War Deg Deg:

Maxaa Lala Kulmi Geerida Ka Dib ?

Like Saar
Maxaa Lala Kulmi Geerida Ka Dib ?
Qore Eng: Abdi Karim
Ahmed Hussein
Soo Gudbinta


: قال الله تعالى

ۖ كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ۗ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ
فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ ۗ وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ

[Surah: Aali-Cimraan Aayah 185]

Naftii Wanaagsaneed

Waa mawduuc runtii loo baahan yahay in laga hadlo

Qof kasta oo innaga inaga mid ahi wuu dhimanayaa qof kasta oo innaga inaga mid ahi waa kii mawdka dhadhamiya.
Balse nabigu (scw) wuu dardaarmay, wuxuuna ku dardaarmay;
“War badiya sheegitaankiisa ama xasuustiisa midka macaani oo dhan dumiya had iyo jeeraale” midka aduunyada dadka ka quusinaya oo qofkaan maalkiisi dareensiinaya kaa xusuustiisa badiya waa (Mawdka).
Nabiga (scw) waxa uu isagu nugula dardaarmayo iyo waxa aynu innagu ku dhaqmaynaa waa laba aad iyo aad u kala fog. Marka qofku hadii uu aakhiro xasuusto aduunyadu way la yaraataa haduu aakhiro iloobana aduunyadu way la waynaataa hadii uu qofkii ajelkiisi uu dhamaado wakhtigii ilaahay u qoray cimrigiisi u dhamaado.
Imika akhriste adigu bal naftaada in yar imika naxashka ku rid ka dibna eeg adoo ku jira kafantaadi ka dibna eeg adoo godkii laguu sii laalaadinayo ka dibna eeg iyadoo ciidii lagugu rogaayo ka dibna eeg meesha lagaga soo tagayoo adigoo sii maqlaya dadka kab qaadkoodi.
Godkoon lahayn iftiin ilaa ilaahay inuu u yeelo mooyee, oo cidhiidhi ah ilaa inuu ilaahay waasiciyo mooyee, oo dabayl lahayn ilaa inuu ilaahay u yeelo mooyee, bal imika akhristee intaa niyada gasho.
Malaa igtii alle ayaa kuu timaada oo soo fadhiisanayaan meesha ishu ay wax ka aragto iyagoo kaa raraya daartii dhamaanaysay oo kuu raraya daartii hadhaysay markaasu malakul mawt kuu soo dhawaan malagii la yidhi nafta soo qaad ilaa uu madaxa kaa soo fadhiisto. Naftii buu u yeedhin kolkaa, maarkaa naftan loo yeedhayaa laba midkood bay noqon.
  1. Naf markay aduunka joogtay xasuusneed aakhiro iyo mawd ilaahay iyo rasuulkiisa adeecday oo xaaraantii iska iska ilaalisay dariiqii nabigeena (scw) raacday wuxuu ka leexiyayna ka leexatay.
  2. Iyo mid waxaas oo dhan diiday.
Hadii ay markaa tahay naftu ama ruuxdu ruux wanaagsan wuxuu malakul mawt odhan:

يَا أَيَّتُهَا النَّفْسُ الْمُطْمَئِنَّةُ ارْجِعِي إِلَىٰ رَبِّكِ
رَاضِيَةً مَّرْضِيَّةً فَادْخُلِي فِي عِبَادِي وَادْخُلِي جَنَّتِي

[Surah: Al-Fajar Ayah 27-30]
“Soo bax nafyaheey jidhka wanaagsan ku jirtay ee aan xaaranta cuni jirin ee rasuulka amarkiisi raacday wuxuu ka reebayna ka hadhay. Ku bushaarayso janno iyo ilaahay raali ahaanshihiisa.”
Saas baa la odhan.
Dabadeedna naftii way soo bixin sidii dhibic biyo ah oo kasoo dhacday weel la foorariyay.
” Sidii qodax suuf laga soo saaray oo kale.”
Waxaana sidaa u soo bixi nafta qofka muslimka ah uun iyo muminiinta.
Ka dib naftu jidhka ku dhagi mayso ee way soo bixin naftii iyagoo u wada dhaqitaan janada ay ka soo qaadeen, malaa’igtii way la soo cararayaan oo markiiba ilaahay baa loo bandhigayaa, marka qofku nafta ay ka baxaysano naftiisa kor baa lala aadaya (samada). Ka dibna samooyinka oo dhan waa lasii marinayaa oo malaa’igta ayaa ku sii tukanaysa ilaa samada rabi ku sugan yahay la geeyo ka dibna ilaahay bay malaa’igtii naftaas waday u waydiinayaan inuu samada u furo ka dibna ilaahay wuu u furaya samada oo naftii way salaamaysaa ilaahay salaan rabinimo ka dibna ilaahay wuu soo dhawaynayaa .
Hadaba akhriste naftaada samada maloo furi doonaa mise waa laga celin doona? ma taqanid. Ka dibna waxaa u soo baxa janada kaadhkeedi oo la odhanayaa ku qora jannada naftan buugeeda.
Ar nasiib badana ninka lagu qoray jannada. Ilaahay waxaanu ka wada baryeenaa inuu janada nagu qoray dhamaanteen wixii muslimiin ah aamin aamin aamin. Ka dibna arlada u celiya isagoo raali ah meeshii uu ku jiray (Xabaashii).

مِنْهَا خَلَقْنَاكُمْ وَفِيهَا نُعِيدُكُمْ وَمِنْهَا نُخْرِجُكُمْ تَارَةً أُخْرَىٰ

[Surah: Da-Ha Ayah 55]
Waayo Ilaahay wuxuu yidhi:
‘’Ciida ayaanu iniga abuurnay iyada ayaanu inigu celinaynaa iyada ayaanu iniga soo saarynaa maalinta (qiyaamada.’’ [Surat: Da-Ha, 55]
Dad badan ayaa is waydiiya marka qofka maydka ah la maydhayo naftiisi halkay joogtaa .Qofkaasi haduu mumin yahay markaas waa la soo celin isla markiiba ka dib marka lagu soo qoro jannada oo way ag taagan tahay laakin inagu uma jeedno oo waxay leedahay ( ida dajiya, ida dajiya, ida dajiya) waayo meesha ay ku socoto way ogtahay.
Ka dibna marka la aasayo godka ayeey la galaysaa isagoo sii maqlaya dad jabaqdoodi.ka dibna xaalku intaas kuma dhamaan. Waxaa u imanaya isla markiiba laba malag oo oo bilaa naxariis ah ayaa u imaanaya wayna soo fadhiisinayaan oo waxay waydiinaya sida:
  1. Ilaahaagu waa kee ?
  2. Nabigaagu waa kee?
  3. Diintaadu waa tee?
Qofkii ilaah iyo rasuulkiisa iyo diintiisa aqoonin wuxuu oran aaaah aaah aaaah kufaarta oo kale iyo qofkii aan Ilaahay aqooninba laakin qofka muslimka ahi si wacan ayuu uga jawaabaya oo wuxuu odhanayaa sidan:
  1. Ilaahay waa ka khalqiga iyo samaawaadka abuuray.
  2. Nabigaygu waa muxamad (scw).
  3. Diintaydu waa diinta islaamka (furqaan).
Ka dibna qofkii muslimka ahaa ee xabaasha ku jiray qabrigii cidhiidhiga ahaa ayaa loo waasicin oo Ilaahay baa kala jiidin dhulka. Ka dibna godkii waxaa kula soo galaya camalkaagi oo wixii aduunyadu kulama soo galayaan daarihii aad dhistay iyo gawaadhidii iyo lacagtii kula ma soo gali ee waaxaa kula soo galay camalkaagi.
Dabadeedna waxaa kuu imaanaya wiil yar oo aad iyo aad u qurux badan oo udgoon badab misaad odhanaysaa (war adigu ma tihid kii danbiga la imaan jiray ee danbi kaama muuqdee yaa tahay? wuxuu ku odhanayaa (camalkaagi ayaan ahay) Ilaahaw camalka noo qurxi rabiyaw Ilaahay nooqurxi rabiyaw.
Qofku markuu xabaasha galo camalkiisi wuu arkaaya oo wuu u imaan.
”Akhriste ma dheera ee hada ogaw waxani waxay kugu dhacayaan adigoon is ogayn malaa wax fog baad u haysata, ehelkaagi iyo qaraabadaadi iyo maalkaagi adoo haysta ayeey waxani kugu dhacayaan.”
EE WALAAL ILAAHAY MAXAAD U DIYAARISAY MAALINTAAS QIYAAMADA ?
Ka dibna waxaa loo furin daaqad cadaabta ah misaa lagu odhan:
(Fiiri wuxuu ilaahay ka leexiyay)
Misaa loo furin haddana mid jannada ah misaa la odhan (fiiri ilaahay waxa uu kuu diyaariyay) labadiiba wuu arkaya marka qofkii meydka ahaa ee meesha ku jiray. Saas ayaa dadka ehlu cilmiga ahi meelaha khatarta ah u galayaan oo lacagtoodi u baabiinayaan oo sadaqaysanayaan waxay doonayaan inay intaas oo kaliyah gaadhaan innaguna lacagtii ayaanu ka daba ordaynaa oo diintiine u tuuraynaa inaan lacag helno awgeed.
FAHMKEENU INTAAS AYUU LE EG YAHY
Qofkaas muslimka ahi wuxuu la kulmi janooyin iyo waxyaabo ilaahay ugu talo galay oo aanan maskaxdayda ku soo koobi karayn

Naftii Xumeyd

WAXA LA GU SMAYNAYAA INTAAS AANU SOO SHEEGNAY KA SOO HORJEEDKEDA.
WAA MIDAANU KA BAQAYNO INAAN XAGEEDA AADNEE
Marka godka la galiyo ee la aaso qofkaas laba malag oo wajiyaal madaw oo wata kafan laga soo qaaday naarta oo ur qadhmuun leh iyo geedo naarta laga soo qaaday way u yimaadaa oo sidii oo kale ayeey u fadhiistaan oo naftii ayeey u yeedheen naftii isla markiiba soo baxi mayso ee waxay isku dhajin jidhka markay aragto malagani sida uu u egyahay dabadeedna iyagoo garaacaya jidhkii meel kasta ayeey ka soo saaraan naftii ku odhanayaan;
“Soo bax nafyaheey urka badani wax dhulka korkiisa ku bakhtiya ay ugu ur badan tahay”, waxayna yidhaahdaan ku bushaarayso cadaab iyo ciqaab kala duwan, samada ayaa lala aadaa naftaas urka badan leh.
Ka dibna waxaa nacladaya malag kasta oo jooga samooyinka iyo dhulka dhexdooda,ka dibna waxaa ilaahay loo waydiiya in samada loo furo laakin looma furo waana laga diidaa,ka dibna dhawaaq baa ka yeedha xaga ilaahay wuxuu yidhaahdaa ku qora naftan jahanaba(cadaabta), ka dibna u celiya dhulkii misaa la soo tuuraa naftii si xun,misay soo xaadirtaa inta la dhaqayo oo la kafanayo iyo qaadidiisa sariirta korkeeda ayeey ka qaylinaysaa mise odhanaysaa;
“War halkee ii wadaan”
Maxaa yeelay way og tahay in lasoo diiday oo jahanaba loo diyaariyay way ogtahay inaan khayr ka horayn qayladaas oo ay maqlayaan xawaayaan ku nool dhulka korkiisa misaa la galiyaa xabaashii misay malaa igtii ku yidhaahdaa sida
  1. Ilaahaagu waa kee?
  2. Nabigaagu waa kee?
  3. Diintaadu waa tee ?
Misuu yidhaahdaa qofkii maydka ahaa ee meesha ku jiray aaah aaah aaaah.
Misay ku odhanayaan waxna ma fahantid ee waxna ma garatid ee hagaranin misay ku dhufanayaan bahal ay wataan oo ilaahay og yahay quwadiisa ilaa ay feedhaha hoose dhulka hoose mudan feedhaha sarena dhulka sare mudaan oo cabaadka ka baxayo ay maqlayaan shay kasta oo dhulka ku nooli dadka iyo jinka mooyee.
Ilaahayaw naga badbaadi.
Ka dibna waxaa loo godlaa oo furaash looga dhigaa naar, misaa daaqada loo furaa jannada ah oo la yidhaah fiiri waxa ilaahay kaa leexiyay.
Misaa hadana loo furaa mid cadaabta ah misaa la yidhaah fiiri waxa uu Ilaahay kuu diyaariyay.
Labadaba wuu arkaya.
Hadaba akhriste inaan soo dhaafnay ha moodin wax fogna ha moodin minut gudaheed ayeey waxani ku dhacayaan nafta in lagaa qabtaa ilaahay waxba kuma aha adiga waxaa aragtaa qofkan in la qaaday oo ciida lagu rogay uun, laakin nabigu (csw) wuxuu inoo sheegaya waxa dhici doona.
Waxaa liibaanay qofkii ilaahay ku dhaafsiiyo marxaladaas, ilaahay hana dhaafsiiyo marxalaadaas aamin aaaamin aamin.
Misaa loo keenin camalkiisi oo waxaa u iman mid indha la oo dhaga la oon hadlaynin.
Misuu odhan qofkii maydka ahaa ee meesha ku jiray (war adigu yaa tahay uma ekid kii khayrka la imaan jirayee) misuu odhan isna (waxaan ahay camalkaagi).
Akhriste ogow aduunyadu waa xabsiga qofka muuminka ah iyo jannada kaafirk.

War Is Diyaari Qof Kastaw, Is Diyaari

Qofkii dadka xaman jiray ee dadka hilibkooda afkiisa ku cuni jiray waxaa lagu googoon afkiisa maqasyaal naarta laga soo qaaday waxaana laga bilaabaya daanka ilaa qadaadka ayaa lagu geenaya iyo cadaabyo kala duwan,
Qofkii maalka agoonta cuni jirayna iyo ribada calooshooda waaxaa laga buuxin naar afkana waxaa lagaga gurin dhagaaxaan naar ah.
Dadka ribada cunna waxay ku dabaalan wabiyaal dhiig ah ayuuilaahay ku dabaalsiin doona say ugu dabaalan jireen xaaraanta.
Qofkii salaada Ilaahay ka hurdi jiray ee aaan tukan jirin dhagax ayaa lagu dhufanaya markasta waxaana lagaga dhufanayaa madaxa misuu bashaaqin misaa haddana la isku soo celin si uu u dhadhamiyo cadaabka alle misaa hadana lagu dhufan saas buu ku jiraya waligii.
Qofkii beenta sheegi jiray daanka la dilaacin ilaa qadaadka sanka la dilaacin ilaa qadaadka indhahaa la dilaacin ilaa qadaadka saas buu ku jirin isaguna.
INTAA KA DIB…..
Dabadeena waxaa la afuufaya nafkhadii ugu danbeesay ee qiyaamaha la isku soo saarayay waxaana afuufaya malaga (ISRAAFIIL).
Qofkii muslimka ahaa wuxuu soo baxaya isagoo leh:
(ILAAHII MARKAAN DHIMANAY NA SOO SAARAY AYAA MAHAD LEH)
Isagoo ilaahay u mahad naqaya ayuu soo bixin oo ogaa inuu dhimanayo lana soo saarayo ogaa inuu muddo qubuuraha fadhin doono og meesha uu imika qabanayo oo mar hore kaadhkeedi u soo baxay (JANADA)
Kii kaafirka ahaana isagoo leh:
(WAR YAA NAGA SOO SAARAY MEESHAYADI AANU KU JIRNAY)
Waayo xabaasha ay ku jiraan meel hurdo ah oo kale ayeey u tahay marka loo eego cadaabta sugaya laakiin may hurdin ee ciqaab ayaa ku socotay waayo waa tii la sii tusay meesha sugaysa.
Misaa la soo kaxeenaya khalqiga ilaahay abuuray oo dhan iyagoo wada qaawan wada caga cad wada buuryo qab ah nin iyo naagba.
Qof walbaana waxaa kexeenaya malag kaasoo ah kii daftarkeeda haayay kuna markhaati furaya. Dadku maalintaas waxay isugu jiraan mid qoslaya sidii muslimiinta oo kale mid faraxsan mid ooyay oo cadaab ku soo socda ka ooyaya oo caalamkii dhamaan soo baaba,o oo umadii khalqi wixii ilaahay abuuray isku wada yimaadaan ilaa NABI AADAN, NABI MUXAMADE (scw).
Ka dibna dadku meesha ay taagnaadaan 1000 SANO oo nabiyadii Ilaahay soo dirto lagu yidhaah:
(ILAAHAY NOO BARYA INUU QIYAAMAHA RIDO IMIKA)
… ilaa mid kasta loo tago uu yidhaah anigu Ilaahay ku odhan maayo.
… ilaa nabi Muxamed looga tago oo uu Ilaahay u sujuudo oo Ilaahay ka aqbalo oo qiyaamihii dhacdo.
Maalinkaas cirku qorax ma leh oo Ilaahay iftiinkiisa ayaa cirkii qorax u yeelaya ka dibna Ilaahay iyo malaa’igtiisi ay yimaadaan iyagoo sharaf galinayaa caalamkan Ilaahay iyo malaa’igtiisu.
(Akhri suurada al-fajr iyada ayaa ka waramaysaa ilaahay iyo imanshihiisa ayaada 20-26.
Ka dibna waxaa la kala soocaya gaaladi iyo muslimiina, la iskuna dhex jiri maayo.
Miisaankiina waa in la keena ka uu miisaankiisu cuslaado weeyaan ehlu janadu ka uu khafiifona waa ehlu naarkii.
Miisaanka adiga lagu saari maayo ee waxaa la saaraya kan godka kuu yimi.
Misaa loo yeedhi doona markhaatiyaashii oo dhan ee aduunyada, laakin kuwaas waxaa ka horayn jidhkaaga ayaa kugu markhaati kicin sida:
  1. GACANTII
  2. ISHII
  3. DHAGTII
  4. LUGAHII
  5. AFKII
Dhamaan jidhkaaga oo dhan.
Taa waxaan ula jeeda xumaanta aad samaynayso aad is leedahay dadka kale ka dhuumo gacantaadaanad ka dhuuman karin xubin kastaana oo jidhkaaga ka markhaati ahi way kugu markhaati kici WALAAHAY BILAAHAY TOLAAHAY
XAGAAD KA GALIN IYAGA …
Jidhku wuxuu odhan doonaa nafta cadaab naftuna waxay odhan doontaada jidhku isagaa macsida ku dhacayee cadaab.
Misaa loo soo dirin malag oo malagii wuxuu keenayaa mid indho aan lahayn oo kici kara iyo mid indho leh oon kici Karin.
Dabadeedna beer bay soo wada galayaan misuu odhanaya kii indhaha lahaa war anigu midhaha geedkaa ku yaalaan arkaa ee makici karo ,adiguse waad kici kartaa laakin indho ma lihid saanu ku soo wada guranaa, misuu kiikale yidhi ” anigu aan ku qaade adaa arkee inoo soo gur misuu qaaday soona guray midhihii misuu malagii yidhi:
“Yaa la cadaabayaa”
Misay naftii tidhi labadaba
Misuuu yidhi malagiina
“Saas bay isku yihiin jidhka iyo naftu waana nili wada cadaabaya”
Ka dibna qof walbaa wuxuu caabuday ha raaco ayaa la odhanayaa qofkii gaalka ahaa inuu yidhaahdo maalinkaas “maanta ma raacayo diinta christinka ee i anfacimaysid ee orod iska tag awood uma leh inuu saa yidhaah waayo aduunyadii buu soo raacay..
Waxaa meesha ku soo hadhaya muslimiintii Ilaahay taqaanay, xitaa kii markuu dhulka korkiisa joogay Ilaahay yaqaana ee aan u tukan jirin ee camal wanaagsan ku dhaqaaqi jirin ee Ilaahay uun yaqaanay mararka qaarkood waxaa la yidhaah dadkaas buu ku soo dhex jiraa. Laakiin in kastuu isaguna ciqaab daran la marsiin dono.
Misaa lagu yidhaahdaa muslimiintii:
“War idinku maydaan tagayn waa kuwaa dadkii tageen”
Misay yidhaahdaan anagu dadkaa markaanu aduunyadii joognay maanaan raacin ee Ilaah baanu leenahay ee isaga ayaanu sugaynaa misaa lagu yidhaah:
“… oo ilaahay ma aragti aa ku taqaanaan baa jirta?”
Misay yidhaahdaan haa way jirtaa aragtidi anag iyo Ilaahay naga dhaxaysa” quraanka ayeeyna ku dhex jirtaa ee baro Akhristaw.
Misuu Ilaahay si kale iskaga soo dhigaa oo si aanay ku aqoon u soo baxaa misuu yidhaahdaa:
“ANIGA AYAA RABIGIINI AH”
Misay yidhaahdaan
“Adiga Ilaahay baanu kaa hoos galnay”
Halkan baanu joogaynaa ilaa ilaahayagi inta uu ka imaanayo ayeey odhanayaay.
WAA LA IMTIXAAAMAYAA SOO MA ARKAYSID
Misuu ilaahay kor ahaaye u soo baxaa misay sujuud u wada dhacaan muslimiintii, ilaahay sida uu ku soo baxayo kama jawaabi karo waxna kama sheegi karo waayo awoodayda way ka baxsantahay.
Kii markuu dhulka kor joogay aan tukan jirin maalinkaas ma sujuudi karo waayo aduunyadi muu u soo tukan ilaaha oo dhabarkiisa bir baa laga dhigayaa awood uu ku sujuudona ma leh.
(Qofka in yar oo iimaan ahi uu ku jiro qalbigiisa waxa uu noqda kuwa nabi Maxamed u shafeeco qaadi doono iyagoo cadaabta ku jira la odhan don soo daaya ha raacaan nabigoodee Muxamed (scw) waa dadkii iimaanka yari qalbigooda ku jiraye..
Ka dibna ilaahay wuxuu siiya janooyin iyo nimcooyin iyo wax kasta ay mutaysteen oo axaadiisteena iyo kitaabka quraanka ee wayn ku soo arooray.

Wa Billaahi Tawfiiq.

Abdikarim Axmed Xuseen
Sweden, Stockhom
E-mail: skyword268@hotmail.com
======================
Waad Mahadsan Tihiin.
Hamoogaan Inaad Kusoo Biirto Bogaga Aan Ku Leeyahay Baraha Bulshada.
........................................­­..
Join on Facebook @ Olad Ahmed Mohamed (kadarshe)
Follow on twitter @ Olad Ahmed Mohamed (kadarshe)
Email: kadarshee@gmail.com
Tel Number:- 615980809
…………………………………………………
Subscribe to my channel
My Larger Channel … Olad Ahmed Mohamed (kadarshe)

Muqdisho – Soomaaliya


No comments