Hal-Ku-Dhigyo Iyo Hadallo Xikmad Badan. |Olad Ahmed Mohamed|Xigmado|2017.
1. Ha Ku Ciyaarin
Shucuurta Dadka Kale, Waa Suurtogal In Aad Ciyaartaa Ku Guulaysato (Ka Gaadhay
Danta Aad Ka Lahayd ) Laakiin Khatarta Ka Dhalanaysaa Waa In Aad Qofkaas Weydo.
(William Shakespeare)
2. Qofka Doonistiisa
Sharci Ka Dhigaa, Sharci La’aan Ayaa Uu Dhacaa. (Shakespeare)
3. Haddii Aad Doonayso In Aad Goyso Qof Aad
Jeceshay Ama Saaxiibkaa, Dhaawac
Ha Kaga Tegin.. Qofka Qalbigiisa Ina Siiyey, Innagama Mudna In Aynu Waran Ku
Taagno Ama Ilbidhiqsi Uu Murugoodo Sabab U Noqonno.. Maxaa Ka Fiican In
Qof Aad Kala Tagteen In Xusuustiinna Uu Ku Hadho Waqtigii Fiicnaa Ee Aad Soo
Wadaagteen. (Shakespeare)
4. Toban Hab
Oo Aad Jacayl Ku Kasban Karto: Dhegeyso, Hadal, Bixi, Xidhiidhi, Jawaab, Wadaag,
Raaxayso, Ku Kalsoonoow, Cafi, Ballan-Qaad. (William Smith, Jilaa Ka Tirsan Hollywood)
5. Cadowga
Xorriyaddu Ma Murmaan, Balse Waa Ay Qayliyaan Oo Ay Rasaas Ridaan (Dagaalamaan)
William Ralph Inge.
6. Dadka Oo
Dhan Jecloow, Dad Yarna Ku Kalsoonoow, Cidna Xaqa Ay Kugu Leedahay Ha Ku
Xad-Gudbin. (William Shakespeare).
7. Qofka Wanaagsani
Waa Ka Mar Kasta Garanaya Qiimaha Waxa Aad Siisay Leeyahay, Xitaa Haddii Uu Wax
Yar Yahay. (William Shakespeare)
8. Haddii
Laba Ruux Faras Keliya Wada Fuulaan, Waa Qasab In Midkood Uu Dambeeyo. (William
Shakespeare)
9. Marka Ay
Baddu Deggen Tahay Bad-Maaxyadu Waa Wada Xariifiin (William Shakespeare)
10. Marka Aad Go’aan Gaadho,
Ee Aad Bilowdo Fulintiisa, Waxa Keliya Ee Kuu Muuqdaa Ha Noqdo In Aad Natiijo
Ka Gaadho, Wax Kasta Oo Taas Ka Sokeeyana Dan Ha Ka Gelin. (William James)
FACEBOOK COMMENTS