War Deg Deg:

Sheekada Gabadhii Ugu Dhowrsaneed Ee Cajaa’ibta, Quruxda iyo Caqliga Badneeyd

Like Saar
Waxa Jirtay Bari Gabadh Aad U Qurux Badan, Ilaahay Caqli Iyo Maskax Furnaan Badana Ku Manaystay .
Gabadha Reerkoodu Hanti Badan Malahayn, Waxaanay Iska Heli Jireen Nolol Maalmeedkooda,
Gabadha Yari Waxay Ahayd Mid Dhowrsan Oo Xishood Badan Inta Badana Gurigooda Joogta Oo Caawisa Reerkooda, Waxa Maalin Maalmaha Kamida Arkay Nin Dhalinyaro Ah , Waxuuna Ahaa Midka Kamida Tijaarta Magaaladaasi Ugu Weyn.

Aragtidii Hore Ninkii Wuu Caashaqay, Waxuuna Doonay Inuu Guursado, Ninkani Ilaahay Hanti Badan Waa Siiyey, Waxuu Ahaa Nin Kibir Badan, Dadka Dhibaateysan Ama Masaakiintana Uma Rooneyn.

Waxuu Guursaday Gabadhii Waxuu Dejiyey Guri Weyn Hadaba Habeen Kamida Habeenada Iyagoo Isaga Iyo Xaaskiisa Cusubi Kuwada Cashaynayaan Barxada Hore Oo Gurigooda Isla Markaana Waxa Daaqad Ku Beegnayd Oo Furan Soo Istaagay Nin Maskiin Ah, Oo Gaajada, Silica Ka Muuqda Aad Indhahiisa Ka Dheehanayso, Waxuu Weydiistay Lamaanihii Wada Caweynayay Cuno, Judhiiba Gabadhii Waxay Is Tidhi U Kac Oo Waxsii Waxaase Ka Diiday Ninkeedii Isagoo Ku Canaanaya In Ay Qalad Tahay Inay Isaga Miiska Kaga Kacdo Ooy Miskiin Xuna U Kacdo.

Gabadhii Wa Naxday Waase Ka Diiday Oo Waxay Cuno U Qaaday Miskiinkii, Waxay Sidii Ahaataba Sanado Badan Kadib Waxa Is Bedelay Waqtigii Samaa, Waxa Ninkii Tujaarka Ahaa Laga Dhacay Safaro Badan, Waxa Ka Degay Doomo Badan Oo Alaab U Safray,
Waxay Taasi Keentay In Dukaamadiisii Iyo Bakhaaradiisii Maalinba Mid Albaabka Loo Xidho, Waxa Markiiba Kusoo Qamaamay Dad Badan Oo Isaga Deymo Kulahaa, Waxa Hanti Qudha Usoo Hadhay Gurigii Weynaa Ee Ay Deganaayeen Isagiina Markii Dambe Deymahii Ayaa Loo Qaatay .

Ninkii Taajirka Ahaa Waxuu Ugu Dambeyn Iska Furay Xaaskiisii Isagoo Isku Canaanaya Iney Iyadu Tahay Qumayo Maalintii Uu Guursadayna Ay Wax Waliba Ka Xumaadeen Isla Markaana Imiga Aanu Awoodi Karin Inuu Keeno Cuno Ay Kuwada Noolaadaan.

Gabadhii Yarayd Ee Miskiinta Ahayd Walow Ay Iska Darayeysnayd Hadana Waxay Ahayd Mid Iyadu Nasiib Badan Waxa Markiiba Guursaday Ninkale Oo Tijaar Ah Oo Hanti Ka Badan Kii Ninkeedii Hore Ilaahay Siiyey, Ninkani Waa Ka Duwanyahay Dabci Ahaan Ninkeedii Hore Waana Ka Naxariis Badan Yahay.

Waxuu Ninkani Ooridiisani Cusub Dejiyey Guri Uu Dhowaan Iibsaday Markii Uu Gurigii Uu Keenayba Gabadhii Waa Ooyday Waxuu Weydiiyey Maxaa Kugu Dhacay, Waxay Tidhi Gurigani Waa Gurigeygii Hore Ee Ninkaygii Hore Wada Daganayn
Hadaba Waxa Dhacday In Habeen Kamida Habeenada Iyadoo Lamaanahani Cusub Wada Cashaynayaan Waxa Kadinka Albaabka Garaacay Nin Maskiin Ah Oo Doonaya Wax Uu Cuno Ninkii Aya Xaaskiisii Ka Codsaday Inay Miskiinka U Geyso Waxuu Cuno, Waa Ka Aqbashay Iyado Ku Faraxsan Iney Masaakiinta Caawiso.

Gabadhii Ayaa Cuno U Qaaday Miskiinkii Waxay Soo Noqotay Iyadoo Ooyeysa Oo Labadeeda Indhood Ilmada Kasoo Burqanayso Sidii Roob Oo Kale.
Ninkeedii Ayaa Yaabay Waxuu Soo Qabtay Gacanteedii Waxuu Ka Masaxay Ilmadii Dhabankeeda Radisay Waxuu Weydiiyey ” Gacaliso Maxaa Kugu Dhacay” Waxay Ugu Jawaabtay Ninkani Maskiinka Ma Garanaysaaa? Waa Ninkeygii Hore!!!

Ninkii Intuu Dhoolacadeeyey Ayuu Xaaskiisa Ku Yidhi ” Gacaliso Aniga Ma I Garanaysaaaa ……..
Waxaan Ahay Miskiinkii Hore, Eed Adigu Cunada Siisay “
“U Naxariiso Masaakiinta , Hana Ku Qiimeyn Dadka Lacag, Waayo Waxa Jira In Badan Oo Maanta Aan Heyn Oo Bari Haysa, Iyo Inbadanoo Maanta Haysa Barise Aan Heyn”

Hadaad Ka Heshay Sheekadani #Share Garee Oo Gaadhsii Asxaabtaada.

Mahadsanid

Akhriste Hadaad Jeceshahay Qisooyinka Follow Garee Bogani, Kalana Soco Maalin Walba Qiso Gaaban Oo Ku Cajab Gelisa.

No comments