wereegayaan Dad Kale
Xaaska 2-Aad Waa Qoyska Ehelka Iyo
Asaxaabta: Si Kasta Oo Ay Inoogu Dhaw Yihiin Meesha Ugu Fog Ee Ay Inala
Tagayaan Waa Qabriga Iridiisa.
Xaaska 1aad Wa Nafteena: Marwalba
Waynu Hilmaanaa Waxaana Ka Daba Cararnaa Meqaam Hanti Iyo Waxay Naftu
Jeceshahay
Ruuxda Ama Nafta Waa Shayga 1aad Ee
Inoo Raacaya Meel Walba Oo Aanu Aadno.
Waxa Inala Gudboon In Aynu Iminka
Hagaajino Si Aynaan U Qoomamayn Marka Ay Na Haleelsho Sakaartul Mootka.
Wixii Talo Iyo Barnaamij Waxaa Kusoo
Hagaajin Kartaa
Ka Faaidaysi Wacan Dhamaan Asxaabta
Qaaliga Ah Oo Ku Taxan Page Kaan.